Col hortii jabay, waddaadada qaar Q.2aad(WQ: Axmed Cali Kaahin)

Markii wadanka dib loo xoreeyay gacantana lagu dhigay dadku hormooyinkii u horeeyayna ku soo hayaameen baradoodii hamuunta ba’an u qabeen. kaliyana ka saartay bam garayntii diyaarada’hoodii dulmi wadihii u adeegsaday, lahaydna sumadii calankii ciidan laga dhoofiyay waagii la jibaysnaa.

Dadkii dalkooda mastaafurka qasabka lagaga hayaamiyay, hadda si rabitaan kooda gaarka ah bay qaab is biimayn uga soo hadhka xidheen xeryihii qaxoontiga ee lagu quudin jiray iyagoo ku waajahan goob ka mida meelaha dunida ugu halista baan dhinacyada noloshoo dhan xataa goob taad cagta dhigaysaa ay miinaysan tahay iska daa quutal daruuri iyo amaan.

Dadkaasi waxay xaadh xaadheen wixii burburkii BM ka duqayntiisii ka baaqi haa badina ramiimka iyo daqiiqda laga dhigay, burburkii wixii naf lahaana sida garaaidkii sabadaa laga siibay fadhato dad u xalaaleeyeen gurashadeeda.

Sida barigaa diintu qalbigeena u soo qoysay waxa dhamaan lawada lahaa hadii dalka dib loo helo kitaabkaynu isku xukumi. Taasi oo niyad ka ahayd macaankii diinta ee dagay qalbiyada dadka awgeed iyo qadhaadhkii xukunkii xumaanta dhiiri galinayay ee ay la soo noolaayeen qaxa ka hor. Ka dib marii maanku gardaadiyay labadaba nololood.

Waxa mar labaad laba kac leeyay oo halkiisii ka sii oog saday shuc ladii diin jacaylka iyo dhalintii jibaysnayd oo markiiba burburkii guryaha dhexdooda laga yagleelay Madarasado iyo Masaajido. laga bilaabay taasi oo ay dadka sii xiise galisay in ramdaanta lagu tukado jus quraana dadkana ururisay iyo wacdigii, kutubtiniina halkii baa khyarkii si fiican u qaangaadhay.

Waxaan xasuusta Madarasada Furqaan in qofka helaa uu dugsiga dawlada iskaga bixi jiray wanaageeda awgii, dirqi iyo bakhtiyaa nsiibaa inta la qaadanayo loo tuuri jiray. sababna u ahayd buugaagta oo bilaasha, waxbarasho bilaasha, iyo aqoonta diinta oo dadku aad u jeclaa. waxa lagu dhigan jiray halka dugsiga Faarax Oomar hadda yahay.

Dhinaca kale Masaajidadu dhamaan waxay ahaayeen xarumo cilmi iyo wacyi galin bulsho oo joogto ah. Tusaale ahaan masaajidka xaafadayada oo kuwa dalkoo dhana la qabay dardartii diin fidinta.

Salaada Subaxa ka dib.
waxa la dhigan jiray Quraanka oo akhrin, iyo qaybid dusha ah. oo saddex qaybood usii kala baxa, dadka waawayn, iyo dadka yaryar, iyo dumarka oo qaybtooda ah. dadkaa waaweyn ee barigaa alifkaa looga bilaabi jiray, ilaa haddaan arkaa iyagoo safka hore ee masaajidka dusha quraankii ka akhrinaya ama kitaabka, aad baan odayaashaa u sii xasuustaa. Waxaa macalin u ahaa C/laahi Cabdi Cali oo dhawaan geeriyooday rabbi naxariistiisaan uga tuugaynaa.

Barqadii
Waxa la marin jiray kutub xaddiiska ah, duhurkii ka dibna jawaahirkaa la marsan jiray. Casarka ka dibna waxaa la dhigan jiray Riyaadu saalixiin iyo Saxiid muslim.

Maqribkii
Tafsiirkaa la marin jiray, Ci’shaaiga waxa la dhigan jiray kitaab Caqiido ah. Dhamaan kutubtaasi silsilado socda oo is daba yaalay ahaayeen oo sida manjahka mid kastaa mid kale kuu sii dhiibaayo oo xalqado furan oo cid waliba dhagaysato.

Dugsiyada iyo Madarasadaha marka fasaxa la galo ardayda waxaa Masaajidka looga bilaabi jiray kutub kooban oo kala duwan aad bayna usoo buuxin jireen. Sida si lamida qaybta dumarku way ag socotay oo meel gaaraa loogu dhigi jiray wakhti kasta.Halka muxaadarooyinka iyo wacyigalinta guud ee bulshaduna joogto ahayd meelkastan makarfoon loo dhigi jiray khamiis kasta

Masaajido Rabbi leeyahay, madarasado dar ilaahay oo bilaasha, wacdi iyo wacyigalin dar ilaahay ah, xalqado ciirciiraya iyo sheikh hurid iyo masuuliyad bulsho qoorta saartay oo bilaa camalaa hawshaa isku dubaridi jiray.

Dadka oo badi hungurigu ka dambeeyo dadnimada diintuna hagayso gobanimona astaan u tahay. hawshaa oo dhan ee isku duba dhacsan dawladina hagayn baan soo gaadhanay sagaashamaadkii ilaa bari dhawayd. Waxa hal ku dhig u ahaa masuuliyad umadeed iyo hurid dar ilaahay ah. Aduuyadu laabtooda kumay waynayn dadkaa.

Noloshu bariga way adkayd in la dhacsado quutal daruuriga yoomiyaha ah. maba jirin meel dakhli dadka kasoo gala balse waa lawada iimaan qabay. Maanta oo noloshu inta badan la barwaaqaystay dabaqadana abuurmeen, waxa lagu qarqoomay jibo aduunyo iyo dano gaara. Waxa xiga qaybta 3aad haddii Rabbi swt idmo. Ha hilmaamun xuska Rabbi.
Qalinki: Axmed Cali Kaahin

Gmail: ahmedckahin@gmil.com