Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ah la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha aqoonsi raadiska, ayaa soo dhaweeyay saldhiga milatari ee Baarlamaanku ogolaadeen in Imaaraadka Carabta laga siiyo Berbera.
Cawil, oo uu Geeska Afrika weydiiyay aragtidiisa ku saabsan saldhigan, waxa kale oo uu siyaasiyiinta Somaliland ee saldhigan diidan u soo jeediyay in aanay la dareen noqon siyaasiyiinta Soomaaliya ee diidan saldhigan, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:
โWaxa horta haboon in aan la siyaasadayn wixii horumar ah ee dalka u soo kordhaya, siyaasadda waa lagu kala aragti duwanaan karaa laakiin waxa qurux badan mucaarid iyo muxaafidba in la soo dhaweeyo wixii horumar ah ee dalka u soo kordha. Dawlado badan oo adduunka ka jira ayaa saldhigyo bixiya iyagoo u arkay inay dalkooda faaโiido ugu jirto, waa inay dadkeenu u arkaan in saldhigani laga kiraynayo imaaraadka faaโiido mooyee aanu wax dhibaato ama khasaare haba yaraatee lahayn.โ
Cawil waxa uu intaas raaciyay:
โMadaarka Berbera oo ay isaga dambeeyeen Ruushka iyo Maraykanka oo saldhigyo ku lahayeen lacag ayaa ka soo geli jirtay dawladii Somaliya, waxa kale oo ka soo geli jirtay in ciidankii Soomaaliyeed si xoog leh loo qalabeeyo, madaarka Berbera maantadan aan joogno dayuurad soo fadhiisataa ma jirto, inaynu u helno dawlado inaga kiraysta waa talaabo wanaageeda leh. Dawlad markaad saldhig ka kirayso kuma qabsanayso, muddo ayaad ka kiraysaa kirro bixin ayaa idin dhex taala mudadaas aydun ku heshiiseen inay kiraystaan saldhiga. Djibouti oo aynu walaalo nahay lix saldhig ayay dawlado kala duwan siiyeen faโaiidooyin aan la malayn karayn ayaa Djibouti ka soo gala.โ
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Cawil yidhi:
โTeeda kale, Somaliya waynuย iskaย soo horjeednaa madaxdooduna had iyo jeer wixii horumara ee inoo soo kordha way ka qayliyaan, ragga aynu iska soo horjeednaa waa inay muraayad kuu noqdaan oo waxay arkayaan oo ay la qaylinayaan waxay ogyihiin in dani inoogu jirto. Waa ayaan darro weyn haddii siyaasiyiinta Somaliland ee diidan saldhigu iyo kuwa Somaliya isku dareen noqdaan, kuwaas oo aynu ognahay inay ka soo horjeedaan qaranimadeena. Faaโiidada u weyn ee saldhigyada laga helaa waa ciidanka dalkaas la soo degayoย ayay faaโiido iyo xoog u noqotaa. Dawladu markay wax keento, waxba qaban kari mayso haddii arrin walba laga horyimaado, waxa loo baahanyahay inaan darisno arrin walba faaโiidada inoogu jirta, yaynaan mar walba siyaasiiinteenu la dareen noqon siyaasiyiinta Somaliya ee aan iska soo horjeedno ee ilaa maanta diidan wadadii Tog Wajaale iyo Berbera isku xidhaysay.โ
Mar la weydiiyay wada hadaladii Somaliland iyo Khaatumo, wuxuu ku jawaabay:
โArrinta Khaatumo si wanaagsan ayay noogu dhammaatay, is afgarad iyo walaaltinimo ayaa halkaas ka soo baxday, isku dareen ayaan noqonay madaxdii Khaatumo iyo Cali Khaliif, bisha soo cotoa ayaan shir dambe yeelanaynaa oo kaas ayaan ku soo khatimaynaa wada hadalka, walaalaheen in laga bogsiiyo wixii ay qabaan ee tabasho ah waa loo baahanyahay.โ
Xigasho Geeska Afrika.