Shirkii ugu horeeyey ee EPRDF iyo Axdi qaramedkii u horeeyey. qaybtii 4aad

Waxa ay ku dhawaaqdey xukuumadii Melez in bisha juuley oo ahayd laba bil ka dib  markii ay xukunka la wareegeen waxaana ka soo qayb galay isbahaysigii EPRDF oo ka kooban OPDO, TPLF, APDM iyo shucuubta koonfureed, waxaana si   goob joog ahaan loogumarti qaadey ONLF, WSLF, OLF , Canfarta, bani shanguulka iyo kuwo kale.

Halkaa waxaa la iskula meel dhigey axdiga  ku meel gaadh ah kaasi oo dalka lagu maamulayo inta laga gaadhayo doorasho hal cod iyo hal qof ah iyo dastuur la isku waafaqsan yahay. Waxaana axdiga cusub lagu cadeeyey in Itoobiya qaadatey nidaamka fedelaarka  kuna saleysan mabda’ dimoqraadiga.

Soomaalida shirkaas waxaa ku matalaayey sadex qof oo ONLF ah iyo  tiro  kale oo ah WSLF ah dabcan waxaaney ahayeen goob joogayaal aan cod kulahayn  sida qawmiyadaha yar yar ee kale.waxaana Itoobiya lagaga dhawaaqey in qolo kastaa ay yeelan karto ismaamul hoosaad iyada u gaar ah kaasi oo ay danaheeda gaarka ah gaar ahaan dhaqanka, diinta iyo afkeedaba iyadu xor u tahay.

Is abaabul xoogan ayaa ka bilaabey wadanka oo dhan waxaana laga yagleeley ismaamulo gaadhaya sagaal qolo iyo labo magaalo oo qaab federal ah loo maamulayo kuwaas oo kala ah Adis Ababa iyo Dirdhaba.

Is maamulka Soomaalida waxaa judhii  horeba caasimad u noqotey magaalada Dir dhaba laakiin kuma sii raagiin maamulkii Soomaalidu magaaladaas waana waxyaabaha maant muranka galiyey Dirdhaba ee ka dhigey in ay laba qawmiyadood ku loolamaan, waxaana maamulkii isla markiiba loo rarey magaalada Godey.

Waxaan filayaa in uu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee maamulka Soomaalidu yeelato Cabdilaahi Maxamed Sacad,way fiicanaan lahayd Dirdhaba in ay ahaato caasimada Soomaalida laakiin talo xumo iyo aragti la’aan ayaa keentey in dhawrkii biloodba meel lagu sheego caasimad ilaa aakhirkii ay Jigjiga noqotey caasimada deegaanka Soomaalida.

Dhamaan deegaanda kale oo Itoobiya markiiba waxa ay la qabsadeen maamulka cusub iyo sida uu rabo ha yeeshee siyaasiyiintii Soomaalida waxa ay noqdeen dameer col dhaanshey, halkii ay siyaasiyiinta kala qabsan lahaayeen waxa ay la qabsadeen saraakiishii ciidamada Tigreyga, waxaana ummadii ku dhacey qaybi oo xukun.

Xasan Ciise- Muxalil Siyaasadeed