Mulkiilaha beertu waa Jonson (wixii dambe waxaynu odhan doonaa ninka beerta leh) hase yeeshee waxa xayawaanku xilligan ay leeyihiin duq ay ka tallo qaataan, waxaana goor habeenimo ah oo uu mulkiilihi beertu hurdo is uruursaday xayawaankii oo dhan si ay ugu shiraan hangar weyn (Taandho) oo beerta ku dhex yaala ugana wada hadlaan dano u gaar ah. Hangarkan waxa ku sugan duqii xayawaanka beerta, wuxuuna dareemayaa xanuun ku soo booddo ah. Balse isaga ayaa shirka guddoominaya, waxaana safka horre is taxay doofaradii oo dhan.
Farduhu waxay tixgelinayaan xayawaanka yar yar waxayna isku dayayaan sidii ay isaga dhowri lahaayeen inta ay iska dhowri karaaan si ayna qaar ugu joogsan maadaama ay aad u dhaa dheer yihiin. Dameerku ma aaminsana wax kasta oo uu shirkan ka dhex maqlayo, laakiin hadana wuu iska aamusanyahay oo wax jawaab ah kama celinayo . Wax shirkii lagu jiraba waxa is beddelay shaqsiyaddo badan waxayna u muuqdeen qaar wacyigu gaadhay oo qadiyad iyo waddaniyad dareemaya.
Hadalladii duqa waxaa ka mid ahaa “ way dulman yihiin xayawaanka oo dhami mana jiro xayawaan ku farxsan in uu sidan ku sii jiro , waxay u hawshooddaan , oo u dhib mutaan oo ay u shaqeeyaan sidii wax aan nafi ku jirin , haddana ninkan beerta leh ayuun baa ka faa’iidaysta oo dhiigmiirta waxsoorkeena.
Haddii ninkan beerta laga saaro xayawaanku hawshoon mayaan waxayna heli doonaan cunto badan oo ay quutaan waxayna u noolaan doonaan si madax banan “ Ugu dambayn , wuxuu shirkii ku soo gunaanday in ay isbeddel sameeyaan in ay tahay lagama maarmaan isaga oo u alifay hees guubaabo ah magaceeda layidhaahdo Xaywaanka Ingiriiska (“ Beasts of England”) waxayna noqotay heesta qaranimadda xayawaanka.
Nasiib daro laakiin waxa isla shirkii oo socda geeriyooday duqii xayawaanka, waxayna naftu ka baxaday isaga oo heesta qaadaya xaywaanka kallena ay ka daba qaadayaan. Intaa ka dib, doofaradii ayaa loo aqoonsaday in ay yihiin kuwo wax badan ka fahmaya waaqaca taagan weliba saddex ka mid ah oo magacyadoodu yihiin Caddaawe , Qoormadoowe, iyo Codkare .
Caddaawe waa kan ugu firfircoon uguna daacadsan, Qoormadeena waa fajiilaha aasan ee aan la dhaadaynin waana keli talis , halka uu Codkare yahay ka ugu af miishaarsan dhaamtood.
Tukuha oo iska dhigaya in uu yahay sheekh wuxuu ku doodayaa in ay jiraan buuro mac-macaan ah oo samadda ku yaala halkaasna ay taalo nolol wanaagsani, laakiin cidi dheg uma dhigayso.
Markii qorshaha gobonimo doonka xayawaanka la alifey, ayuu habeen habeennada kamid ah ninkii beerta lahaa khamri cabbey wuxuuna galay jewi sirkhadeed oo aad ayay garashadii uga tagtay sidaas awgeed, wuxuu illaaway in uu subaxdii goor hore soo kaco si uu xayawaankii cunto u siiyo . Isla markii waagu beryay ayay xayawaankii isku soo wada bexeen waxayna go’aansadeen in ay jebiyaan bakhaarkii raashinka oo ay cuntona ka helaan, cida ugu timaadda si isku duubni ku jrto ula dagaalamaan . Isla daqiiqado gudahood waxay isla meel dhigeen in sac ka mid ah lo’du uu hirdi ku dhufto albaabka sidaasna lagu galo bakhaarka wayna sameeyeen oo sicii baa hirdi ku furey albaabkii. Ninkii beerta lahaa iyo afar shaqaalaha beerta ah ayaa jeedallo soo qaatay si ay u ciqaabaan xayawaanka iayagoo ka jaray khaladka ay galeen laakiin, xayawaankii inta ay garbaha simeen oo ay giir iska kiciyeen ayay hal mar hirdi/boodo u soo qaadeen xagii cadowgooda wayna eryeen ninkii beerta laha iyo shaqaalihiisiiba, orod bay kaga saareen beerta iyo agagaarkeedaba.
