Coldoonow ma garbaa lagugu xidhay mise gardaro? (WQ: Cabdi Caawiye)

 

Waxa hubaala oo sida cadceeda u cad inuu wariye coldoon ku kacay Baabul khiyaamo qaran.waxa is weydiin leh xagee ayuu wax ku noqday coldoon.

Wuu ku dhashay Somaliland

Wuu ku barbaaray somaliland

Wuu ku dhaqmay somaliland

Wuu ku dhistay somaliland

Wuu ku caanbaxay somaliland.

Isagoo intaaba ka kasbaday somalind ayuu arkay somalia oo il yari u baxday

Deedna wuuba inkiray somaliland iyo dhufayskii uu ku badbaaday 25kii sanno ee somalia hoobiyaha ku afuraysay oo uu yidhi somaliweyn ayaa jirta.

Ninbaa laga Hayey

Hayin iyo markaad subag heshaan, Hawd kusoo mariyey

Ee aad laba gadiid ka hirqataad, honono’aysaaye

Hareeraha ka leefkii markay, gacantu haarowdey

Waatay fartii hilib dalqaha, sii harraatidaye

Nin wixii hungurigiisa maray, hiifay waa qadafe

Hareer baabu isaga weeciyaa, waxan habboonayne

Haddii uu hogseeg yahay, maxaad uga hakoon weydey?

Coldoon waxaan odhan lahaa ma markaad wax walba somaliland ka qabsatay ee aad noqotay qof jira ayaad geedkii aad 25 sanno hadhsanaysay masaar intaad qaadatay is tidhi gunta ka ruji.

Guntii iyo gunaanadkii

Coldoonow WAXAAN NOQOTAY  ISLANTII INTAY AWRKII CIRKA ARAGATAY DAMEERKIIDII JARKA KA TUURTAY.

WAX BADSO WAX BEELBAY DHASHAY.

ISKANA XAMIL XADHIGA WAAYO WAA MID AAD U BADHEEDHAY