Cilmiga Faraha: Qaybta 3aad (WQ: Abdoulkarim Qurusdoon)

Qaybtii 2aad waxa aynu kaga soo hadalnay taariikhda faraha. Qaybtan waxa aynu kaga hadli doonaa sida loo qaado faraha iyo sababta loo qaado.

Marka aad maqashid faro la qaadayo, maskaxdaada waxa ku soo degdegaya qof danbiile ah oo faro laga qaadayo.
Waa run, balse aynu eegno qaababka kale ee madaniga ah ee loo adeegsan karo faraha. Tusaale ahaan Soomaalida waxa caan ah in haddii wax la kala iibsanayo, sida hantida maguurtada ah, dad la heshiisiinayo oo heshiis laga saxeexayo, diyo la kala qaadanayo iyo arrrimo kale oo badan waxa lagu hor saxeexaa NOOTAAYADA horteeda.

Balse waxa ayaan darro ah haddii 10 ama 20 sanno kadib qofkii faraha laga qaaday uu dafiro in uu yahay isagu qofka fartaas iska leh, in ayna awood u lahayn nootaayadaasi in ay arrinkaa xaqiijiso ama buriso!
Inta badan kiiskii madaniga ahaa waxa loo wareejiyaa laamaha amniga dawladda oo mariya hannaanka danbiyada.
Wadamada faraha isticmaalaa waxa ay leeyihiin Shaybaadhyo Faraha lagu baadho oo madaxbannaan.

Habka loo qaado Faraha:
Laba qaybood ayaa loo qaybiyaa:
1. Faro muuqda (Visible)
2. Faro qarsoon (Latent)

A. Faraha muuqda inta badan waa marka qofka laga qaadayo faruhu goobjoog yahay waxana la isticmaalaa Khad (Ink). Sida dad badan arkeen, waxa qofka laga qaadaa 10-ka farrood iyo baabacooyinka. Waa hab fudud, balse u baahan in qofka qaadayaa tababar haysto.

B. Faraha qarsoon. Qaybta shaqada badan u baahan waa sidii loo heli lahaa faraha qarsoon. Si loo soo qaado (lift) faraha qarsoon, waa in marka hore la isku dayaa sidii ay u muuqan lahaayeen (fingerprint development). Si loo muujiyo, qalabka la isticmaalayaa waxa uu ku xidhan yahay goobta la taabtay nooca ay tahay (the type of the surface). Tusaale ahaan (waraaq, dhar, gidaar, caagad, bir, loox iwm)
Goobta faraha laga qaadayo waxa ay u qaybsantaa 2 qaybood:

Goob biyaha nuugta (porous) sida waraaqaha iyo dharka ( qaybtan waxa la isticmaalaa agab kiimiko ah sida Ninhydrin)
– Goob biyaha aan nuuggin (non-porous) sida quraaradaha iyo caagadaha (qaybtan waxa la isticmaalaa budooyinka gaar ah (special powders) sida budooyinka birlabta ah (magnetic) ama waxa lagu qiijiyaa xabagta (superglue)
Kadib marka la muujiyo farihii, waxa lagu soo qaadaa xabagta cad ee inta badan aynu lacagta kala goโ€™day ku hagaajino (fingerprint lifting tape). Qofka qaadayaa waa in uu tababar haysto, yaqaano goobaha laga helayo astaamihii ama xarriijimihii faraha.

Si looga hortago in ayna khasaaro ku dhicin fartii la qaadayey, sawir ayaa laga qaadaa ka hor inta aan la qaadin (photograph before lifting).
La soco qaybta u danbaysaโ€ฆโ€ฆ