Yaa Qarka u Saaran Xabaashii la Qoday Nus Qarni ka Hor? (WQ: Xuseen Cali-Nuur)

 

“Kululaatay Soomaalidii Kebeddu saarayde,  

Kari Waaye kuwii lahaa Koloni weeyaane”  

Waa Ereyadii Marxuum Maxamuud Ducaale oo Magaalada Addis Ababa ku noolaa, markii ay neecowda xornimo heerkii ugu sarraysay ay ka gaadhay deegaanka Soomaaliyeed iyo Qaarada Afrika.

Dhallinyaro, ma ogtihiin in xilligaa neecowda xornimo ka dhacaysay Qaarada Afrika, inay ku jirtay maalintii ugu madoobayd ee abid soo marta Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland. Waa Maalintii aan xornimadeenna u hurnay sidii loo rumayn lahaa riyada Soomaali weyn.

Waa maalintii Saxaafadda caalamku nagu tilmaantay in aan nahay dal iyo dad diiday inay noqdaan Jamhuuriyad Madaxbannaan. Waa 1-dii July 1960kii. Waa maalinta lagu tilmaamay inay ahayd maalinta is-raaca labadii dal ee ugu horreeyey deegaannada Soomaaliyeed ay xoroobeen.

Hase ahaatee, waa maalintii dhaqankii madaxdii Soomaaliya ay xabaasha u qodeen himiladii Soomaali, meel kasta oo ay joogto, waana maalintii kafanka loo tolay riyadii Soomaali weyn.

Waa maalintii dhaqankii madaxda Soomaaliya ee wacyiga Siyaasadeed ee caalamka iska indho-tiriyey ama aan aqoonta u lahayn ay seeska u dhigeen sababihii dhaliyey in Jamhuuriyadda Somaliland la soo noqoto xornimadeedii. Xornimadaa oo ay u gashay halgan hubaysan oo aad u qadhaadh, waana maalintii aragtidii fogeyd ee Somaliland ay warbaahinta caalamku ay khalad ka fahmeen.

 

Dhallinyaro, maalintaas madow waxa ka dhashay in Somaliland u hurtay saddexda jago ee dal ugu sarreeya, waxaanay taasi dhaxal siisay inay afar xubnood oo kaliya ku yeelato Golaha Wasiirrada.

Marxuum Axmed Keyse oo noqday Wasiirka Beeraha, kormeerkiisii ugu horreeyey ee uu ku soo maray beerihii Jilib, Jamaame iyo Koonfurta Soomaaliya, wuxuu arkay inay gacan shisheeye ku jiraan, Soomaalidii ka shaqeynaysayna si aadminimada ka baxsan loola dhaqmayo.

Warbixintii socdaalka markii uu Golaha Wasiirrada ku soo celiyey, qorshiisiina u soo bandhigay waxay ku tilmaameen “Waa Soomaali Qaldaane’ ee ha la yaabina”. Siduu maalintaas Soomaaliya uga baxay Axmed Kayse waxa uu dalkiisa Hooyo oo Jamhuuriyadda Somaliland ah uu yimid kadib markii ay xornimadeeda la soo noqotay.

Dhallinyaro, doorashadii 1967-kii ka dhacday waxa Ra’iisul-wasaare loo magacaabay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Tallaabooyinkii uu qaaday waxa ka mid ahaa; in bulshada Soomaaliyadii Talyaanigu u talinayey qaybo bulshadeeda ka mid ahi in xuquuqo badan oo ka maqnaa inuu wax ka qabto. Tallaabooyin kale oo aanay jeclaysan kuwii tagri falayey maamulka wax buu ka qabtay, waana arrimaha ay ka dhasheen in markuu Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke la dilay dalka ay ciidammadu afgambi ku qabsadeen. Inkastoo ay yidhaahdaan wuxuu ahaa kacaan.

Dhallinyaro, Golihii Sare ee Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre madaxda u ahaa, waxa Ku-xigeen u ahaa Jaamac Cali Qoorsheel oo u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland. Dhallinyaro, in aanay Soomaaliya waxba u ogolayn Somaliland waxa caddayn u ah, in muddo sannad ka yar gudaheeda lagu eedeeyey in kaligii isku dayey inuu afgambi ku sameynayo. Askari qudha ama shakhsi kale oo eedayntaa lagu daray haba yaraatee may jirin.

Dhallinyaro, waxa ka sii yaab badnayd in  mudaharaadkii ugu weynaa ee sannadahaas uu ka dhaco magaalada Muqdisho, iyadoo la taageerayo eedaas beenta ah oo ku salaysnayd in xilka madaxweynenimo laga ilaaliyo qof u dhashay Somaliland, haddii uu Siyaad Barre dhinto ama hawsha qaban kari waayo.

Dhallinyaro, ma ogtihiin waxa maalintii madoobayd ka dhashay, waxa ka mid ahaa:

  • NFD oo afti laga qaaday, natiijadeedu wax kasta oo ay ahaan lahayd, waxay noqotay mid aan waafaqsanayn aragtida siyaasadeed ee dalalka horumaray ka qabeen qaab maamuleedka Soomaaliya.
  • Dagaalkii Itoobiya iyo Jamhuuriyaddii dimuqraadiga ee Soomaaliya 1977-1978 dhex maray,  dalalka Ruushka iyo Kuuba si cad ayey ula safteen Itoobiya. Saaxiibadii Soomaaliya wax ka filaysayna faraha ayey ka laabteen.
  • Jabuuti oo la filayey inay noqoto dalka saddexaad ee is-raaca ku biira, waxay ku waayo-aragtay waxa Somaliland qabsaday. Waxay ka guurtay magacii Soomaali. waxay la baxday deegaanka Ciise iyo Canfar, ugu dambayntiina waxay qaadatay Jamhuuriyadda Jabuuti.
  • Somaliland soddon sanno ka bacdi, halgankii ay gashay iyo la soo noqoshadii xornimadeeda horumarka ay gaadhay dunida kama qarsoona maanta.

 

Waxaan leeyahay maamulka Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, 61 sannadood ka hor xabaashii uu u qoday shanta deegaan ee Soomaaliyeed, afar ka mid ahi way ka nabadgaleen. Waxa maanta xabaasha qarkeeda saaran Soomaaliya oo kaliya, waxaanan uga baqayaa in taliska maantu sabab u noqdo in magaca Soomaaliya laga waayo khariidadda adduunyada.

 

By; Suxufi Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.