Kal-fadhigii 35aad ee golaha sare ee SONYO ayaa si rasmi ah maanta uga furmay magaalada Borame

 

Waxa maanta ka furmay magaalada Boorama kal-fafdhigii 35aad Kal-fadhiyada noocan ah oo  la qabto afartii biloodba hal mar ayaa waxay u jeedadiisu ahayd in lagu xisaabtaamo, lagu qiimeeyo wixii qabsoomay afartii bilood ee la soo dhaafay sidoo kalena lagu qorsheeyo afarta bilood ee soo socda.

Waxaa sidoo kale lagu gorfeeyaa hadba xaalada dhaqan dhaqaale ee ay ku jiraan dhalinyarada dalka taasoo laga soo saaro War-murtiyeedyo, Qorshayaal iyo arimaha gaarka u ah dhalinyarada.

Kal-fadhigan oo ay ka soo qayb galeen xubnaha golaha sare ee SONYO oo ka kala socday dhamaan gobolada dalka. Ayaa ugu horayn waxa ka hadlay isuduwaha dallada ee gobolka awdal Eng Musafe Cumar cige oo kelmed ka yidhi furitaankii kulankan. Isagoo ka hadlayna waxaa uu yidhi “ Maadama oo kalfadhigan afarbiloodlaha ahaa ee dallada ee lagu gorfeeyo arimaha dhalinyarada iyo dallada aad bay sharaf noogu tahay kan gobol ahaan inaan idinku soo dhowayno waxaana rajaynayaa inay ka soo bixi doonaan qorshayaal wax tar u ah dhalinyarada iyo dalkaba.”

Waxaa sidoo kale furitaankii kal-fadhigan masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Agaasimaha fulinta SONYO, Mudane Cumar Cismaan Miigane, xilidhibaan mustafe oo ka tirsan golaha sare ee SONYO, gudoomiye ku xigeenka SONYO Maxamed Jaamac,  Waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Dallada dhalinyarada SONYO Mudane C/casiis Siciid Saalax waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Shirkani Wuxuu noqon doonaa shir lagaga wada hadli doono qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee dallada, shirkani waa shirka lagula xisaabtomo fulinta laguna ansixiyo qorshayaasha mustaqbalka oo kow ka yahay Sanduuqa horuumarinta dhalinyarada Somaliland.”

Gebo-gebadii kal-fadhiga 35aad ee golaha sare ee Dallada SONYO oo lagu gorfeeyo waxqabadyada afar biloodlaha ah ee dallada, xaalada dhalinyarada dalka iyo qorshayaasha horuumarineed ee mustaqbalka ayaa waxaa si rasmi ah u furay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali waxaana hadaladisii ka mid ahaa “ Wixii aad qabatan waxay sharaf iyo magic u tahay dawlada waad ku mahadsan tihiin imatinkiina waxaad la socotaan waxaa inagu soo fool leh Maalinta qaranimada Somaliland ee 18 MAY 2018 waxaa loo baahan yahay inaad si wayn uga dhex muuqataan oo door muhiima ka qaadataan waad mahadsan tihiin.

Xubnaha Golaha Saree e dallada SONYO ee ka qayb galay kal-fadhigan

1 Abdulaziz Saed Salah Saahil
2 Mohamed Jama Saed Maroodi Jeex
3 Abdiaziz Alow Mohamed Maroodi Jeex
4 Sahra-kiin Abdirahman Ahmed Maroodi Jeex
5 Mohamoud Mohamed Duale Maroodi Jeex
6 Ahmed Geedi Khaliif Gabiley
7 Saed Mohamed Ibrahim Awdal
8 Mustafe Farah Mouse Awdal
9 Nour Adan Shirdon Awdal
10 Ibrahim Digale Mohamed Sahil
11 Mohamed Adan H Deria Togdheer
12 Mohamoud Mohamed Jama Togdheer
13 Abdirahman Hassan Hamud Sool
14 Abdalla Ali Salah Sanaag

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com