Waa Maxay Daryeel Dowladeed (welfare state)? (WQ: Guuleed Cabdiraxmaan)

Guud ahaan dunida dawlad kasta oo ka jirta lana doorto amba la maagabo waxaa waajib ku ah oo xil wayni ka saaran yahay  damaanad qaadka heerka tayada Nolosha ee muwaadiniinta ku nool wadamadooda iyadoo u mareysa nidaam cadaaladeed iyo mid sinaaneed, taas oo loo marayo nidaamka qorshayaha hormar ee dalka u yeela (National development plan). Dawladaha ku guulaysta siinta nidaam adeeg oo ku dhisan daryeelka bulshadooda waxaa la yidhaa ( successful walfare states) dawladaha ku guulaystay nidaamka daryeelka muwaadiniintooda oo ay ka mid yihiin ( Norway, Denmark, Ice land, Sweden iyo Finland), dhamaan dowladahani waa kuwa kaga jira safafka hore wadamada ku guulaystay nidaamka daryeelka bulshada.

Nidaamkan daryeelka bulshada ayaa asal ahaan waxaa uu ka yimi anba kasoo jeedaa diinteena suuban ee Islaamka kaas oo ah tiir ka mid ah tiirarka diinteena Islaamka, waxaa u ahaa nooc sadaqo oo lagu waacin jiray anba adeeg lagu siin jiray dadka baahan si tayada noloshooda kor loogu qaado.

Nidaamka Daryeelka Bulsho.

Nidaamka daryeelka bulsho waa shabakad isku xidhaysa maashruucyada uu wadanku ku daryeelayo muwaadiniintiisa, si ay u heelaan muwaadiniintu adeeg daryeel oo tayo taas oo ka saacidaysa muwadiniinta inay helaan nolol isku filnaansho ah. Nidaamka daryeelka bulshada wuxuu badanaa ku yimaada dadaalka ay dawladu ka samayso siyaasadaheeda la xidhiidha daryeelka bulshada. Nidaamka daryeelka bulshadu waxa uu sidoo kale qeyb wayn ka qaata xalinta dhibtooyinka bulsheed ee jira sida fakhriga, shaqo la,aanta, caafimadka, abaaraha, tacadiyada ka dhanka ah jinsiga iyo wixii kalee la mid ah ee dhibaato bulsheed ah.

Nidaamka daryeelka bulsho sidoo kale waxaa uu bulshada u saacida inay helaan deeqo gargaar si ay kor ugu qaadan baahiyaha noloshooda sida guryaha, daryeelka caafimadka, daryeelka caruurta iyo daryeelka dadka waaweyn. Inta badan dunida nidaamkani daaryeelka bulshada waxaa maalgaliya dawladaha dhaqaalahoodu saareyeeyo iyo sidoo kale ururada ka shaqeeya arimaha bani adantinimada kuwaas oo iyagu ka hawl gala goobaha ay adagtay in la gaadhsiiyo nidaamka daryeelka bulsho sida goobaha dagalaada, goobaha masiibooyinku ka dhacaan iyo guud ahaanba dawladaha ku guul dareystay inay nidaam daryeel oo tayo leh ay bulshadooda siiyaan.

Faa,idooyinka Nidaamka Daryeelka Bulsho

1: Nidaamka daryeelka bulsho waxa ay dadka ka caawiyaan sidii ay u heli lahaayeen nidaam daryeel oo qeyb wayn ka qaata noloshooda iyagoo lagu dabaqayo baahiyaha ay dadkaasi leeyihiin sida caafimaadka, waxbarashada, cuntada, guryaha iyo biyaha.
Sidoo kale dadyowga naafada ee kala duwan waxa uu soo gaadhsiiya qeybaha kale ee bulshada.

2: Nidaamka daryeelka bulsho waxa ay hoos u dhigaan danbiyada kala duwan ee dalka gudihiisa ka dhaca sida guutada, Dilka, takoorka iyo tacadiyada ka dhanka jinsiga.

3: Nidaamka daryeelka bulsho sidoo kale waxa qeyb wayn ka qaata heerka tayada Nolosha caruurta, iyadoo loo marayo inay helaan waxbarasho bilaash, caafimaad bilaash iyo sidoo kale kab dhaqaale oo noloshooda lagu taageerayo si ay u helaan nolol tayo leh.

4: Waxaa uu sidoo kale qeyb wayn ka qaata korodhka dakhliga qoysaska taas oo u saacidaysa qoysaska inay helaan nolol ay is leeyihiin dhaqaalaha iyo baahiyahoodu.

5: waxaa uu nidaamka daryeelka bulsho ka qeyb qaata yareeynta fakhriga iyo aqoon la,aanta.

6: waxaa uu damaanad buuxda oo nololeed siiya dadka hawl gabka ah ee shaqeeyaan kareyn iyo sidoo kale dadka aan haysan qoysas ay la nooladan sida dadka dhimirka wax ka qaba oo kale.

Ugu danbayn nidaamkani daryeelida bulsho waxaa uu qeyb wayn ka qaata tayada nolosha ee muwaadiniinta kaas oo bulshada fursado badan u siinaya inay ka qeyb noqdaan oo ay ka qayb qaatan dhamaan hawlaha shaqo ee bulshada ka dhex socda iyo haday tahay in lala dagaalamo fakhriga.

W\Q: Guuleed Cabdiraxmaan
Gmail: guuleedsuldaan407@gmail.com