Waxay xaywaankiii sidaas ku xoreysteen beertii, weyna burbuiryeen shay kasta oo meesha yaalay oo ay u aqoonsadeen in uu bini aadam anfacayo, waxay sidoo kale god u qodeen oo ay ku gubeen dhammaan xadhkihii lagu xidh xidhi jirey xaywaaanka, midiyihii lagu qali jirey, ulihi lagu jidh dili jirey .Qaarkood markii ay guriga galeen ayay sawiradii guriga yaalay ee quruuradaha ahaa dad ula ekaadeen wayna jejibiyeen.
Intaa ka dib markii hadhaagii aadanaha laga nadiifiyay beerta, waxay hogaanka si buxda ugu dhiibeen Caddaawe wuxuuna soo saaray oo si wada jir ah la isula qaatay shurruucdii lagu dhaqi lahaa xaywaanka waxaana ugu muhiimsanaa shantan qodob
- Xayawaanna kuma seexan karo sariir
- Xaywaanna ma cabbi karo khamri
- Afar adinle ayaa wanaagsan laba adinle ayaa xun
- Xayawaanna ma dili karo xayawaan kale
- Xayawaanka oo dhami way simanyihiin
Ka dib qodobadan waxaa lagu taxay gidaarka hase yeeshee, marka laga reebo doofaarada xayawaanku xilligan waxba ma qoraan mana akhriyaan. Deedaal dheer ka dib Caddaawe wuxuu isku dayay inuu farta baro xayawaanka laakiin may suurto gelin. Sharcigiina waxaa maalin walba u akhriyi jirey Codkare oo iksu dayi jirey in ay fahmaan.
Sidoo kale, waxa beerta ka billaabmay shaqo xoogan iyo waxsoor uu dabada ka riixayo hogaan Caddawe oo talada gacanta ku haya. Dhanka kale, waxa weli meesha ka muuqata in doofaaradu ay u muuqdaan in ay ka siyaasad badan yihiin xayawaanka kale waxayna maallaan ama lisaan lo’da oo xilligan doonaysa in la maallo.
Waxaana caanaha sii illaaliya Qoormadoowe isna marka ay xayawaanka kale ka tagaan ee beerta xageeda ay shaqo ugu baxaan ayay isaga iyo dooafaro kale wadda cabaan caanaha lo’da , markay soo rawaxaan xayawaanka kalena cidiba isma weydiiso caanihii xagay qabteen.
Xilligan waxa si buuxda u talinaya doofaarada, beertiina waxaa loo bixiyay Beerta Xawayaanka oo horena waxa loo odhan jirey Beerta Waxsooosaarka .Farska ayaa ah midka hawsha ugu badani ku dhacdo .
Sidoo kale ,waxay samaysteen calan caqaaran oo ay astaanna u yihiin ama ku dhexsawiran yihiin qoob iyo gees , waxaana laga lalmiyay /lulay beerta dhexdeeda inta kor loo dheereeyay . Waxa ay isla qaateen in toddobaad kasta ay isugu yimaaddaan shir wada tashi ah halkaas oo uu Caddaawe fikiradiisa soo dhexdhigo kasoo qaybgalayaasha lagana doodo sida ay ku haboon tahay .
Lakiin xilligan waxa uu khilaaf badan u dhexyaa Caddaawe iyo Qoormadoowe ,Qoormadoowe waxa uu ka soo horjeeddaa dhammaan soo jeedinnaha iyo afkaaraha Caddaawe , wuxuuna ka dhimasho ka xigaa in uu ku raaco go’aamadiisa.
Caddaawe waa nin tallo qaadasho badan , wuxuuna sameeyay guddiyo dhiirri geliya Xayawaanka si loo xoojiyo waxsoosaarka , laakiin guddi kasta horjoogaheedu illaa hadda waa doofaar. Isla bilihii u horeeyay waxaa beerta ku dhex dhashay ay yar yar waxaana kafaallo qaaday oo meel gaar ah oo uu ku xanaaneeyana u sameeyay Qoormadoowe.
