Waxa talooyinkan soo jeediyay C/raxmaan Jaamac Ismaaciil oo kamida Qurba-jooga Somaliland.
“Sida aynu wada ognahay, Somaliland waxa soo food saaray mid ka mid ah culayskii ugu waynaa intii dib loo aasaasay. Culayskani wuxuu u muuqdaa mid halis gelin kara jiritaanka dawladnimo “as nation and state” iyo koritaankii qarannimo ee sida gaabiska ah u korayey.
Culayskani ma aha kiig ugu horeeyey ee soo food saara Somaliland, 1992-1997 waxa soo food saaray culays-yo iyo dhibaatooyin kan maanta ku dhow-dhow. Waxase kala duwaana marxaladaha xiligaa iyo marxalada maanta. Waayo, xiligaa may jirin dawlad Soomaaliyeed oo la aqoonsay yahay iyo maamuulo Soomaaliyeed oo awood leh, isla markaana khatar gelin kara jiritaankeeda. Dhibaataduna badanaa waxay u dhexeeyeen dadkii taageeri jiray SNM.
Xiliyadaa sagaashaanaadkii, waxan muuqan jiray hogaan umadeed (mid siyaadadeed iyo mid dhaqanba). Hada, waxa mad-madow galay labadiiba. Ka siyaasadu ha u sii darnaadee. Waxa debecsanaan badani ka muuqtaa, hay,adihii qaranka ee loo egmaday in ay umada hogaamiyaan, sida madaxtooyadii, golihii wakiilada, kii guurtida iyo xisbiyadii.
Xukuumadii waxay awoodi wayday ama tahli wayday in ay dalka iyo dadka jihayso ama hogaamiso. Isla markaana soo bandhigto qorsheyaal lagaga baxayo culaysyada hada taagan isla markaana ka qaado talaabooyin muuqda.
Golayaashii wakiilada (guurtidu haba ugu sii darnaatee) waxay gabbeen la xisaabtankii xukuumada iyo in ay isu muujiyaan awooda labaad ee dalka.
Xusbiyada mucaaradka, xusbiga muxaafidka ah iyo ururada hada sharciyada haystaa waxay soo bandhigi kari waayeen qorshe cad oo ay dadkana cod kaga doonayaan, xukuumadana ku toosinayaan dalkana ku bad-baadinayaan. Si kale hadaan u dhigo, hadayba ku guulaystaan hogaanka dalka, xagay u jahayn-doonaan dalka. Maxaa la filayaa hadii mucaaradku soo bandhigo qoreshe qaran oo macquul? Waxa macquul ah laba arimood: culays xukuumada fuula iyo dadka oo rajo loo abuuro. Waxana dadku kala dooran lahaa qorsheyaasha la soo bandhigay. Ciidamadii kala duwanaa ee qaranku lahaa waxa iyana soo foodsaaray guuldarooyin iyo jaha wareer ay horseeday hogaan xumo.
Hadaba maxaa xal ah?
In kasta oo qoraalku muujinayo dhibaatooyin baahsan oo soo foodsaray geedi socodka dawladnimo ee Somaliland. Hadana rajada wanaagsani waxa weeye (the good news is) in weli haykalkii dawladnimo sii dhisan yahay oo bur-bur laxaad lihi aanu soo gaadhin (there is no disentegration yet).
Xalka, horta waxa ugu fiicnaan lahayd, in hay,adaha kala duwan ee dawladu sida madaxtooyada oo madaxwaynuhu hogaaminayo iyo labada gole xilgudasho
sameeyaan. Madaxweynuhuna muujiyo hogaamiye-nimo lagu kalsoonaan karo, isla markaana dadka u soo bandhigo halkuu umadan uu horseedka u yahay ku wado. Mucaaradkuna soo bandhigo qorsheyaashooda ay rabaan in ay dalkan ku hogaamiyaan, dhibkana lagaga bixi lahaa. Hadiise la waayey arimhan aynu kor ku soo sheegaynay, waxa haboon in loo gudbo madax dhaqameedka iyo wax garadka kale ee buldshada.
Odayaasha dhaqanka, inkasta oo odayaasha dhaqanka badankoodu qayb ka yihiin dawladnimada qaloocantay oo ay yihiin kuwa soo xula labada gole ee wakiilada. Doorwayna ku leeyihiin jaan-goynta doorasghooyinka madaxtooyada ee dalka ka qabsooma. Badankooduna ay noqdeen danlay, hadana ma jiro cid iyaga kaga haboon in ay arinta soo farageliyaan oo ay hogaan u noq-daan umadan siyaasigoodii ka gaabiyeem. Runtiina qaar ka mid ahina way bilaabeen,
waana ta hada xasiloonida ku meelgaadhka ah keentay. Laakiin waan ku meelgaadh uun. Waxay kaashan karaan dadka kale ee wanaaga jecel isla markaana aqoonta u saaxiibka ah iyo inta xilkaska ah ee qurbo joogta ah.”