10-ka Hogaamiye ee ugu mushaharka badan Caalamka iyo Donald Trump oo galay kaalinta 4-aad

Waxa aad qormadan ku ogaan doontaa liiska 10-ka hoggaamiye ee ugu  mushaharka sarreeya caalamka ilaa sanadkii 2018/19 oo uu soo aruuriyay websaytka maaliyadeed 24/7 Wall St. Macluumaadka halkan lagu soo ururiyey waxaa laga soo qaatay ururro ay ka mid yihiin Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo CIA World Factbook.

  1. Lee Hsien Loong – Ra’iisal Wasaaraha Singapore Mushaarka sanadlaha ah ee uu qaato waa 1,610,000 Dollar
  2. Carrie Lam – Madaxa fulinta ee Hong Kong Mushaarka sanadlaha ah ee ay qaato waa 568,400 Dollar

  3. Ueli Maurer – Madaxweynaha Isutaga Switzerland Mushaarka sanadlaha ah ee uu qaato waa 482,958 Dollar

  4. Donald Trump – Madaxwaynaha Maraykanka Mushaarka sanadlaha ah ee uu qaato waa 400,000 Dollar

  5. Scott Morrison – Ra’iisal Wasaaraha Australia Mushaarka sanadlaha ah ee uu qaato waa 378,415 Dollar

  6. Angela Merkel – Hogaamiyaha Jarmalka Mushaarka sanadlaha ah ee ay qaato waa 369,727 Dollar

  7. Jacinda Ardern – Ra’iisal Wasaaraha New Zealand Mushaarka sanadlaha ah ee ay qaato waa 339,862 Dollar

  8. Mohamed Ould Abdel Aziz – Madaxwaynaha Mauritania Mushaarka sanadlaha ah ee uu qaato waa 330,000 Dollar

  9. Sebastian Kurz – Hogaamihii hore ee dalka Austria Mushaarka sanadlaha ah ee uu qaato waa 328,584 Dollar

  10. Xavier Bettel – Ra’iisal Wasaaraha Luxembourg Mushaarka sanadlaha ah ee uu qaato waa 278,035 Dollar

    Il-Wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah

    Bandhige@gmail.com