Cilmi Nafsiga Cambaaraynta: Buugga Qab iyo Quursi! (WQ: Cabdullaahi M. Cawsey)

Cilmi Nafsiga Cambaaraynta: Buugga Qab iyo Quursi!

 

Buug walba oo la qoro waxaa naqdis iyo falanqayn ku billaaba dadka xiiseeya aqriska iyo mowduuca markaas buugga uu ka hadlayo. Dadka xiiseeya naqdiska iyo falanqaynta waxay xoogga saaraan in toosh lagu ifiyo qaladaadka dhanka qoraalka ee buugga ku jira iyo in qoraaga ka soo baxay kaalintiisa qoraanimo iyo in kale.  Kaalinta qoraaga ee bulshada waxaa ku faahfaahin doonaa qaybaha hoose ee maqaalka. Inta badan buuggaagta Af- Soomaaliga lagu qoro ee doodaha dhaliya si aqoon iyo cilmi ku dhisan looma naqdiyo ee waxaa cambaarayn iyo eedayn wada socota dusha looga tuuraa guud ahaan buugga ayada oo la soo xiganayo qaybo buugga ka mid ah isla markaana waxaa si yaab leh loo weeraraa sumcada iyo kartida qoraaga.

 

Maqaalkan kooban waxaa ku eegi doonaa cilmi nafsiga cambaaraynta iyo dhalleecaynta maaddaama Soomaalida canbaaraynta ka jecelyihiin ama uga fududahay in qaab aqoon cuskan loo naqdiyo isla markaana loo falanqeeyo buuggaagta doodaha dhaliya sida buugga dhawaanahan buuqiisa taagnaa ee Qab iyo Quursi. Buugga Qab iyo Quursi waxaan akhriyay bishii hore, intii aan ku guda jiray akhriska buugga waxaan ugu tagey taariikh iyo waayo aragnimo sawir fiican ka bixin karta qaab nololeedkii adkaa ee bulshada Soomaaliyeed ku sugnayd waqtigii qaran jabka iyo waayihii qaxootinimada.

 

Sida aan ku xusay faalanqayntaydii hore ee Qab iyo Quursi, akhriska buuggan wuxuu sawir guud ka bixinayaa waayaha nololeed ee caruur  kasta oo yaraantoodii  baadiyaha ka soo fakaday; kuray  walba oo jabhad ka noqday dalalka geeska Afrika , arday walba  ama ardayad kats oo   jaamacado shisheeye waxbarasho u aaday  ka dibna naago iyo niman ajaaniib la baashaalay, xariif kasta oo xero qaxooti qurbaha ku galay iyo aqoonyahan kasta oo fekeraya isla markaana  su’aalo  falsadaysan iska weydiiyay dabciga Soomaalida, iyo sababaha ka danbeeyay qaran jabkii Somalia. Dhinaca kale, intii aan ku guda jiray akhrinta taariikh nololeedka Koombe, waxaan maanka ku hayay su’aal oo ahayd: qoraaga ma ka soo baxay kaalinta iyo doorka qoraa kasta ku dhex leeyahay bulshadiisa?

 

Doorka iyo kaalinta looga fadhiyo qorayaasha qalinka u qaata taariikh nololeedka qof ama shaqsiyaad ee loo soo gudbiyo qaab cuskan sheeko faneedka casriga ah waa in bulshada markaas joogta sawir dhab ah laga siiyaa waayihii nololeed iyo durufihii la soo maray si jiilasha soo socda runta uga ogaadaan taariikhdooda dhabta ah. Tusaale ahaan, qoraaga ka taariikhoonaya waayihiisii nololeed, waa in farshaxan aad u sarreeyaa ku tusaaleeyaa midabadii iyo muuqaalladii u gaarka ahaa waagaas laga soo gudbay.

 

Dhinaca kale, marka qalinka dul taagan yahay taariikhda laga warramayo, qoraaga waa in si daacadnimo ah akhristaha ula wadaagaa aragtiyooyinkii la aaminsaaa iyo khaladaadkii bulshada ka dhacay iyo midka asaga qudhiisa uu galay. Sidoo kale, qoraaga waa in uu soo gudbiyo waxyaabihii la qiimayn jiray, ama laga baqi jiray ee shidaalka u ahaa siyaasadihii, dhaqaalihii iyo dhaqamadii jiray waqtigaas.

 

Aragtidayda, qoraaga buugga Qab iyo Quursi wuu ka soo baxay kaalinta kor ku xusan ee laga doonayo qoraaga ka warramaya taariikho hore oo qaab farshaxan ah loo soo gudbinayo. Haddaba maxaa lagu macnayn karaa canbaaraynta iyo dhalleecaynta dhinac walba ka yeertay ee lagu weeraray qoraaga buugga Qab iyo Quursi. Markii aan arkay dhalleecaynta iyo ceebaynta joogtada ah ee qoraaga u soo jeediyeen dad ay u badantahay in buugga aysan akhrininin ayaan soo xasuustay qoraal cilmi ah (academic article) oo waqtigii ardaynimada jaamacadda aan akhriyay. Qoraalkaas wuxuu ku saabsanaa cilmi baaris laga sameeyay doodaha cilmi nafsiga ee canbaaraynta iyo dhalleecaynta.

