Caqli dumay (WQ: Maxamed Yaasiin Maxamed)

 

Qoladii Kulmiye maxa loo soo sheegaay talow? yar iyo wayn waxa ka soo hadhay doorasho, wax la yidhi Kulmiye wuxuu isku halaynayaa gebi ahaan codadka lixda caasimadood ee waa wayn Laascaanood iyo Caynaba in uu ka dhaashanayo, Gar adag iyo Ceel-afwayn waa cidla oo dadkii wuu ka hayaamay, sidaa daraadeed Ceerigaabo iyana cod badan kama filanayo, sidoo kale Burco wuxuu isleeyahay cidi kaa badsan mayso, Sheekh iyo Berberana wakaaladii Jamaal ayaa u ansixisay in aanay meel kale ahayn.

Oodwayne iyo Salaxlay dadkeedii waa kuwaa Wajaale jooga, Hargeysana inaan cidi kaga cod badsanayn fooxaa cadeeyey, Boorama iyo Saylacna sidii ina Muumin Seed loo soo dhaweeyey Habar Carfaan, Maxamed Case iyo Ciiseba waa Kulmiyahano, sidaad daraadeed marka laysu geeyo codadkaasi waa ani foos loomana baahna tuulooyin iyo miyi cidi ka codayso dadka wixii tafaraaruqay ee tegay karkaar Bari, Eyl iyo Garoowe dhinaciisa waxba maaha waraaqaha codayntana Siilaanyo haloogu sii dhiibo sannadka danbe iyo golaha wakiiladay siin doonaane.

Xaalka abaartuna waa sidii kaadir Ardaaga Maxamed Cali Bile sheegoo sidii (Aadan Cadde )ayaynu gacana qoriga ku dagaalamaynaa midna aftida ku gelaynaa, aqoonyahan sidaasuu u dhigay iyadoo taako walba oo dhulkeenii ka mid ah uu halase ka baxayo, adna waxaad tidhi waxaan aad halkan ku soo qorayso, idinka iyo dadkuna kala maan ayaad tihiin allow sahal amuuraha, Illaahay wax iiguma kiin dhiibo saa nina tayda iigama xoog badnee, markaanse labada dhinac kii doonaaba ha noqdee uu guulaysto inta maanta doorasho la galo oo kolayba annagu waa danyartee codayn maynee aad idinku reernimo aad isugu shubtaan yaa loo talin doonaa waa yaabe, yaad adigu xukumi ama kaad xanbaarsan tahay uu u talin doonaa ama uu ka kaleba u talin doonaa.

Aqoontiin guurtay waad rarteen bahashii meel fog ayaadna gayseen Allaa ogna sidii looga soo celin balse teelo noomaydaan dhigan.

Waxa qoray: Maxamed Yaasiin Maxamed