Xorriyadda Hadalka (WQ: Rashiid Odowaa)

Diinteenna suuban waxay dhiirrigelinaysaa in la wada tashado,la dodo iyo in Nolosha xorriyad loo yeesho si xalaal ah oo diinta waafaqsan lakin waa inaan doodahaasi aanay ka hor imanayn diinta islaamka waana inay akhlaaq suuban wadataa haddii kale waxa la inna faray inaynu ka dhaqaaqno haddii doodu isu bedesho mid xumaan iyo jaahilnimo ku dheehantahay.
Sidoo kale afar iyo tabanka qodob ee ugu horreeya Xuquuqda aasaasiga ah ee aadamaha ayay ka mid tahay (free expression) inu u qofku rayigiisa cabbiri karo fagaare uu ka sheegi karo.qori karo warbaahintana ka sii dayn karo ama kula wadaagi karo dadka.
Dastuurka jamhuuriyadda Somaliland iyo Nidaamka Democracy ee aynu qaadannay dhinaca wanaagsan ee Xorriyadda hadalka iyo doorashada ayaa damanaad qaadaya inuu qofku aragtidiisa iyo fikirkiisaba cabbiri karo si waafaqsan xeerka.
Haddii aynu ka eegno dhinaca caalamka Xorriyad sii daysan ma jirto taas yaan lagu hungoobin tusaale ahaan waxa jira halhays ama weedh caan ah (Free is not free) Xor ayaad tahay macneheedu maaha xor ayaad tahay ee waxad doonto same,waxay yidhahdaan waxad xor u tahay illaa iyo inta aad gaadhayso qof kale ama cid kale Xuduudda ay leedahay,haddii aad cid kale xadkeeda aad gasho markaas u adkayso wixii cawaaqib ah ee kaaga yimaadda illayn xadkaagi waad dhaaftaye.
Haddii aad soo qaadato xagga saxaafadda waxa ka reebban saxaafaddu inay faro farayso Amniga waddanka ama ay waxyeellayso,arki maysid waddamada adduunka ugu waaweyn warbaahintooda ama politician koodu iyagoo ku dhex rafanaya xagga Ciidamada.
Waddanka faransiiska waxa danbi ka ah inuu qofku yidhaahdo yuhuudda in xasuuq loo gaystay uma malaynayo waa arrinta ugu badan ee dadka ku fogaaday Xorriyadda ama Liberalismku u arkaan inay dhaawac ku tahay xorriyadda.Sidoo kale waddan kasta heer ayuu leeyahay aan lagu xadgudbi Karin waxana ugu badan Xagga Madaxbaanida.Xagga amniga iyo meelo badan oo lama taabtaan ah.
Waxa jirta waddan kasta wuxuu aad uga xanaaqaa in ceebi dibadda uga baxdo haddii la yidhaahdo wadankaasi gudihiisa waxa ka jira tacadiyo xuquuqda aadamaha ah waxa suurto gal ah in Cunaqabatayn dibadda kaga timaaddo ama waddamo macaamil kula yeelan lahaa dib kaaga joogsadaan markaa wadan kasta arrimiisa dibadda iyo arrimaha guduhu way isku xidhanyihiin haddaba waxa muhiim u ah muwaadiniintu inay ceebaha wadankooda qariyaan intii la qarin karo ee ma habboona in wax aan jirin inaad waddanka ka sheegto markaas adigaa is caayay.
Ugu danbayn waxaan soo jeedin lahaa ninyow yaan loo arkin xorriyadda faraha badan ee Somaliland gudeheeda lagu haysto in ay adduunka oo dhan ka jirto,wixii kugu soo noqonaya ee hadhow caddyn kaaga baahanaya iska hubso ha ku deg deign. Qofkuna ha ilaashado qiyamkiisa yaanu ka fikirin uun side ayaad u soo shaac baxdaa ee ha ku dadaalo sidii uu wanaag iyo aqoon ugu soo shaac bixi lahaa.
Wa billaahi towfiiq
Rashiid Odowaa
khadarsalaan@gmail.com
0634101213