Wax ay hawshu si habsami ah u socotaba markii dalagyadii u horeeyay soo go’een ayaa waxay doofaradii oo dhami intay isu tageen soo jediyeen in caanaha iyo tufaaxa ay doofaarada oo keli ahi leeyihiin Xayaanka kalena ayna taaban karin labadaas shay. Waxa xaywaaankii kale loo soo direy Codkare si uu ugu qanciyo sababta ay u leeyiihin doofarada oo keli ah baa isticmaali kara caanaha iyo tufaaxa, wuxuuna u sheegay in dofaradu ay maskax tuujin badan ku jiraan taasina ay u baahan tahay caano iyo tufaax badan haddii kale oo la waaayana uu soo noqon doono ninkii beerta lahaa , sidaas awgeed si looga hortago waa in ay doofaaradu helaan tufaax iyo caano , waxayna noqotay mid ay aad uga xumaaden xayawaanada intooda kale waxayna ka muujiyeen cabasho sababta ay sad bursiga u wadaan doofaaaradu .
Wax ay doofaradu nimcadii iskaga jiraan xayawaankii kalena u dhibanaadaanba, waxaa shaki aad u weyni galay beeralaydii jaarka oo is yidhi balaayo waa laga hortagaaye haddii aynnaan ka hor tegin waxaa dhici doonta in beeraheenana ay xayawaanku la wareegaan. Ka dib way isa soo urur sadeen illaa ninkii hore ee beertan lahaa , waxayna weerar ku soo qaadeen Beertii Xayawaanka si ay mar labaad gacanta ugu dhigaan . Laakiin xaywaankii ayaa inta ay isku duubni muujiyeen jebiyay cadowgoodii beeralayda ahaa , dagaalkii dhex marayna waxay xayawaanku ula baxeen dagaalkii Xero Lo’aad ., waanay dagaalameen xayawaanka oo dhami marka laga reebo tukaha oo dhuuntay.
Dagaalkii markii laga soo noqday ee wax dhawaacmay iyo wax dhintayba ay yeesheeen , kuwa dhintay shinbirahu uguba badnaadaane , waxa lagama maarmaan noqotay in la bixyo Billad Geesi. Waxa billad geesida heerka koowaad qaatay Caddaawe iyo Farska , Lax ku dhimatay dagaalka ayaa iyadana lagu maamuusay billad geesida heerka labaad .Xilligan weli si cad cidna uguma muuqato in aan sinaan la aani jirin oo xayawaanku ay qayb qaybsanyihiin waxaana loo malaynayaa uun in ay isku mid yihiin.
Waa jilaal ay xaalddu aad u adag tahay sioo kale dhaxan xooganina ay jirto .Sidaas darted, wuxuu Caddaawe hindisay oo uu soo badnshigay in uu higeliyo wershad dabaysha ku shaqysa oo dhalinaysa tamar u fududaynaysa hawlahooda maalilaha ah , sdioo kale kuna kuleylisan karaan xeryahooda qabow ee dhaxantu ka jirto .
Xilligan waxa si xoogan arragtiyahan uga soo horjeedda Qoormadooba , wuxuuna Idihii (Laxihii) si fiican u soo xafidsiiyay hal qodob oo ka mid ah xeerkii la dhigtay si uu carqalad ugu abuuro markuu Caddaawe hadlayo waxayna ku ciyeen “ afar adinlaa wanaagsan laba adinle ayaa xun ” ma oga laxuhu meel laysla marayo laakiin intaasna waa lasoo xafidsiiyay, waxay tahayna ma fahansana. Xilligan waxaa damac hoggaamineed uu ku jiraa Qoormadoowe , waxaana lagaga adkaaday dooddii wuxuuna dalbaday sagaalkii ay ee uu uu korin jirey oo ku soo tababaray in ay kidafaan waxkasta oo uu amar ku siiyo.Sidaas awgeed, waxay eryadeen beertana ka saareen Caddaawe . Markay halakaas marayso ee ay xaalddu isla cakirantay xayawaankii kalena ay fahmi la’ yihiin mid saxan ayuu Codkare ku qanciyay in uu Caddaawe ahaa khaa’inul waddan oo uu dagaalkii Xero Lo’aadna aanu u dagaalamin si geesi nimo ku jirto , fekraddan mashruuca Warshada Dabaysahana hinidishiisa uu ka xaday Qoormadoowe oo aanu waxba ku filnayn Caddaawe taasna lagu fahmay sababta loo eryayna ay taas tahay . Deedana way iskaga qanceen xaywaankii kale.
