Maxaan ka aqaan Burcad Jaamac Xirsi (WQ: Cabdikariim Muxumed Xasan “Qaamuuska”)

Burcad jaamac xirsi diiriye weeyi magaceeda rasmiga ahi balse waxay ku caan baxday nimco yaasiin caraale waa fanaanad rabi ku manaystay cod dahabi ah qurux dabiici ah iyo dadnimo. Inta badan way faraxsan tahay mana arkaysid burcad oo diiqad dareemaysa taasina waa sababta qof kasta oo bartaa aanu uga xiiso goynayn. Waxaan ku aqaan ixtiraam badan iyo akhlaaq Waana shaqsi naxariis badan oo jecel inay u miciinto oo ay caawiso masaakiinta iyo cid kasta oo ay wax ku dhaanto. Ma taqaan islawaynida iyo qabka oo xataa dadka ayna aqoon waji furan ayay ku qaabishaa .
Fanka ka hor burcad waxay ahayd macalimad wax ka dhigta dugsiyada dhexe sida ay ii sheegtayna sanadkii 1986 ayay masrax ka qaaday codkeedii ugu horeeyey ee bulshada loo soo bandhigo waxaanay ahayd heestii ay ku balaysintay fankeedu hees caan ah oo ay iyadu kaliya ku lahayd jiibta waana heesta uu sameeyey abwaan saciid saalax axmed ee ay qaadaan kooxdii iftin ee wasaaradii waxbarashada somaaliya wakhtigii kacaanka ee tiraahda
anbaqaadka geediga
Sida awrta loo raro
Waxaa lagu aloosaa
Magac eebaheeniyo
Burcad waxay ka mid tahay shaqsiyaadka heerka ugu sareeya ka gaadhay fanka soomaalida ee loogu jecel yahay waxay ka mid ahayd kooxdii waabari ee calanka u siday fanka soomaalida sidoi kale waxay la jaan qaaday jilkan cusub oo marna fankeedu hoos umuu dhicin.
Burcad magac iyo mansaba maanta ma tawana ee alle waa ku manaystay mana jirto sabab ay uga faanto cideeda ee waxaa helay cibaaro mudan in lagu cibro qaato dadkan meherada ka dhigtayna waxaan leeyahay ma mudna burcad in la marmariyo waxaanay mutaysan

Sawirkan waa burcad iyo qoyskeeda bal u fiirso sanka oo kaliya