Covid-19: 7 qalad oo ay hay’adda WHO gashay (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Marka laga tago dhaliilaha mararka qaarkood shakhsi weerarka iyo cunsuriyadda u muuqda ee lagu hayo agaasimaha WHO, iyo eedaha ujeedada siyaasadeed leh, waxaa jira gefaf tiro badan oo muddooyinkii u dambeeyey hay’addan loogu jeedinayey qaabka ay ku waajahday xanuunka COVID-19.

Dalal badan, xeeldheereyaasha maamulka masiibooyinka, hay’ado iyo khubarao caafimaad, iyo warbaahint kala duwan ayaa dhammaantood tirinaya dhaliilo kala duwan oo ay hay’adda WHO ku mutaysanayso qaabka ay ku waajahday Coronavirus. Qaar badan oo ka mid ahina waxa ay bilaabeen olole lagu ururinayo saxeexyo Qaramada midoobey iyo dalalka dhaqaalaha leh lagaga codsanayo in ay dhisaan hay’ad kale oo caafimaadka adduunka ka barbar wadda ama ka beddesha WHO.
Qaladaadka aad loo tirinayo waxaa ka mid ah:

1. U MADAX BUUXINTA SHIINAHA

WHO waxa ay bilowgii marar kala duwan aad u ammaantay dalka Shiinuhu sida uu uga jawaabay faafista COVID-19 iyada oo aan mar kelia sheegin, runta ah in Shiinuhu uu si ula kac ah adduunka ugu qariyey khatarta xanuunkan, taas oo sababtay in xanuunku fursad u helo in uu faafo, ka hor intii aan khatartiisa lagu baraarugin.
Waxaa China lagu eedaynayaa in uu qariyey ama aad u yareeyey xogta ku saabsan xanuunkan dalkiisa ka bilowday, taas oo saynisyahannada ka hor istaagtay in ay goor hore fahmaan xanuunka si ay u bilaabaan cilmibaadhistiisa.
WHO waxaa lagu eedaynayaa in ay ku kalsoonaatay xogta dalka China ka bixinayo xanuunka, digniinaheeda oo dhanna xogtaas ku salaysay, halkii ay ka ahayd in ay si madaxbannaan xanuunka u baadho, dhaliilo hadday jiraanna u caddayso.

2. XOGYARAANTA BILOWGII DHACDAY

Inkasta oo masuuliyadda xog yaraanta bilowgii dhacday ay leedahay dawladda dalka Shiinuhu, haddana waaa hubaal ah in hay’adda WHO laga filayey in ay xeeldheereyaasheeda tirada badani si madaxbannaan xogta u raadiyaan, haddii ay arkaan in Shiinuhu ka xidhayana ay adduunka u caddeeyaan ceebta jirta.
Haba joogto, cadaadis ay WHO dawladda Shiinaha ku saarto in uu xogta faafiyo ee, xitaa waxa ay ku ammaantay xogta yar ee uu soo saarayey.

3. XANUUNKA DADKU ISMA QAADSIIYAAN

Hay’adda Caafimaadka adduunka ayaa 14-kii bishii Jeenaweri si rasmi ah u qaadatay natiijada baadhis ay Shiinuhu sameeyeen, waxa aanay ku dhawaaqday in dadku aanay kala qaadin Coronavirus. Arrintani waa ay sababtay in dalal badan oo aaminsan WHO ay ku go’aan qaataan in dadku aanay isu gudbin Karin xanuunka. Arritnaas oo ay hubaal tahay in ay ka mid tahay sababaha uu faafitaanka Fayrasku fursadda u helay.
WHO oo laga filayey in ay baadhisteeda madaxabannaan samayso ayaa ku kaaftoontay xogtan ka soo baxday China, oo laga yaabo in ay badheedh ka ahayd Shiinaha, si uu khatarta xanuunka adduunka ula qaybsado.

4. WAXA AY LA DAAHDAY KU DHAWAAQISTA MARXALADDA ‘PANDEMIC’

Sida caadiga ah xanuunnada dillaacaa waxa ay adduunka ugu kala calaamadsan yihiin heerar kala duwan. Qaabka khubarada iyo dawladuhu ugu diyaargaaroobayaan, kuna waajahayaan la dagaalankka xanuunkuna waxa ay ku xidhantahay hadba marxaladda uu marayo.
WHO ayaa laga filayaa in ay daraasayso heerarka xanuunku marayo, kuna dhawaaqdo hadba marxaladda lagu jiro. Waxa ay noqon kartaa in uu yahay xanuun ku eeg dad ama dal gaar ah, waxa uu sida oo kale noqon kartaa xanuun dad badan ku faafay. Xaaladda ugu daran ee uu gaadhaana waa in uu noqdo xanuun (Pendemic) si xawaare ah dalal iyo qaarado kala duwan ugu faafaya.
Coronavirus waxaa loo aqoonsanyahay in uu yahay marxaladdaas dambe oo ay WHO ku dhawaaqday. Waxa se lagu dhaliilayaa hay’adda, in ay la dib dhacday in xanuunka ay marxaladdan u aqoonsato.
Muddo saddex bilood ku dhow ayaa ay WHO ku qaadatay in ay ay dareento in faafitaanka Fayrasku ay tahay marxaladda ‘Pandemic’, waxa aanay iska dhego marisay baaqyo isdaba joog ah oo ay xeeldheereyaal caalami ah oo kala duwani ugu soo jeedinayeen in xanuunku uu marxaladdan gaadhay, taas oo ugu dambayntii ay 11-kii March 2020 ka ku dhawaaqday. Dib u dhacaas oo sababay in dalal badan aanu u qiimaysnaan khatarta uu xanuunku leeyahay iyo sida ay tahay in ay uga sii diyaargaroobaan.

