Switzerland ayaa ku guulaysatay dacwad maxkamadda Yurub ee xuquuqda bini’aadanka (ECHR), oo ka doonaysa waalidiinta Muslimka inay u diraan ilmahooda casharo dabaal oo ay ka qayb qaadanayaan wiilal iyo gabdho.
Waxaa la sheegay masuuliyiinta in ay ku qanceen in ay muhiimada siiyaan sidii loo fulin lahaa “iskuulka manhajkiisa oo dhan” iyo sidii ay “ilamaha ugu guulaysan lahaayeen isdhexgalka” bulshada.
Maxkamada Yurub ee xuquuqda bini’aadanka ayaa aqoonsatay in xoriyada diinta faragalin lagu sameeyay.
Laakiin xaakimyada ayaa sheegay in aysan u dhigmin xadgudub.