Colaadda ceel-afweyn waa kugu dhimay oo kaa dhimay (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

Dirirta aan cilmiga iyo caqliga ku dhisnayn, ee ay caadifadda qabaliga ahi hogaaminaysaa, ee ka aloosan deegaano ka tirsan degmadda Ceel-afweyn, ma noqon doonto mid lagu helo lib aduunyo iyo guul aakhiro toona, ee waxay noqon doontaa mid aakhiro iyo aduunyaba hoog, halaag, iyo baaba’ laga kororsado, waxaan jeclahay inaan ehelka halkaas birta iskaga aslaya oo ah kuwo wadaaga wax badan oo ehelnimo ah, xididnimo ah, rixinimo ah, qaraabo ah, tolnimo ah, deegaan iyo diinba ah, u sheegayaa inay caqliga rabbi siiyay u isticmaalaan sidii ilaahay ugu talo galay, oo ay gartaan inaan awood ciiidan iyo dagaal midkoodna ka kan kale kaga adkaan Karin, lana yimaadaan karti, awood, daacadnimo, hufnaan iyo xikmad ay ku wajahaan xalinta farqiga dhexdooda yaala.

Nasiib darro, labada beelood ee halkaas ku dagaalamayaa waa kuwo 93% isu ah abti, seedi, sodog, ilmaabti, Habar-wadaag, iwm, markaas, miyaanu caqliga wanaagsani is weydiinayn, waar dadka sidaas isku ahi, miyaanay garanayn qiimaha ay ku qotonto wax isu ahaanta, iyo ehelnimadu, xagee buuse la tegayaa guusha uu inanku ka helo abtigii? Waa maxayse qiimaha ay ugu fadhido guusha ay colaad ku kala helayaan wiil iyo abtigii, wiil iyo inaabtigii, wiil iyo seedigii, sodog iyo inankii? Waxaan idinkula talin lahaa inaydaan ka gudbin xaydaanka sharafta iyo karaamadda, giraanta xididnimadda iyo dhaleeyadana aydaan ka qaadin qiimaha ay leedahay, ilaahayna kaga baqdaan daadinta dhiiga aad dhexdiina sida macna-daradda ah ku qubaysaan, ogaataana, in ilaahay idinkula xisaabtami doono maalinta Qiyaamaha iyo xisaabta.

Gunaanadkii, , dadka mudakarka ah, ee aan cimri iyo caqli u hadhsani jirin, ee colaadaas ka hurinaya magaalooyinka waaweyn dhexdooda, iyagoo saad iyo sahayba u kala diraya ehelka is dilaya, waxaan leeyahay , ogaada waa gacmahiinii waxa is dilayaa. Ee aad dhibka haysta sii hurinaysaan, inta aad colaadda hurinteeda ka qayb qaadanaysaan, u baydha dhinaca daminta colaada iyo walaaleynta ehelka uurkoodii kala hirtay, ee naxligu kala durkiyay, taas ayaad ku helaysaan liibaan aduunyo iyo mid aakhiroba’e, ilaahayna raali idinkaga noqonayaa, oo idinku jeclaanayaaye. Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland, waxaan ugu baaqayaa inay qaadato doorkii xukuumaddu lahayd ee ku aadan soo afjarida colaada halkaas ka oogan ee aan xikmadda iyo aqoonta ku fadhiyin.

Wa Bilaahi Towfiiq.

Qalinkii: Hussein-lucky Mohamed Mohamoud

Email, husseinlucky@hotmail.com

Burco.