Isla halkii waxa xilka isku wareejiyay Qoormadoowe , waxaana ku garab taagan Codkare oo uu aad u aaminsanyahay. Wuxuu haystaa naqshaddii iyo qorshihii lagu dhis lahaa Warshadda oo uu qorey Caddaawe , wuxuuna si dhakhse amar u siiyay xayawaankii in ay bilaabaan dhismaha warshadda . Shaqada ugu culus weli waxa qabta faraska oo wixii culus oo dhan isagaa inta gaadhi dameer lagu rakibo la soo saaraa ,laakiin ka mar kasta saxan ee isaga uun la dhegaysanayaa waa Qoormadoobe , wuxuuna billaaby in uu xidhiidh gancasi oo hoose la yeesho laba ka mid ah beeralayda jaarka halkaas oo ay kala bedeshaan wixii ay doonaanba. Waxaa u dhexeeya dillaal u kala qaada wixii ay hadba isaga baahdaan .
Markasta oo ay arkaan dilaalka oo ay wada xihiidhayaan Qoormadoobe waxay isweydiiyaan sowtii madnuuca ahayd in laba lugoodle lala dhaqmo , haddana way iska illaawaan oo waxa kal weyn shaqada socota . Imika waxay doofaradii kasoo guureeen beertii waxayna ku seexdeen sariirihii guriga yalay , laakiin waxa qodobada sharciga ka mid ahaa “ xayaawaanna kuma seexan karo sariir “ qodabkkaasna waxaa beddelay Codkare oo ku daray “ Go’ leh” isagoo ka dhigay “ xayaawanna kuma seexan karo sariir go’ leh “ wuxuuna ku qanciyay xaywaankii kale in ay illaaween erraygaaas yar markii la qorayay , maxaayeelay xaywaankan kale aqoon ma laha oo ma garan karaan xeerarkani muhiimadda ay leeyihiin . Haseyeehsee, waxay aaminsanyihiin Codkare oo waxayna u ogolyihiin doofaraadu in ay sameeyaan wax kasta oo ay kaga hortagayaan in uu soo noqdo ninkii beerta lahaa .
Wax uu Qoormadoobe qasab shaqadii dhismaha kuwadaba illayn maskaxdiisa kamuu iman fekerkani oo ninkii hindisayna muu waydiin sida uu la damcaye , waxa habeen madow duufaani dumisay dhismihii oo dhammaad ku dhow, wuxuuna ku eeday in uu Caddaawe ka dambeeyay dumista dhismahaas , ka didna wuxuu amray in dib loo dhiso mar labaad oo gidaaradana sidii laga sii adkeeyo oo la qaro weyniisiiyo.
Waxa xayawaanka soo foodsaartay cuno yaraan waayo waxa xilka qabsaday Qoormadoobe oo keligii taliye ah , wuxuuna meesha ka saaray hawlo badan oo uu Caddaawe hirgeliyay oo nolosha kaabayay. Baaldiyadii ay xayawaanku ku cuntayn jireen waxaa lagu guraa ciidda mar marna garowbaa lagu ridaa, digaagaddihiina waxa lagu amray in beedka ay dhalaan ay u keenaan doofaarada, waxayna bilaabeen mudaharaad , iyagoo barxadii la taagnaa xaga sare kaga soo daadiyay beedkoodii si uu u jajabo .
Ka dib wuxuu ku soo rogey in aan digaagaddaha wax ay cunaanama cunto la siin karin muddo , si ay u gaajoodaan oo ay ka dib beedka u keenaan . Xaaladdan adag ee la galay , waxa meelaha mashraxyada ah lagu arki waayay Qoormadoobe waxaana amarada bixiya Codkare .