5. CORONAVIRUS IYO ISU SOCODKA ADDUUNKA

Muddo ayaa ay WHO ka shakisnayd muhimadda iyo faa’iidada ay leeyihiin go’aamada lagu joojinaayo isu socodka dalalka, si loo yareeyo faafitaanka Coronavirus. Arrintan ayaa loo tirinayaa in ay qayb ka tahay sababaha aanay dalal badani ugu degdegin in ay joojiyaan isu socodka dhexmarayey dalalka kale, taasina ay qayb ka qaadatay in xanuunku uu si aad ah u sii faafo. WHO waxa ay go’aankan ku dhiirratay oo ay ku dhawaaqday goor xanuunku aad u faafay, dawladaha adduunka badankooduna inta ay iskood khatarta u go’aamiyeen ay qaateen go’aano ay ku joojinayaan isu socodka.

6. MASKAARADA

WHO ayaa marar badan ku celcelisay in isticmaalka Maskaaradu uu ku koobnaato dadka ka shaqaynaya caafimaadka. Iyada oo aan ka fikirin in waxa ugu yare e uu tari karaa uu yahay in dadka xanuunka qaba ee aan isku ogeyn ka ilaalio in ay sii gudbiyaan xanuunka. Goor dambe oo xanuunku si aad ah u faafay ayaa ay ku talisay in dhammaan dadku ay xidhaan si looga hortago in xanuunku faafo.
Arrintani waxa ay noqotay fadeexad kale oo keentay dhayalsi iyo in muddadii hore oo dhan qaar badan oo ka mid ah dawladaha adduunku ay dadkooda ku qasbi waayeen xidhashada Maskaarada (Mask).

7. ‘CORONAVIRUS’ HAWADA KUMA FAAFAYO

Waxaa ugu daran waa, in Hay’adda WHO ay bilowgii marar badan ku celcelisay in aanay jirin wax caddaynaya in Fayraska Koroona uu hawada raaco oo sidaas lagu kala qaadi karo. Taas oo la aaminsan yahay in ay muddo dib dhigaysay cabsidii ay dadku ka qabi lahaayeen isu dhowaanta labada qof.
Mar dambe ayaa cilmibaadhiso ay sameeyeen xeeldheereyaal kala duwani waxa ay caddeeyeen marka qofka Fayraskan sidaa uu qufaco, hindhiso ama si uun afkiisa iyo sankiisa qoyaan hawada raacaa uga soo baxo, in Fayrasku uu hawada gelayo, oo weliba muddo saacado ah sii dhex sabbayn karo, taasina ay keenayso in qof kasta oo hawadaasi gaadhaa uu qaadi karo cudurka COVID-19. Arrintaas oo ay WHO iyaduna mar dambe ku raacday.

Dagaalka iyo loollan siyaasadeed iyo dhaqaale ee quwadaha adduunka u dhexeeya, ayaa sababay in Maraykanka, Jabbaan iyo dalal kale oo badani ay Shinaha uga shakiyaan markii xanuunku dalkiisa ka dillaacay ee uu ogaaday in dhaqaalihiisa uu dhaawacayo, in uu qaatay istaraatijiyad ah ‘Adduunyadu wax ha kula qabto” sidaas awgeed uu cudurkan siiyey fursad uu adduunka ku gaadho.
Qaladaadka ay ka mid yihiin kuwa aynu xusnay ee WHO iyo go’aamada ay qaadatayna waxa ay noqdeen kuwo mar kasta la jaanqaadayey xogta Shiinaha, sidaas awgeed xitaa haddaanay ku talagal ahayn caawinaya istaraatijaddaas Shiinuhu haddii ay jirto. Waana sababtaas sababta ay dalal badani aad u hadlayaan qaladaadka WHO.
Waxa aan iyaduna meesha ka madhnayn madaxweyne Trump oo qaabka uu xanuunkan u waajahay dhaliilo badan ku mutaystay, xilligan oo doorashooyinkii madaxtooyadu foodda ku soo hayaan, in uu gefefka WHO uga faa’iidaysanayo qaab uu dadkiisa u tuso in cadow ah China iyo WHO oo uu aaminsanaa isu raaceen, sidaas awgeed aanu gaabiskiisu ku iman qalad xaggiisa ah.

Waxaa iyaguna jiri kara eedo iyo dhaliilo hab cunsuriyadaysan loo dhex raacinayo oo ku jihaysan diblumaasiga reer Itoobiya ee hay’adda ka madaxda ah oo laga yaaba in Afrikaannimo ay cay uga dhigaan. Iyo dood kale oo ka dhalanaysa inta ay sideedaba le’egtahay awoodda hay’addani u leedahay in ay sheegto qaladaadka dalalka masruufkeeda bixiya ee iyaga dhexdooda uu ka jiro loollanku.
Si kastaba ha ahaato ee waxaas oo dhami WHO kama duwi karaan gefafka fadeexadda ah ee dul hoganaya hannaanka ay ku waajahday xanuunka COVID-19, waana suurtagal in uu noqdo bilowga dhammaadkii hay’adda ama uu si xun u dhaawaco kalsoonidii lagu qabay, taasina awood siiso hay’ado kale oo cusub ama kuwo hore u jiray oo awooddoodu kor u soo kacdo.
Kamaal Marjaan