Muddo dheer oo illaa 2018-kii ah ayay xukuumadda Somaliland ku taamaysay inay gacanta ku dhigto Cabdimaalig Muuse Coldoon, waxa warqad qabasho ah loo dhigay madaarrada, sidaas awgeed ayuu Garoowe uga soo degay oo safar dhulka ah ku soo galay Burco. Markii uu baacsigi joogsan waayay ayuu u tallaabay Jigjiga iyo dawladda Soomaalida Itoobiya. Si uu u nabadgalo oo uga badbaado xadhiga.
Ugu dambayntii waxa Burco lagu qabtay 17kii Abril 2019ka, ciidanku iyaga oo sidannin waraaq maxkmadeed ayay si foolxun u jidh dileen, isla habeenkii waxa lagu taxaabay xabsiga Burco, iyada o saqdii dhexe loo soo guuraysiiyay Hargaysa. Waxa la keenay daakiraadi salaadda subax, waxaana markii hore la geeyay xarunta danbi baadhista, waxa lagu xidhay qaybta C T.U-da oo ah qaybta loogu tala galay argagaxisada, dilka iyo dadka gala danbiyada waaweyn ee halista ku ah amniga qaranka.
Soddoon daqiiqo markii uu ku jiray C.T.U-da ayaa laga soo saaray oo Taliyaha C.I.D amray in saldhiga dhexe la geeyo, sababta wareejintiisu waxay ahayd 2017 mar uu ku xidhnaa Coldoon qaybtaa ayuu ka qoray qoraal oo uu ka warramay markii uu xorriyadiisa helay tacadiyo iyo gabood fallo uu goob joog u ahaa sidaa awgeed ayaa qaybtaas looga soo bedelay, laguna keenay qolkii madoobaa ee karantiimada ahaa.
Coldoon wuxuu ahaa dhaawac waxaanu qabay nabaro soo gaadhay markii la qabanaayay, waxa dhaqaaqay ilkaha foolasha, waxa dilaacday bishinta hoose oo ay ka galeen foola dhaawac weynina kaga yaalllay. Waxa dhaawac kaga yaallay lugta, wuu dhiig baxay intaa lasoo waday iyo habbeenkaas oo dhan xabbad kaarjabin ah lama siin dhayno kale ha joogee. Amarka soo wareejintu wuxuu ahaa qayra sharci, ciidabka soo qabtay ee saqda dhexe lasoo guureeyayna way ku tacadiyeen oo waxay ku sameeyeen dulmi.
Waxa xilkii laga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar Ismaaciil oo amray in lagu celiyo Togdheer, sidaas ayaana si qasab ah loogu hayay Saldhigga Dhexe ee Hargeysa, waxa la diiday in la soo booqdo, waxaana la saaray culays aan la malayn Karin iyo cadaadis. Waxa xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalay cusbitaalka guud ee Hargeysa. Nasiibadarro lama fulin amarka maxakamadda ee ahaa in muddada uu caafimaadayo si joogto ah loo dabiibo, maalintii koowaad kolkii la vreyay dhakhtarka dub looguma celin, nabaradiina Illahay ayaa u malmaliyay oo u bogsioyay.
In Hargeysa lagu maxkamadeeyo dadka laga soo qafaasho Togdheer, Sool ama Awdal wax ay gef ku tahay gobolnimadii dhulka maxaabiista laga soo madallufinayo, waana sidii dadka loogu qaadi jiray Labaatanjiraw ama Laantabuur oo Koonfur ahaa. Halkii ayay booliska, xeer-ilalinta iyo maxkamaduhu ka bilaabeen oogista iyo dhegaysiga dacwad gacan-ku-rimis ah oo ka dhan Cabdimaalig Muuse Coldoon. Waxa dhegaha laga furaystay baaq kasta oo lagu dalbay in xorriyadda loogu celiyo suxufiga samafalaha ah ee lagu haysto cabudhinta.
Codoon eedda loo haystay waxay ahayd asalkeedu dhalliil xukuumadeed,.waxaanay xukuumadu dhisatay qoraal toosin ah oo uu bulshada la wadaagay. Qoraalada aadka dawlada u dhibay waxa ka mid ahaa “taliskani tubtiibuu hayaa talisyadii hoogay” nuxurkeedun yahay talis kasta oo qaada jid qaldani wuxuu ku danbeeyaa burbur. Waa fariin wacyigineed, dhaliil tolsineed oo ay ka muuqato lexejeclo ka digausa in laga weecdo waddada qaldan.
Eedaha kale ee ay ku jirto ta dugsiga Abaarso waa gacan ku rimis la abaabulay, Coldoon dacwadiisa kolkii ay soo gabagabeeyen laanta baadhistu, xeer-ilaalintu kumay qancin denbina wuu la boqon waayay, waxaan la bedelay eedda dacwadda 30 May 2019 oo dub loogusoo daray qodobka eedda dugsiga Abaarso. Si toosa dhibane ugamuu ahayn dacwada Dugsigu waanu diiday in uu ka qaybqaato dacwadaynta, kolkii lagu fashilmay ayaa Waalidiinta lsoo abaabulay oo la sameeyay weji labaad ee kiiska, waxaany taasi muujinaysay in kiisakan ay danaynayee cid daaha dabadiisa ku jirta oo danaynaysa xukunka coldoon.
Qaabka baadhistu u socotay bedelka davwada iyo culaysyada jiraa, waxay iftiiminayeen in markasta xukun dhacaayo oo aan si daahfuran loo qaadayn dacwada Coldoon. Waxaan rogrogi jiray subax kasta sida ay wax u socdaan. Kolkii la muddeeyay fadhigana waxa toos usoo ifbaxay culayska jira iyo caddaalad darrada dhacaysa xaalkuna wuxuu ahaa xukun samays oo la soo yeedhiyay.
15 Juun 2019 ayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo furaya imtixaannada qaranka la weydiiyay suaal ku saabsanayd in uu soo badanayo xadhigga siyaasiga ahi, waxa weydiiyay Suxufi Bedri Koosaar Maxamuud oo ka tirsan Eryal TV. Waxaanu yidhi “Xadhig siyaasi ah maaha, xadhiggii dembiilaha ayaa badanaya. Dembiilahana waa la xidhayaa. Ninkii dembi gala ha odhan waa siyaasi. Siyaasiga ayaa dembi geli kara, dhakhtarka ayaa dembi geli kara, adiga oo suxufi ah ayaa dembi geli kara, ganacsadaha ayaa dembi geli kara. Qofkii dembi gala waa la qabanayaa si dalku hore ugu socdo”.
La soco …………………