“Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,
Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’,
Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’,
Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,
Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,
Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-araggiiye,
Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede,
Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye,
Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,
Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,
Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,
Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.,
Tuduc ka mid ah Maansada Baroor-diiqda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,
Hargeysa, 18/1/2016ka,
Marka aad Riwaayaddaas aad u dhuuxdo ama u dhegaysataba, waxaad ka dheehanaysaa sidii uu Cali Sugulle uga dardaar-werinayay isu-taggii, is-raacii ama isku-darkii lixdanki dhacay ee labada gobol la isku daray. In kasta oo ay Riwayadda Indho-sarcaad ku sabsanayd gobolkii NFDii, haddana waxaad ka dheehanaysay sidii uu uga niyad-jabsanaa isu-taggaa una arkayay in aan meel lagu gadhi doonin. Bal hadda aan arrintan u maragsanno tuducyo ka mid ah hees ku jirtay Riwaayaddaas Indho-sarcaad, waxaanu yidhi:
“Wallee ama calan jira,
Oo caan ah baad ahaan,
Oo lagu cawaansayeey,
Ama calal maryaa,
La-cayn ah baad ahaan,
Oo ciirsi weynayeey,
Caydhiin iyo bisayl,
Mid uun ku caano-maal,”
Xaqiiqadu waxay tahay in uu calankaasi caydhiin ku caano-maalay oo uu noqday calal maryaha la cayn ah oo hoog iyo halaag u horseeday ummaddii lahayd ee darxumada u soo martay. Xooggii dalka iyo magacii qaranka Soomaliyeed ayaa loo adeegsaday burburinta qarankii Soomaaliyeed.
Heestaa waxa si xarrago iyo la-yaabba leh u qaadayay Maxamed Axmed Kuluc, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Waxa kale oo Riwaayadda ku jiray\ hees waddaniya oo qiiro leh oo ay kala-roganayeen Canab Aadan iyo Maxamed Axmed Kuluc. Haddii aan godol ka soio qaato, waa tii heestaasi lahayd:
“Inta uu dhulkeenniiyeey,
Qoqobaha dhex yaalliineey,
Haddaan dhimashooy ku diido,
Haddaan dhalashooy ku sheegto,
Haddaan dheregow ku doono,
Haddaan dhaqashoy ku doono,”
Calanku waa maro, waa se halka ay ummadiba calankeeda dhigto iyo sida ay u qiimayso. Saadaashaa Cali Sugulle waxay ka tarjumaysay hoggaan-xumadii dadka Soomaaliyeed ku habsatay. Ibraahin Sheekh Saleebaan (Gadhle) oo isku-darkaa lixdankii ka hadlayay isagana waxaanu ka gunudnay tuduc ku jiray maansadiisa Dir-sooc oo ahaa:
“Lixdankii dadkaygow,
Markaad dawladnimadii,
Diiqada u bixiseen,
Degdegsiiyo mooyee,
Doqonniimo ma ahayn,
Manaydaan denbaabine,
Shanta kala dab-raacdaad,
Dermo qudh ah u gogosheen,
Isku-duubnideenniyo,
Daacad baad horseeddeen,
Geeluba hadduu dido,
Duq baa loo hoggaanshaa,
Sida loogu deyduu,
Geesina u diriraa,
Dibi keligay lay qalay,
Qoys qudha dibbiradii,
Waxa aan ka door-biday,
Duubiga shan lagu cuno,
Shaxda kama il-duufine,
Sidaan damacsanaa iyo,
Sida Dooddii yeelaa,
Kala-durugsanaadoo,
Deyrtii hillaacdiyo,
Deylo curashadeedii,
Daaqii ka soo baxay,
Diir iyo wax baa cunay,”
Dar Allee abaalkaa,
Waxa dumay ku suuree,”
Maandeeqdii mataanaysay ee isku-darka iyo is-raaca baadi-soocda looga dhigay iyo hayaankii dheeraa ee loo galay midnimada Soomaaliyeed ama shantii gobol muddo yar ka dibba mugdi ayaa isku gedaamay. Xaqiiqadu waxay noqotay in ay himiladaasi noqotay mid riyo isu roogtay oo aanay dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba hadal-hayn. Midnimadii ayay soo gaabsadeen oo ay ku soo ururiyeen labadii gobol ee lixdankii is-raacay ama isku-darsaday ee shanta gobol baadi-doonka beenta ah u galay.
Sow tii Cabdi Iidaan Faarax, maansadiisii ‘Daad-wararac’ ee uu Deelleeydii ku lahaa ku yidhi:
“Dood kalena waxay tahay,
Dadka reer Jabuutiya,
Dawladnimada tooda ah,
Cidna aan iskaga darin,
Waa deris walaalnimo,
Dugsi weeye gacalnimo,
Anigu waan ku diirsaday,
Lama dira-diraalayn,
Ha daar-daarin waa gobe,
Sidaa kuguma diiddani,
Dood kalena waxay tahay,
Doon-doonisteennii,
Shantii la isku dari jiray,
Degdeggii is-raacii,
Didisaye u yeedh-yeedh,”
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)
Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com