Waxa shir xayawaanku isugu yimaadeen laga sheegay in Caddaawe uu la midaysan yahay ninkii beerta lahaa imikana ay wadda qorshaynayaan sidii ay beerta u qabsan lahaayeen .Sidoo kale , waxa dembi lagu soo oogay xayawaano ay ku jireen saddex digaadood, shinbir iyo saddex laxaad waxaan kaga aslay birta . Sidoo kale, waxaa sii xoogasatay sharci ku tumashada iyo keli talis nimada , waxaa la madnoocay heestii Xayawaanka Ingiriika “ Beasts of Englan” waxaana lagu beddelay hees amaan ah oo lagu maanayo qoor madoobe , wuxuuna markan is guddoon siiyay bilad geesi .
Imika waxaad arkaysaa in qodobo badan oo xeerkii hore ee xayawaanka ah la jebiyay balse qodob kasta oo danaha doofaarada ka hor yimaadda waxa lagu kordhinayaa uun erray xalaal ka dhigaya .Wakhtiganna waxaa la beddelay qodobkii ahaa “xayawaanna ma dili karo xayawaan kale “ waxaana lagu daray “ sabab la’aan “ oo wuxuu noqday “ xayaanna ma dili karo xaywaan kale sabab la’aan “ . Sidoo kale , waxa aad u hawlan xawayaankii kale oo gaajaysan oon aan haysan wax cunto ah waxayna ku hawlan yihiin qurxinta iyo qotominta dhismihii warshadda ee injineerkii waday la eryay.
Laakiin , doofaarada iyo aydu ma dareemayaan gaajada jirta waxayna helaan cunto ku filan.Markii dhismihii warsaddu dhaammaday ayuu Qoormadoowe go’aansaday in uu iibiyo qori ka soo hadhay dhismaha oo uu ka iibiyo nin ay jaar ahaayeen, ninkiina wuxuu siiyay lacag faalso ah . Ka dib markii Qoormadoobe uu aqoonsaday in lacagtan qoriga lagaga iibsaday tahay mid been abuur ah , wuxuu xidhiidh cudsub la yeeshay nin kale oo beeralay ah oo aan ahayn kii khiyaameeyay. Waxaana oogaaday ninkii hore ee khiyaameeyay in uu saaxiib kale samystay oo wuxuu soo kaxaystay col hubaysan , waxayna qarxiyeen warshaddii sidoo kale xaywaan badan ayay waxyeelo soo gaadhsiiyeen .
Maalmahaas wax yar ka hor , Qoormadoowe wuu soo baxaa waxaana lagu arkaa marshaxyada isagoo uu hor socdo diig madow oo foodhyaya . Sidoo kale, maalinta dhalashadiisa waxaa loo ridaa rasaas taas ooh ore loo ridi jirey sannad guurada xaywaanka balse imika keligii ayaa lo ridaa , cuntadana wuxuu cunaa cuntada shiinaha oo keli ah, wuxuuna isticmaala dhadhamiye lagu tijaabinayo in cuntadu sumaysan tahay iyo in kale , wuxuuna gebi ahaanba u dhaqmayaa sidii boqor oo kale.
Mar labaad waxaa dhacday cunto yaraan , waxaana markii saddexaad la billaabay dhismihii warsadda. Farasku wuxuu u muhanayaa sidii uu dhismahani dhakhso ugu dhamaystirmi lahaa ka hor inta aanu isagu awood gabin, sidaas awgeed wuxuu u shaqaynayaa si ka dardar badan sidii caadiga ahayd ee uu u horeba ugu shaqayn jirey. Dhanka kale, waxaa doofaraadii yar yaraa loo dhisay Iskuul u khaas ah oo lagu dhiiri geliyo looguna dhigo sidii ay uga duwanaan lahaayeen xayawaanaadka kale. Cunto yaraan kasta oo jirta wixii dalag soo go’a ama khayraad ah ee la hayo waxaa lagu soo iibiyaa qalabka warshaddu u baahan tahay iyo khamrada ay doofaaradu u baahnyihiin.Cajiib, waxa isna ay beddeleen qodobkii ahaa “xaywaanna ma cabbi karo khamri” waxayna ku dareen erray si ay khamriga u xalaashadaan errayga oo ah “ badan” waxyna qododkii ka dhigeen “ xayawwaanna ma cabbi karo khamri badan “ Sidoo kale, heedda beerta ka baxda waxay ka dhigtaan kayd, si ay khamro uga samaystaan doofaaradu. Xilligan waxay xaywaankii qaadeen gaajo aad u daran , waxaana u dhaami lahayd geerida sida ay ku sugan yihiin. Balse, weli Qoormadoobe way soo dhaaftay sheekydu waxaana khatar iyo mujaahidiin isu arkaya dhammaan doofaarada oo dhan. Juhdi iyo akysi badan ka dib waxa uu dhaawac soo gaadhay faraskii ugu tacabka badnaa xawayaanka oo dhan.
