Suuriya maxaa loo burburiyay? (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Waagii uu taladda Maraykanka hayay Barak Obama ayaa dawladda maraykanku diyaarisay qorshe ay ku cidhiidhi gelinayso  Gaasta dabiiciga ah ee Ruushku siiyo wadamadda Yurub , qorshahaas oo nuxurkiisu ahaa in dhuun gaasta kasoo qaada Wadanka Qatar  la hirgeliyo dhuuntaas oo sii maraysa wamadda Sucuudi-arebiya , Jordan ,Siiriya ka dibna Turkiga ugu gudubta halkaana yurub ka gasha.

Qorshihii noocaas ahaa waxaa is hortaagay Madaxwaynaha Suuriya oo Ruushku dhabarka taabtay , ka dibna Maraykanka ayaa ku kiciyay qalalaase iyo weeraro is huwan  ,  Ruushka oo isna dhankiisa kasoo gurmaday ayaa  kooxihii kasoo horjeeday Xaafid al

Asad cardaadiqaha ka dhigay.

Sidaas oo kale , waxaa maanta sidda kubadaha Jaambiyoonka loogu ciyaarayaa Libiya , Ruushka iyo xulifadiisu waxay kusoo daad-guraynayaan Libiya jabhaddo ay kusoo tababareen Suuriya , sidoo kale Masar iyo Sucuudigu waxay diyaariyeen taageero balaadhan oo dhaqaale iyo milateri oo ay ku taageerayaan Jabhadda Gen Xaftar.

Dhinaca kale , Turkiga oo taageeraya dawladda La aqoonsan yahay ayaa burbur wayn u gaystay jabhada Jananku hogaaminayo , waxaanu Libiya geeyay cudud balaadhan.

Waxyaabaha cajaa’ibka ah ee meeshaas ka socda waxaa ka midda in Turkiga iyo Ruushka oo meelo badan iskaga ujeedo ihi ay hadana iskaga soo horjeedaan Libiya , halka Ruushka , Imaaraadka iyo Masar oo inta badan kala ujeedo ihina ay dhan ka wada jeedaan  Libiya.

Si kastaba ahaatee , Aduunyadda dawladahaa waawayn ayaa ku loolamaya , wadamada guul-daraystana sidda garoomadda kubadda ayaa loogu dhex ciyaarayaa , wax baase loo dagalaamayaayoo , marka la isku soo wada xooriyo dhaqaale ayuunbaa u sal-dhig ah waxa la isku hayo ee laggu dagaalamayo.