Baanka Dhexe ee JSL ayaa maanta soo bandhigay Qorshe hawleed uu Baanku ku shaqeyn doono sanadkan 2020, Qorshahan oo ka kooban Todoba (7) tiir oo kala ah.
Hawlaha Siyaasadda iyo Maamulka Lacagaha
Ilaalinta Xasiloonidda Suuqyada Maaliyaddeed
Curinta, Dhamaystirka Xeerarka iyo Xeer-hoosaadyadda iyo Hagayaal.
Horumarinta Hab-xisaabeedka Baanka iyo Iibka
Horumarinta Tiknoolajiyadda Baanka
Horumarinta Shaqada iyo Shaqaalaha iyo
Kobcinta Xidhiidhka Dadweynaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Sidoo kale qorshahan waxaa ku lifaaqan qayb sharaxaysa qaab-dhismeedka Waaxaha iyo Laamaha Baanka Somaliland, kuwaas oo fulin doona kuna shaqayn doona qorshahan.
Qorshan oo ay diyaarintiisa lahaayeen Guddida Horumarinta Baanka, ayaa noqonaya Qorshihii ugu horeeyey ee uu Baanka Dhexe yeesho tan iyo 1994-kii.
Waxaa hore u jiray Qorshe Guud oo 5 sanadood ah 2018-2022, Qorshani waxaa uu waafaqsan yahay Qorshaha Baanka Dhexe ee 2018 – 2022.
Ugu horeyn, waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Guddida Horumarinta Baanka Mudane Cabdirashiid Cabdilaahi Jaamac , isaga oo ka sheekeeyay heerarkii uu soo maray diyaarinta qorsha hawleedka Baanka Dhexe 2020, sidoo kale waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in diyaarinta Qorshahan ayna cid dibadda uga timid oo ka caawisay aanay jirin, (External Consultant), balse ay guddidu shaqaddaa quruxda badan diyaariyeen.
Waxaa isna Goobtaa ka hadlay Agaasimaha Baanka Dhexe ee JLS mudane Axmed Xasan Carwo , isaga oo uga mahad celiyey xubnaha Guddida Horumarinta Baanka ee Diyaariyey qorshan, waxaa uu sidoo kale sheegay Agaasinka Guud ahaan ay ku dadaali doonan fulinta iyo hirgelinta qorshan sida cilmiyeysan u qoran, isla marka na taabanaya dhamaan qaybaha kala duwan ee Baanka.
Ugu Dambayntii, waxaa kulanka soo Xidhay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL Mudane Cali Ibraahim Jaamac ‘ isaga oo bogaadiyey guddida ka soo shaqeeyey hawshan, Guddoomiyahu waxaa uu cadeeyay in ay ka go’an tahay fulinta qorshahani.
Gebo-gabadii waxaa uu Guddoomiyaha Baanka Dhexe shahaado sharaf ku gudoonsiiyay Guddida Horumarinta Baanka Dhexe ee JSL.