Ciyaaraha: Hagrashada Xulka Maroodijeex iyo Farriin Ka Timi Gobolka (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Ciyaaraha: Hagrashada Xulka Maroodijeex iyo Farriin Ka Timi Gobolka

Iyada oo dhan kasta oo nolosha ahi ay hiil iyo hawl u baahan tahay, dhabaalkan uu soo diray Gobolka Maroodijeex, waa mid muujinaya sida loogu baahan yahay dhismaha guddida horumarinta Maroodijeex. Waxa uu qoraalkani muujinayaa sida aan loogu hiilin meel u baahnayd in loo hagarbaxo, cidda lagu hallaynayo ayuu inna weydiinayaa, midnimada bulshada ku nool ayuu guud ahaan innagu baraarujinayaa. Waa tusaale nool oo muujinaya sida looga dhaqaajiyo gobolka xilli uu gurmad u baahnaa.

Gobolka Maroodijeex o muujinaya sida uu u noqday wax aan cidina lahayn, cidina xil isaga saarin ayaa yidhi “Marka ay cod iyo dad noqoto waxan ahay gobolka ugu cududda iyo bulshada badan, haddana la iima ciidamiyo. Ab kasta iyo isir kasta oo uu yahay qofka ku nool gobolka xaq ayaan ku noolahay. Waxa kooban inta aan se helo waxaas aan garta u leeyahay. Markii ay jireen lixda gobol ee qudhi waxa aan ahaa gobol taageero badan leh.

Laakiin sannadihii 2011, 2013 iyo 2016ka oo la qabtay horyaalka gobolladda Somaliland, waxa ay dadkii igu noolaa u qaybsameen deegaanno iyo gobollo kale. Waxa ay kala raaceen Daadmadheedh, Oodweyne, Gebiley iyo gobollo kale.. In kooban ayaa igu soo hadhay.

Xitaa ciyaartoydii fiicnaa ee Maroodijeex ayaa qaar looga yeedhay gobollo kale. Waayo, ma haysan cid dhaqaale, guubaabo iyo taageero ii fidisa sida ganacsato, qurbe-joog, salaaddiin, culimo iwm. Keliya waxa i taageerayay Xafiiska Badhasaabka Maroodijeex iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Waxan u mahadnaqayaa Duqa Caasimadda Hargeysa Abdirahman Mohamoud Aideed (Soltelko)iyo Xildhibaan Ismaaciil Jaamac (Xildhibaan Ismaciil Cagayare) oo xulkayga garab iyo gaashaan u ah. Ummadda inteedii kale waxa ay iga doorbideen goobo kale.

Xaggee la ii cidleeyay? Ma haynnin cid xitaa xulalka gobolka u hadasha. Iyaga oo sidaas u daalaa-dhacaya ayay haddana 2011 iyo 2013 xulku ku guulaysteen kubbadda cagta”

Gobolka Maroodijeex waxa uu hadalkiisa ku gunaanaday “Illaa hadda waxa la hayaa soddon qof oo diyaar u ah inay ka mid noqdaan guddida horumarinta Maroodijeex. Cid kasta oo samafalkaas u diyaar ahi, fadlan taleefankooda hoos ha ku dhaafaan ama gaar ha ula xidhiidhaan Siciid Maxamuud Gahayr oo taleefankiisu yahay 0634428604 si loogu daro Gole Whtasp ah oo ay hadda 30 xubnood ku jiraan”

 

Waad mahadsan tihiin

Guddida Horumarinta Maroodijeex.