Casharada ugu waawayn ee aan nolosha ka bartay (WQ: Cabdifataax Nuux Jaamac)

1: Waligaa qof aad saaxiib dhow tihiin ama ehel dhow aad tihiin ha amaahin lacag,hadaad lacagtaa amaahiso waa hubaal inaad lacagtaana waayi doontid, qofkana waayi doontid, ilaa iyo mid Illaahay barakeeyay mooyee.
2: Waligaa qof jacayl ha baryin ama inuu ku jeclaado, hadaad jeclaato u bandhig, hadduu ku diido hore uga soco, ha ka baryin inuu ku jeclaado qofkaasi.
3: Qaladaadka aan noloshaada samayso, cidna ha ku eedayn, qaado masuuliyada khaladkaaga horena u wad hayaanka.
4: Aad ha ugu tashan saaxiibadaa, dadka kaliyaata ee kuu hagar baxaya wakhtigaad ugu baahi badantahay waa reerkaaga ama qoyskaaga.
5: Ha u balan qaadin qofna waxaanad hubin inaad fulin doontid, balan qaadka beentaa ka xun inaad qofka runta u sheegto.
6: Waxaan ogaaday oo uu i baray xanuunka Covid 19, in qofku noolaan karo nolol caadiya oo aanu u baahnayn nolol qaali ah.
7: Waxaan ogaaday inay dumarku jecel yihiin ninka ka qosliya, ka qosli gabadha, amaana ugu dar , waa hubaal gabadhaas adigaa iska leh .
8: Jooji, haa, jooji , wax kasta oo noloshaada ku saabsan inaad dadka kula wadaagto baraha bulshada, wax ha kuu qarsoonaadaan .
9: Baro samirka, ogow kuwa guulaystaa waa kuwa samirka baddan leh, ogow in samirka lagu amaanay Nabbi Ayuub.
10: Waxaan ogaaday masiibada ugu wayn ee qofka ku dhacdaa inaanay ahayn geerida, laakiin ay tahay qofka oo garan waaya waxa uu Illaahay u abuuray.
Walaalayaal iga faa’idaysta oo cilmigan igala hadha, waxbaa sidaa iiga burqanayee,ma inaan siddan idiin garab joogayaad u haysataan.
La socda …

Suldaanka Dhalinyarada Somaliland