Colaadda Ceel-Afweyn (WQ: Xasan Cabdi Shire)

Gobolka Sanaag, waa gobolka kali ah ee colaadihii sokeeye ugu daba-dheerayd waqti ahaan iyo saamayn ahaan ba. Dhanka kale, waa gobolka iyo bulshada iskeed uga heshiiyay wixii dhexmaray isna calool xaadhay, waa gobolka aan nabaddiisa dawlad iyo siyaasi midna keenin . Gobolka Sanaag waxa u ahaa gobolka ugu utunta fogaan-lahaa colaad ahaan weligiis na aan la gaadheen nabaddiisa haddaanay daacad ka ahayn odayaashii iyo dhaqankii ku soo beegmay 1990kii iyo wixii ka dambeeyay. Marka laga eego qabiillada kala dega iyo kala duwanaanshiyaha qabaa’ilka ku kala tiirsan beelaha ugu waweyn Somaalida.

Gurmad meelkale uga ma iman cidkale na u abaal-sheeganmayso, iskood iyo kartidooda ayaa lagu bud-dhigay nabadda oo Ceergaabo kow iyo hooyo u ahayd intiisa kale.

Gobolka hibooyinka rabbi ku mannaystay waxa ugu muhiimsanaa inay ka dhasheen odayaal dhaqan iyo waxgarad nabadeed oo aragti fogaa, kuwaasoo rabbi ku manaaystay garta naqisteeda, garsoorka caddaaladda, hawlkarnimo iyo marti soorka socotada iyo gurmadka maalintaas halka ay dhiiladu ka taagantahay.

Marka colaadi timaaddo waxay isla maalintaas ba joogi jireen halkii iyo goobtii dabku ka baxay.

Weligood baaq nabadeed oo afka ah iyo hadal saxaafad kuma dhiirran jirin, waxana ay aaminsanaayeen ficilka iyo joogitaanka halkaas inay tahay xaqiiqda dhabta ah ee looga baahanyahay meesha colaadu walaalaha dhextaalo, waxay daacad ka ahaayeen in ay naftooda iyo xooggooda u huraan dadka walaalaha ah ee dhibaatadu ka dhextaagantahay, iyagoo adeegsanaya lug, faras, aawr iyo gaadhi xamuula ba u na raacaan halka dhibtu ka unkuntay.

Bu’ada khilaafka iyo dagaalka waxay dhayi jireen tan iyo inta laga gaadhayo nabad waarta, wixii qaan iyo dhiig layska sheegta na waa laga xaali jiray, iyada oo qaanta la bixinjiray dhiigga na farta lasyska saari-jiray ciddii gaysatay si loo saamaxo ama loogu qisaaso cidii xaqa u lahayd. Gobonnimo halkaas ayay ka bilaabmi jirtay. Waxaan Ceergaabo goobjoog u ahaa ugu yaraan dhawr-jeer oo dad walaalo ah is dileen lana kala xaal-marshay, utuntu na maba sii dabo dheeraan, sidaas na nabad waarta lagu helay.

Anniga iyo dhallinta ila midka ahi ee barbaaray 1990 kii ka dib, waxaan garaadsaday Ceergaabo oo weli nabaddii iyo xasilooni geedka loo fadhiyo, maalinba beel utunta dhextaala la dawaynayo si qoto-dheer, daacadnimo iyo warcad lagu dabiibayo.

Abaal iyo wanaag cid aan iyaga ahayn uma hayno, waayo manta gobolkaasi waxa ku dhici lahaa dhibaatooyin badan, burbur iyo daawo aan dhamaad lahayn. Wax lama barteen nabad na lama gaadheen, Ceergaabo na waxay noqon lahayd madal dagaal ciddii doonta hadba ha ku adkaatee.

Sababta! Dhaqankaas aan ka hadlaayo, waxaay ka madax-bannaanaayeen in siyaasi ku adeegto, hunguri inay meel u maraan, kala qaybsanaanta iyo danniga qabiilnimo waa ay ka fogaayeen. Bulshada reer sanaag xeerin iyo qaddarin ayaay u hayeen, halka ay u kacaan wa lagu negaanjiray, gartooda na qiimo ayay lahaayd, waayo? Kala qaybsanaan iyo dhabarsaar reereed ayaa quluubta ka madhnaa, siyaasi ku danaysta ama ay ka danasytaan fikirkoodu waa ka fogaa. Siyaasadda inteeda wanaagga iyo nabadda ah ayay ku taageeri jireen, dhaqankaa ayaa ahaa halka ugu dambaysa ee loo soo laabto.

Hadda waxaan uga socda, colaadda Ceel-afwayn wax ka gaabshay odayga dhaqanka, inkastoo maanta kuwa joogaa badankoodu ay yihiin maxaan cunaa, yaan raaca iyo qabiilkaas ayan ahayd lagu na kalsoonaan karin gartooda iyo go’aamada ay qaadanayaan, tusaale waxa u ah colaadda ceel-afwayn waxa saameeyay burburka dhaqanka iyo odaytinimadii wanaagsanayd, waayo anigu siyaasiga qaybsan gar-wanaag kama eegayo, laakiin odayga waxay ahayd in lagu dawoobo gartiisa, hanyarida ku timi dhaqanka waa halka aay ka bogsan la’dahay nabadda gobolka Sanaag gaar ahaan Ceel-Afwayne oo garteeda la naqay 6 jeer hore na gobolka uga ma dhicin, inta wanaagsan ee dhaqanka ee ka hadhay intii hore ama dibba ka kacday waa laga badanyahay. Iswaaydii maxaa nabbada Ceel-Afwayne loo gaadhi la’yahay, kama tiro badna intii hore laysaga dilay dadka ku kala maqan.

Waxaad ka garanysaa, oday baaq nabadeed diraya oo saxaafadda soo istaagaya maxaa uu soo kordhiyay? Sow istusnimo iyo is-muuji maaha? Maxay taraysaa baaq saxaafadeed oo soo kordhinaysa laba nin oo xabbad dhacaysa isla horfadhiya? Lacagta u saxaafadda ku bixinayo waxay ahaayd in uu ku safro kuna tago 90 KM ee Ceel-afwayn u jirto ama 500Km ee aad kaga imanayso meel-kale, gartu na waxa weeyaan marhaddaad qaadato cimaamad ama koofiyad iyo magac caynkuu doono ha ahaade waxay ahayd inuu manta joogo goobtaas oo reer Ceel-afwaayn ku kala baxaan nabad iyo garnaqsi cad.

Magaca, koofiyadda iyo cimaamadda waa waxa lagu ixtiraamayo ee aad dhamaantayo nagaga sharfantahay, sidaas awgeed waa inaad shaqo ku qabataa oo aad dadka walaalaha ee maalinkasta agoonta noqonaysa aad waxka qabataa ee maaha inaad maalin oday noqoto, maalinkale siyaasi.

Mana aha in dhaqanka iyo odayaashu ay sugaan sagootin iyo jicsin ka yimaadda dawlad ama siyaasi, waa in ay naftooda debberaan oo mutawadacnimo ku adeegan.

Siyaasada iyo dhaqanka imisa jeer ayaa lagu taliyay in la kala saaro si qolo kasta u badbaaddo. Laakiin, maanta halka ay taagantahay waa arkaynaa. Colaada Ceel-Afwayne waxaay wayday oo tabaysaa dhaqankii iyo waxgaradkii bud-dhigay nabbada Sanaag!

WQ: Xasan Cabdi Shire