Si la mid ah sidaas, waxa uu Qoormmadoobe go’aansadau in uu faraskan ka iibiyo shirkad ka ganacsata fardaha, wuxuuna xaywaankii kale ku qanciyay in gaadhi la saarayo oo la soo daawaynayo. Lakiin wuu iibiyay. Waxaa arrintaas sideeda ka biyo diiday , dameer ay faraska saaxiib ahaayeen oo aad u il dheeraa wuxuu sheegay in gaadhigan la saaray uu ahaa gaadhigii fardaha lagu qali jirey , balse Codkare ayaa ku qanicayay in waagii hore ay shirkadaasi gadhihiga lahaan jirtey laakiin imika dhakhtarka xanaanada xooluhu leeyahay.
Waxay sidii sannado dar xumo iyo dulmi ah ku jiraanba wakhtigan waxaa nool xaywaan aad u tiro yar kuwaas oo xasuusan noloshoodii ka horeysay xornimadoonka .Nasiib wanaag , way dhamystireen , warshaddii laakiin u jeeddadii loo dhisyay looma isticmaalo waxaan loo isticmaala in lagu warshaddeeyo xasiida ka dibna ay iibgeeyaan doofaraadu. Halkii ay ka noqon lahayd mid laga dhaliyo tamar koronto oo sahasha nolosha xaywaanka.Intaa waxa dheer waxa laga beddelay magacii ahaa Warshadda Dabyasha , waxaana lagu qorey Warshadda Qoormadoobe.
Waxa xilligan uu Codkare gaar ula baxay idihii/laxihii oo uu la maqnaa hal toddobaad si uga saaro casharkii hore loo xifti siiyay ee ahaa “ afar adinle ayaa wanaasagn laba adinle ayaa xun “ wuxuuna soo xafidsiiyay “ afar adinle ayaa wanaagsan , laba adinle ayaa ka sii wacan “ taasoo uu qodobkaasna ka beddelay gidaarkii shuruucda. Intaas ka dib , waxa gebi ahaanba wax ka beddel lagu sameeyay qoobadii sharciga oo mid kasta wax lagu daray. Tusaale ahaan , qodobkii “ Xayawaanka oo dhami way siman yihiin” waxa lagu daray “ laakiin qaar baa aad u siman “ oo qodobkaasi wuxuu noqday “ xayawaanla oo dhami way siman yihiin laakiin qaar baa aad u siman.
Si kastaba hha ahaatee , waxa xilligan la wada beddelay shuruucdii hore ee xaywaanku isla qaateen in kastoo doofaarada mooyee aanay aqoon badan xaywaanka kale u lahayn xeerarkaas jirey. Intaa ka dib , beertii waxa loo bixiyay Beerta Waxsoosaarka , doofaradiina waxay xidheen maryo sida daka , waxayna ku socdeen laba lugood oo keli ah . Waxayna billaabeen in ay khamrada la cabaan beeralayda deegaanka iyagoo isu arkaya in ay heer gaadheen waayo doofaaro illaa dad caadiya ayay marayaan , wayna adkaatay in la kala saaro farqiga u dhexeeyaa laba luqoodlihii la mabnuucay iyo doofaradii casriyoobay . Ugu dambayn qodabadii xeerarku waxay noqdeen sidan :-
- Xayawaanna kuma seexan karo sariir go’ leh
- Xaywaanna ma cabbi karo khamri badan
- Afar adinle ayaa wanaasgan laba adinle ayaa kasii wacan
- Xaywaanna ma dili karo xaywaan kale sabbab la’aan
- Xayawaanka oo dhami way siman yihiin laakiin qaar baa aad u siman .
Taasina waxay keentay in gebi ahaanba ay xaywaaankii siku qoomameeyaan maalmahoodii halganka.
Sheeko Khiyaal ah /Fiction Story by Goarge Orwell
W/T Khaalid Curaagte