Culimada iyo dawladda: Kee Ku Adkaan Doona Hirdanka Ka Aloosan Xidhista Masaajiddada Maanta? (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Culimada iyo dawladda: Kee Ku Adkaan Doona Hirdanka Ka Aloosan Xidhista Masaajiddada Maanta?

15ka Abril, haddii loo eego tirsiga Hijriga/Dayaxa waxa ay bilaabmaysay shalay gabbal-dhacii, gu’ga Miilaadiga/Cadceedda ahna waxa ay ku beegnayd yd xalay 12:00 habeennimo.. Haa, saaka 05:00 dhammaan masaajiddadi way furan yihiin, waxaanad mooddaa in uu socdo olole ka dhan ah taladii iyo amarradii Guddida Qaran ee ka hortagga iyo la-tacaalidda xanuunka Koronofayras.

Maanta ayay caddaan doontaa in amarkaasi fulo iyo in uu baaqdo. Kolkii karantiimada caddaalad laga samayn waayay ee siyaasadi ka dhex muuqatay, waxa uu loollanki isu rogay dhanka masaajiddada. Bahda waxbarashadu way aqableen amarradii, laakiin culimadu waxa ay doonaysaa inay caqabad kale dhigaan kaas oo ah joojinta qaadka.
Kolkii xerta KULMIYE la karantiimayn waayay, bahdii WADDANI manta waa culimo dhex fadhida masaajidda