Cashar aynu Tigreega ka baran karno! (WQ: Dr. Cabdikariim Daahir Xasan)

Ku dhawaad sodonkii sano ee TPLF ay Itoobiya xukumayeen keliya mayn ku sedbursan wadanka gudihiisa oo keli ah ee waxay gebi ahaabna isku koobeen metelida dowlada Itoobiya ee caalamka. Sida ay u maroorsadeen dhaqaalihii, ciidankii, iyo dhismihii gudaha Itoobiya ayay u xoorsadeen diblamaasiyadii dibadana.
Tigreegu waxay samaysteen ciidan aad u xoog badan oo diblomaasiyiin, wariyeyaal, akademiyiin iyo dilaaliin siyaasadeed ah oo caasimad kasta oo muhiim ah aduunka u jooga. Waana halka sodonkii sano ee Soomaalilaan jirtay ku fashilantay. Tigreegu waxay samaysteen asxaab saamayn muuqata ku leh hay’ado waawayn oo dunida ah. Kaniisadaha, gaar ahaan kuwa maraykanka, warbaahinta waawayn, xarumaha fikir samaynta ee siyaasada dunida, gaar ahaan afrika lagu odoroso laguna jaangooyo ayay saaxiibo dhow ku yeesheen. Shebekad xidhiidho maslaxadeed ah oo ku salaysan wada macaashid ayay la dhisteen shirkado waawayn oo macaash raadis ah. Intaas waxa dheer iyagoo gacanta ku hayay xogta dhabta ah ee Itoobiya sodon sano ku dhawaad.
Intii dagaalka Tigreegu socday oo aan la socday waxa warbaahinta reer galbeedka ee saamaynta lihi ka sheegaysay itoobiya, waxa cadayd in tigreegu taageero wayn helayay oo aan lasiinin gobol kale oo dhib ka dhacday. Yaynaan ilaawin in dhibaatada ka dhacday tigree mid ka culus ay ka dhacday Daafoor, Congo, oo hadana ay socoto Maali, Jaad, Nayjar iyo meelo kale oo afrika ah. Maxay dhibta Tigreegu kaga duwanayd dagaalada, xasuuqyada iyo macaluusha meelo badan oo kale ka taagan.
Diblomaasiyadu waa fan iyo xirfad la barto, lagu tababarto, oo lagu takhasuso. Wadanku si uu dacwadiisa aduunka u gaadhsiiyo waa dadkii loo diyaarin lahaa inay fariintaas qaadaan. Diblomaasigu waa askari wadankiisa uga halgama maxfallada aduunku isku arko ee lagu doodo, siyaasadana lagu go’aamiyo. Somaliland way ku fashilantay in ay dublamaasiyiin xirfadlayaal ah, aqoon iyo karti leh samaysato. Waynu ka dheregsanahay sida loo xulo wakiilada wadamada aduunka aynu udirno. Aqoontooda iyo kartidooduna waxay ka muuqataa siyaasada arimaha dibada.
Midhkaasi waa cashar aynu Tigreega ka baran karno, qaar badanna way inoo hadheen. Horaa loogu maahmaahay “caano daatay dabadood laqabay”.

 

Comment
Share