Ma run baa in shirkadda Nokia soo celinayso taleefankii 3310

 

Qaar ka mid ah dadka taleefoonada isticmaala ayaa aad ugu riyaaqay taleefankaas tayada badnaa iyaga oo baraha bulshada adeegsanaya.

Haddii aad suuqa u baxday si aad u soo iibsato taleefan cusub sanadkii 2000, waxaa laga yaabaa in taleefanka 3310 uu ka mid ahaa kuwa aad rajaynaysay in aad iibsato. BBC ayaa la xidhiidhay Nokia si ay wax uga waydiiso wararkan la isla dhexmarayo balse shirkaddu way ka gaabsatay.

“Inkastoo aan u riyaaqnay warkaas sida dadka kalaba, haddana sida aan markaste uga jawaabno arrimahaas oo kale ayaan uga jawaabaynaa, kamana hadalno wararka suuqa laga hadal hayo iyo saadaalinta.

Waxaa laga yaabaa in ay u ekaato in qofina aanu rabin taleefankan 17 jirka ah ee caanka ku ahaa ciyaarta maska iyadoo ay adduunka haystaan taleefoonada Android-ka iyo iphone-nada, balse khuburadu waxay rumaysan yihiin in wali boos u bannaan yahay.

Alistair Charlton oo tifaftire ku xigeen ka ah IB Times, ayaa BBC Newsbeat u sheegay in uu ku kalsoon yahay in ayaydii ay isticmaali karto 3310 balse ay u badan tahay in aanay garanin meesha laga billaabo isticmaalka iphone ama Android.

Wuxuu intaas ku daray in aad taleefan labaatan gini ah la tagi karto goobaha xalfadaha adiga oo guriga dhiganaya taleefoonkaaga muraayadda ka samaysan ee iphone-ka ah.

Dad badan ayaa ka heli doona sida adag ee ay u qaabaysay shirkaddu, qiimahiisa jaban iyo wakhtiga dheer ee baytarigu shaqeeyo ayuuna sii raaciyay.

Dad badan oo isticmaala taleefanada caaqilka ah ayaa ka calaacala baytariga durba ka dhamaada marka arrintaas darteed ayaa laga yaabaa in ay dad badan ku qaado in ay iibsadaan Nokia 3310.

bandhige@gmail.com