1: Kalsoonida degdega ah iyo halisteeda.
Way dhacaysaa inaad marar badan rumaysato hadalada, balamaha iyo dhaqanada dadka, kedibna waxaad siinaysaa kalsooni cajiib ah. Muddo kolka aad la socoto ama wadda xidhiidhaan ayaad dib ka ogaanaysaa inaanu qofkaasi geyn kalsooni baad sheegte inyar oo wakhtigaaga ah. Isla sanadkan ayaabay soo baxday hees uu qaado Fanaanka Iskalaaji oo arrinkan iyaduna taabanaysa. Sidaa awgeed, kalsoonida aynu dadka siinayaa sinaba waa inaanay deg-deg u noqon. Arrinkani waxa uu sanadkan ii ahaa cashar aan u bartay si adag.
2: Wakhtiga aan bixinayo inaanu dhaafin xiliyadii qorshaha ii ahaa.
Adiga oo la hadlaya ama wakhti siinaya qof aad u aragto inuu muhiim yahay, dabadeedna aadba u jabiso xeerarkaagii qofeed ayaan isagu/iyadu sidaad ugu listay kuuguba hanbaynayn, oo aana qadarinaynba wakhtigaad u hurayso, taas maxaa kuu caddaynaya kolka? Wax kaleba adigoon eegin, kolka qof aad wakhti wadda qaadasho waddeen uu iska aamuso muddo, jawaabi waayo, soo habsaamo, iska mashquulo adiga la oo jooga, sugaya ama la hadlayaba iwm waxay caddayn u tahay inaanu qofkaasi qiimo badan u hayn dadaalkaaga wakhtiyeed, kol haddiiba ay arrimahani dhacaana si walba oo qofi kuugu weyn yahay, haddana ixtiraam iyo maamuus u hay xeerarkaaga oo ciddna awgeed haw jabin xayndaabyada aad dhigatay, si aanad hadhow u qoomamayn kolka aad ogaato inaanay dadka qaarkood mudnayn dadaalada aad u samaynaysey oo dhanba.
3: Hubso ereyada aad u adeegsanayso dadka.
Walaal, saaxiib, gacaliye/gacaliso iwm dadku way ku hodmaan, Adiga oo laga yaabo inaad qaab dan la’aan ah u adeegsanayso ayey moodi karaan inaad dareemo kale u hayso amaba aad wax ka xod-xoddanayso, dabadeedna waxa dhici karta inayba iska muraaqoodaan dadka qaarkood. Hadhow kolka aad wax dareento eed weyddiiso ayaaba laga yaaba in si bilaasha daalac kaaga raaco ereyadii aad adeegsanaysay intaad hadlaysey ama wax qoreyseyba. Sidaa aawadeed weedhahaaga daalaco marwalbaba si aanay hadhow u dhalin tuhun, una sababin cilaaq/is-qabsi.
4: Dadka si fudud haku geyn meel culus oo agtaada ah
Macnuhu waa qofku meesha uu ka imanayo waa inuu dadaal iyo hawl uu qabtay kaga yimaada, ciddna darajo haw siin si bilaasha, qofka marka aad aragto inuu dhankaaga u soo dadaalayo, si habsami iyo hubsiimo leh ugu garo meel ka duwan halka uu markaa joogo tusaale; Haddii uu maaseenjar uun joogey xidhiidhkiinu, kedibna uu kasbado WhatsApp oo halka dadka tayda leh ee culus lagula shawro markaa sii fursadaas, balse yaanay arrimahaasi si fudud ku imanin, waxa dhici karta in dadkaasi hadhow dhanka dambe dano ku wataan oo ayna ka soo baxaan hawlo aanad fileyni’e. Taladu waa hubsiimada qofka aad soo dhaweysanayso badi.
Afartan cashar oo xanbaarsan waayo badan oo kala duwan iyo dhacdooyin kala jaad-jaad ah ayaan sanadkan dadka ka bartay, Alle ku mahadsane dadkaas qaar badan oo ka mid ah agtayda sanadkan waxay ka goosteen jacayl balaadhan iyo wanaag aan xad iyo xuduud lahayn, halka kuwa kalena i bareen waayo hawlo badan oo aanse afacsadday ileen wax wal oo kugu dhacaba casharka aad ka qaadanaysa muhiim ahe.
_
Ugu dambayn, taladayda guud waa:
“Qarnigan dadku waa hawl bateene teelo dhigo, hubsiimadana badi, hana degdegin, waxbadana bilaash iyo si fudud haw bixinin. Arrimahan aan kaaga digayaa awal waxay ahaayeen kuwo aan laga biqin, marka loo eego tayadii uu dadku lahaa, hadda se wax badani waa ay maydhmeene, aynu is ilaalino oo taxadarkana badino.”
Mahadsanid, waxaan rejeynayaa in qormadan koobani ku anfacdo IA, guulayso.
_
Cabdiraxmaan Xuseen
25/December/2019