 

Sida qoraalkaas cimi nafsiga ah ee aan xasuustay xusayo, dareenka iyo sababta koowaad ee   canbaaraynta iyo dhalleecaynta loo adeegsado waa cabsi “fear”. Qofka buug ama qoraal canbaaraynaya ee sida joogta ah u dhalleecaynayaa wuxuu si hoose  dareemi karaa cabsi xooggan oo ku aadan in xogta buuggaas ku qoran dadka ogaadaan ama si faahfaashan uga doodaan. Tusaale ahaan, buugga Qab iyo Quursi wuxuu sawir dhab ah ka bixinayaa xalladdiihii aan qurxoonayn isla markaana xanuunka lahaa ee bulshada Soomaaliyeed ku sugnayd afartankii sano ee la soo dhaafay. Haddaba, waxaa laga yaabaa cabsi laga qabo in foolxumadaas taariikh noqoto in ay dabada ka riixayso canbaaraynta iyo dhalleecaynta socota.

Sababta labaad ee cilmni nafisga bulshada “social psychology” ku macnaynayo dhalleecaynta iyo sumcad dilka qoraaga, waa in la is diidsiinayo “denial” waxyaabihi foosha xumaa ee qaababka qarsoodiga ah loogu soo dhaqmayay waayadan danbe. Waxaa suurta gal ah qof dareemaya ceeb “shame” marka la eego waxyaabaha aan qurxoonayn ee sida qarsoodiga ah u soo qooshtay in si xooggan oo waliba xamaasadaysan uga qayb qaato canbaaraynta socota si uu dareemo in uu ceeb ka saliim yahay. Qofka ceebta ka cabsada wuxuu badanaa ku dhuuntaa dhufayska lagu magacaabo “dhaqanka suuban” asaga oo dafiraya in qofka akhlaada wanaagsan mararka qaar dhaqan xumo u dhar dhigan karo.

Sababta saddexaad ee laga yaabo in ay ka danbayso dhalleecaynta iyo canbaaraynta qoraallada dadka kaa feker duwan waa caburin iyo cadaadis aad dareentay carruurnimadaada kuwaas oo ku kaydsan caqligaada hoose “subconcisous mind”. Waxaa macquul ah in carruurnimadaadii aad lagu soo cadaadiyay isla markaana wax walba ceeb lagaaga dhigay. Cadaadiska iyo caburiska noocan ah ee ku kaydsan caqligaada hoose wuxuu keeni karaa in aadan u dul qaadan karin aqrinta sheeko ama taariikh dareenkaada hoose damqinaya. Si hadaba arintaa aadan u dareemin, waxaa ku dhaqaaqaysaa dhalleecayn iyo ceebayn adiga oo caburinaya dareenkaada dabiiciga ah “suppression”.

Haddaba, si canbaaraynta iyo dhalleecaynta kor ku sababaysan qofka uga bad-baado, waa in uu ka shaqaysiiyo murqaha maskaxdiisa asaga oo karti u yeelanaya in dhinacyo badan uu wax ka eego “ prespective taking”. Buuggaagta taariikhda ee doodaha dhaliya sida buuggan Qab iyo Quursi uma baahna ceebayn iyo canbaarayn waayo waxaa kaaga filan falanqayn iyo naqdis cilmiyaysan oo buugga lagu gorfaynayo. Buug walba oo la qoro qaladaad iyo dhaliilo wuu yeelanayaa. Balse in qoraaga la sumcad dilo, isla markaana la ceebeeyo waxay muujinaysaa sida cimi nafsiga qaboin qofka sidaa sameenaya uu dareemayo cabsi ku saasban xogta buugga xanbaaransanyahay; ceeb uu dareemayo oo ku aadan in waxyaabaha buugga ku qoran asaga ka dhaceen ama ka dhici karaan mustaqbalka.

Ugu dambayntii, buugga Qab iyo Quursi waxaa laga baran karaa in qofka bani’aadamka ah noloshiisa marxalado kala duwan oo korriinsho ah marto. Marxaladahaas kala duwan ee korriinshaha qofka waxaa si gaar ah loogu daraaseeyaa qayb cilmi nafsiga ka mid ah oo afka qalaad ku noqonaya “developmental pyshcology”. Haddaba sida garaadka iyo damiirka qofka u koro ama isku badalaan ayay garashada guud ee bulshada u kortaa. Soddon iyo dhowr sano ka hor sida uu fekerayay ama u dhaqmayay wiil jabhad ah oo carruurnimadiisii baadiye ka baxsday waxay xiriir la leedahay qaab dhismeedkii dhaqan-dhaqaale ee bulshadii waqtigaas joogtay. Taas machaneedu ma ahan in qofka Soomaaliga ah ee dhalinyarada ah ee waqtigan jooga iyo bulshada Soomaaliyeed ee hadda sida dirqiga ah daafaha dunida ugu nool u dhaqmaan ama u fekeraan si la mid ah sidii Koombe oo Gallaadi ama Addis Ababa jooga soddon sano ka hor u dhaqmayay!

W/Q: Cabdullaahi M. Cawsey