Trump wuxu lataliyihii gaarka ah u magacaabay wiilka uu sodogga u yahay

 

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Kushner u magacaabay inuu mid ka mid ah lataliyayaashiisa sare ee aqalka cad.

Jared Kushner oo hadda 35-sanno jir ah, wuxuu kaalin muhiim ah ka ciyaaray ololihii Trump uu xilka ugu tartamay.

Shaqadiisa cusub ee aqalka cad ayaa ku saabsanaan doonto dibadda iyo gudaha Mareykanka.
Kushner, oo qabo gabadha Trump ee Ivanka Trump, wuxuu ka shaqeeyaa mashaariicda dhulka, kaas oo leh dano ganacsi oo ballaadhan.

Xisbiga dimuquraadiga ayaa ku baaqay in dib u eegid lagu sameeyo magacaabidda oo ay ku tilmaameen inay tahay โ€œqoys jecleysiโ€ iyo arrin khilaaf keeni karta.

Xubnaha guddiga cadaaladda ayaa ku booriyay in waaxda cadaaladda iyo xafiiska anshaxa dowladda inay faragelin ku sameeyaan arrintan.

Xilli sii horeysay, Trump wuxuu Kushner ku tilmaamay โ€œqof aad ugu weynโ€, uuna ku faraxsan yahay inuu u magacaabo xil siyaasadeed maamulkiisa ka mid ah.

Trump oo ah ganacsade ka soo jeeda New York, waxa 20-ka bishan ay ku jirno loo dhaarin doonaa in uu noqdo madaxweynaha 45-aad ee Maraykanka.

Xubnaha kooxda Trump waxay ku doodayaan in sharciga diidaya in xil loo magacaabo qoyska uusan khuseyn Aqalka Cad.

Sidoo kale waxaa jiro sharciga anshaxa oo diidaya in shaqaalaha dowladda aysan wax faaโ€™iido ah ka helikarin ganacsiga.

Balse qareenka Mr Kushner wuxuu sheegay inuu shaqada ganacsiga ka tagayaao haddii uu qabto shaqada lataliyaha ee Aqalka Cad.

Kushner waxaa loo arkaa in uu sodoggiisa si weyn ugu ololeeyay, wuxuuna kaalin weyn ka qaatay dhinaca istiraatiijiyadda teknolojiyadda.

Donald Trump oo inta badan dadku ka dhur sugayaan talaabooyinka uu qaadi doona, iyadoo uu qaaday qaar ku cusub taariikhda dalka Maraykanka, kuwaasi oo ka cadhaysiiyey waddamada ay xulafada dhow leeyihiin Maraykanka ayaa tanina waxay noqonaysaa mid uu kasoo xigtay waddamo badan oo Afrika ku yaala oo inta badan xilal u magacaaba qoysaskooda.

bandhige@gmail.com