Aqoonyahanka dhaqaalaha ee reer galbeedka iyo qayb ka mid ah siyaasiyiintooda ayaa aaminsan aragti odhanaysa: “Inaanay dhulka guud kiisa waxa yaallaa ku fillayn aadanaha”.
Waana fikir hirgalay oo siyaasado iyo istiraatiijiyooyin waaweyn laga dhaliyey, qolyaha sidaas qaba waxa ka mid ah: Thomas Malthus, David Rechard iyo kuwo kale.
Sidaa awgeedna si ninka cad ee reer Yurub ama Mareykan aanu u macaluulin, khayraadka yarna laysugu fillaysiiyo waxa ay soo jeediyeen: in koboca dadka la xadeeyo, iyagoo daliishaday in dhalmada badan iyo baahidu ama gaajadu wada socdaan, wadamada kobocooda bulsho ugu badan yahayna ay yihiin kuwa ugu faqriga iyo gaajada badan dunida.
Si loo xaqiijiyo aragtidan waxa la soo jeediyey:
1. In si nidaamsan loo yareeyo dhalmada dumarka.
2. In meelaha qaarkood laga abuuro colaado, in cuduro la faafiyo, si dad badani ugu le’daan.
Kaaga darane fikraddan arxan darrada ah isla markaana doqonniimada ah, waxa lagu micneeyey inay tahay naxariis xagga Alle ka timid, oo sababtuna tahay in nooluhu kala hadho, oo hadba inta dhulka iyo khayraadkiisu qaadi karo uun la soo reebo, si ay karaamo ugu noolaadaan!
3. In waddamada soo koraya la gala dagaallamo inay horumar sameeyaan, si aanay awood ugu helin inay la soo baxaan khayraadka dhulkooda, waa in la gala dagaallamaa aqoonta, nabadgelyada iyo xasilloonida siyaasadeed, dhaqaalaha iyo wax kasta oo u suuro gelin kara inay koboc dhaqaale iyo isku fillaansho gaadhaan.
4. In gumaysi dhaqaale lagu hayo umadaha kale si ay u ahaadaan:
– Ilaha dhabta ah ee alaabta qeedhin ee wax soosaarka waddamada horumaray ay u baahan yihiin looga helo.
– In ay u xidhnaadaan suuqa reer galbeedka iyo alaabta ay soo saaraan.
Aragtiyahaas bugta ahi waa isla kuwa jaamacadaheenna lagu diraaseeyo, iyagoo hab maldahan oo la qurxiyey loo dhigay.
Dadka wax-garad caddaaladda aan ka tegin lagama waayee, waxa fahamka noocaas ah iyo fikirkaas foosha xun dedafeeyey aqoonyahanno qudhoodu reer galbeed ah, oo qoraallo dhaxal gal ah arrimahaas ka qoray.
Baahida iyo gaajadu ma aha markasta, yaraanta waxa la quudanayo ee dhulka guudkiisa yaalla ama gudihiisa ku jira, waxase hubaal ah inay tahay mid la xidhiidha awoodaha bulshada iyo sida ay uga faa’iidaystaan: fursadda wakhtiga, awoodda dadka iyo khayraadka dhulka iyo badda ay haysataan.
Haddaad moodayso qalalaasaha adduunka ka socdaa inuu yahay oo keliya kuraasi laysku haysto, waxa hubaal ah inay dunidan wax badani kaaga laaban yihiin.
Qorshayaasha hay’adaha dawliga ahi u joogaan halkan iyo halkeer iyo weliba siyaasadaha debbedda ee dawladaha waaweyni waa kuwo ku foogan oo keliya siday quudkaaga uga dhigi lahaayeen kayd ay ku talo galaan mustaqbalka fog oo ay iyagu quutaan, adiguna waxa aad moodaysaa inay nolol kuu raadinayaan, waad baahan tahay inay ku baahi tiraan ama ku gacan qabtaanna waad ka filaysaa,
Waxa hubaal ah inay kuu gacan qaban doonaan sidaad hogga laguu qoday si fiican ugu dhici lahayd adigoo weliba qoslaya oo laguu sacbinayo!
Qoraalkan waxa aan faafiyey 2014.
Dr-Abdulqani Hussein Beder