Midnimaddu xal ma keeni kartaa? (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Wamadda Midowga Yurub oo ah kuwa tusaalaha u ah isu soo dhawaanta iyo midowga qun-yar socodka ah oo hadeer ku dhaw in ay hal dal oo way noqdaan sidda wadanka Maraykanka ayaa ka mid noqoshadda wadanka cusub ee kusoo biiraya waxay u sameeyeen shuruudo adag , kuwaasoo ilaa uu shuruudahaa buuxiyo aan loo ogolaanin in uu midowga yurub kusoo biiro .

Shuruudahaas oo laggu magacaabo shuruudihii  Copenhagen

( ‘Copenhagen criteria) waxaa ugu mudan sadexdan shuruudood

1- Suuq iyo dhaqaale xorra .

2- Dimuqraadiyad degen oo xasiloon .

3- Ku dhaqan sharci . iyo qaar kaloo badan .

Hadaba dadka Midnimo Soomaaliyeed u raadinaya waalaca ay ka qabaan mushkilado Somaliland ka jirra awgeed , waxaa la waydiin karaa , Somaliland mushaakilka ka jira iyo kuwa kale ee ka jira Soomaaliya Midnimo Soomaaliyeed oo la sameeyaa xal ma u noqon kartaa ?

Aniga waxay ila tahay , in Soomaalidda Geeska Afrika gees waliba mushkiladaheeda goonideeda u xalisato sidda midowga Yurub , hadhowna waxay la kala maarmi waayaan ay sidda Barwaaqo sooranka reer Yurub isaga kaa shadaan si aanay isula dumin sidii hore u dhacday .