Ciidamadeena boolisku sharaf ayay innaga mudan yihiin (WQ: Kaysar Maxamed)

Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland waa Geesiyaasha inoo suurto geliyay in Qof kastaa uu Nabadgelyo ku seexdo oo uu ku soo tooso, waa Geesiyaasha suurto geliyay in Dahabka iyo Doolarku ay suuqyada wadhan yihiin ganacsigeenuna u shaqeeyo si Nabad ah oo bilaa cabsi ah. Waa Geesiyaasha suurto galiyay Nabada Dalkeena ka islaaxday.

Askariga Booliska ah ee isaga oo mushahar ku filan aan qaadan ee ay Carruurtiisu baahan tahay ee hadana Naftooda u huray inay Dhaxanta iyo Cadceeda u taagnaadaan xilli kasta si ay Nabadaeena iyo Sharciga u sugaan, inagama mudna inaynu xagxagano.

Boolisku ma mudna in lagu kibrro oo ay Dad ladani ay maalin kasta caayaan oo ay ceebeeyaan, ma mudna in iyaga oo Naftooda inoo huray aynu maalin kasta cambaarayno. Boolisku maaha Siyaasiyiin waa Adeegayaal Bulsho.

Haddii uu Qof Boolisku ku khaldamo waxaa loo baahan yahay inuu Wadada Sharciga ah u maro. Boolisku Malaaig maaha way khaldami karaan laakiin waa in sixida khaladkooda loo maro dariiqa saxda ah.

Waxaan usoo Jeedinayaa Shacbiga reer Somaliland inay mar kasta garab taagnaandaan oo ay la shaqeeyaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka, Booliska iyo Laamaheena Amaanka.

Ma ogolaanayno in lagu dibira-dhacsado Askarta Qorraxda iyo Dhaxanta u taagan Ilaalinta Ammaanka Dalkeena. Wixii ka khaldama Booliska waa Waajib in la saxo, korna loo qaado Aqoontooda kala gedisan.

Ugu danbayn Waxaan Xukuumada ka codsanayaa inay Xorriyadooda usoo celiso cidii xidhan ee aan wax Sharci ah jebin. Waxaana Muhiim ah in kor loo qaado Tiro iyo Tayo iyo Aqoon ahaanba Ciidamada Booliska

Somaliland ha Guulaysto