Maraykanka iyo Eeraan oo maxaabiis is-dhaafsaday

Eeraan iyo Maraykanka ayaa waxay is-dhaafsadeen maxaabiis, Eeraan waxay sii daysay 5 oo qof u dhashay Eeraan oo qaatay jinsiyada Maraykan oo uu ku jiro weriye u shaqaynayey wargeyska Washington Post.

Sidoo kale Maraykanka ayaa waxa uu sii daayey maxaabiis u xidhnaa in ay jabiyeen cunaqabateyntii saarneyd Eeraan kuwaas oo dhannaa 7 qof.

Eeraan oo ay muddo badan saarneyd cunaqabateyn ayaa waxay sannadkii hore la gashay quwada waaweyne in heshiish ay ku joojinayso barnaamijkeeda hubka Nugliyeer taas oo sababay in shalay laga qaado cunaqabateyntii saarneyd.

Dhinaca kale heshiiska Eeraan iyo Maraykanka ayaa waxa aad ugu xumaaday labada waddan ee saaxiibka dhow yihiin Maraykanka ee Israa’iil iyo Sucuudiga oo xidhiidhka u jaray Eeraan ka dib markii dad gadoodsani gubeen safaaraddi Sucuudigu ku lahaa Tehran.

bandhige@gmail.com