Cilmiga dhaqaaluhu sidaa ma aha! (WQ: Prof. Cabdi Cali Jaamac)

 

Dadka badidiisu waxay u haystaan in dhaqaaleyahannadu yihiin dhabcaaliin gacan adag oo nolol-quudhi-waa ah. Sidaa lidkeeda weeye xaqiiqdu. Maadaama ay uga aqoon roon yihiin dadka kale waxa fakhrigu yahay, way u naxariis badan yihiin dadka saboolka ah.

Dadka qaar ayaa u haysta in cilmiga dhaqaaluhu la xidhiidho kaliya adduun-raadis iyo lacag-samayn, xaqiiqaduse waxa weeye in cilmiga dhaqaaluhu yahay cilmi ka hadla sidii ban’iidamku badhaadho iyo barwaaqo u gaadhi lahaa. maqaalkan yar waxan rabaa in aan ku beeniyo fikirkaa qaldan.

Ugu horrayn, sifooyinka qofeed sida deeqsinamada, geesinimada, daacadnimada iyo intaa lidkeedu, aragtidayda, waa sifooyin aynu ka dhaxallo waalidkeen iyo awowyadeen marka laga yimaaddo saamaynta deegaanka.

Tusaale, haddii qof u dhashay cabbanaan ama fulaynimo aynu siino tabobar dagaal, taasi kama dhigayso qof dhiirran ama geesi ah. Sidaas oo kale haddii uu qof dhaqaalaha barto, ase uu marka hore u dhashay gacan furnaan ama deeqsinimo, taasi kama dhigayso bakhayl.

Dadka qaar ayaaba yaabi doona, haddii aynu nidhaa cilmiga dhaqaaluhu wuxu dhiiri-galiyaa in wax la kharash-gareeyo in ka badan inta uu dhiirigaliyo in wax la kaydsado.

Ta labaad, kalmadda “Economics” asal ahaan waa kalmad giriig ah oo macnaheedu yahay maamulka guriga. Cilmiga dhaqaaluhu wuxuu ka hadlaa maamulka kheyraadka yar si aan u haqabtiro baahiyaheenna xad-dhaafka ah. Banii’aadamka baahidiisu waa bad. Waxaynu u baahanahay badeecado iyo adeegyo badan si aynu u daboolno baahiyaheena.

Haddaba waxa xadidan khayraadka aynu haysano si loo soo saaro badeecadahaas aan xadka lahayn ee loo baahan yahay.  Halkaas waxa ka dhalanaya mashkilad dhaqaale oo ah sidii loo kala hormeyn lahaa ama la isku waafajin lahaa baahiyaha badan iyo khayraadka yar ee kooban.

Haddaba su’aashu waxa weeyin sidee ayaa loo kala hormaynayaa arrimaha aan kor ku soo xusnay?

Jawaabtu waxa weeyi waa in aynu go’aanno adag ka gaadhno ikhtiyaarrada aynu haysano laga bilaabo heer qof illaa heer qaran.

Haddii aanu sidaa ahayn arrinku, baahiba may jirteen, qofkastaana wuxuu heli lahaa wuxuu u baahan yahay oo dhan, taasina waxay dhici kari lahayd haddii aynu soo saari karno inta alaab iyo adeeg aynu jecel nahay oo dhan. Waanay fiicnaan lahayd haddii la helayo adduunyo janno ah oo suququl aanu jirin.

Ta saddexaad, dhaqaaluhu waa barashada dabeecadaha bani’aadamka, sida cilmiyada bulshada kale. Dabeecadaha la darsayo waa sida uu qofku u dhaqmo caadi ahaan marka uu ku jiro noloshiisa caadiga ah. Taasi waa min qof illaa qaran. Barashada dabeecadaha aadamigu waxay innaga caawinaysaa in aynu dejino xeelado iyo siyaasado aynu ku hagayno dadka si aynu u xaqiijino ama u gaadhno ujeeddooyin aynu calaamdsanay.

Ugu danbayntii, dadka qaar baa u haysta in arrimaha dhaqaaluhu aanay ahayn waxa adag oo aan looba baahnayn in la barto oo laga dhigo cilmi gooni ah. Sida dadka tacliinta lihi fahmi karaan, arrimuhu ma aha doqoni-ma-garatay mararka qaarkoodna waa lagu kadsoomaa fahankooda.

Prof: Cabdi Cali Jaamac