Culuumta Jacaylka iyo Suugaanta Soomaalida Q.3aad (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Qofka wax jeceli waa mid sidee ah? Maxaa se calaamadaha lagu garan karaa yihiin?
Taxanihii aan kaga hadlaynay Culuumta jacaylka iyo Suugaanta Soomaalida waxa aan qormadiisan ku lafo-guri doonaa 10 calaamaddood oo qofka wax jecel lagu arko.

Shakhsiyaddii soo jireenka ahayd ee qofka awoodda dareenka jacaylku way dhalan-rogtaa waxa aanu qofku la soo baxaa qofnimo cusub oo aad iyo aad uga geddisan tiisii|teedii hore ee dhalanka ahayd. Is-beddelka noocan ahi waa saxansaxada jacaylka. Si kasta ba ahaatee, aan midhadh ka sheego calaamadaha rasmiga ah, kuwaas oo aan filayo in aad maraggeeda ii furi doontaan intiinna hore wax u jeclaatay. Waxana ka mid ah:

1. Wakhti kasta wuxuu ka hadlaa hal mawduuc kaas oo ah Jacaylkiisa/ jaacaylkeeda; Laba marxalladdood ayay meertada mucaashaqiintu martaa kuwaas oo kala ah:
A. Ka hor inta aanu qofka wax jacayl soo bandhigin jacaylkiisa; xilligan sheekaddiisu waxa ay u badan tahay ammaan iyo faallayn uu aad ugu celceliyo oo aanu xataa is-weydiin inta goor ee sheekadan uu kuu sheegay. Haddii intaa uu wax ku daro wuxuu raaciyaa walaac uu ka qabo in codsigiisa jacayl la soo diidi doono. Taasi waa marka uu uu mucaashaqu la sheekaysanayo qof aan aqoon jacaylkiisa. Marka se uu warsanayo qof uga xog-ogaalsan jacaylkiisa waa qofka dunida ugu dhagaysiga wanaagsan, warkana kama dhargo. Si kasta haddaad ugu sheekayso isagu wuxuu dareemayaa uun in warkii wax ka maqan yihiin.
Kaddib marka uu jacaylkiisa bandhigo ee uu guul-darraysto; xilligan wuxuu goor kasta carrabka ku hayaa, sidii uu ugu guul-darraystay jacaylkiisa inta badanna wuxuu eedda saaraa cid kale.
2. Gooni-daaqnimo; Qodobka koowaad ee aan kor ku xusnay ayaa waxa ka dhasha in dadku aanay jaclaysan la sheekaysigiisa. Si kasta oo u asaxaab badan yahay qofku wuxuu is arkaa uun isaga oo cidlo jooga oo rafiiqiina mid iyo laba kaga hadheen.
3. Go’aan qaadasho la’aan; Si kasta oo uu talada ugu kalsoon yahay qofka wax jeceli maaha go’aan qaate wanaagsan.
“Arraweelo dumareey
Arrimaha dhexdeenna ah
Asaraari maayee
Igu tidhi “ha ii iman”
Anna waan hubaayoo
Inaan uurka kaa jaro
Afar iyo shan goor baan
Axdi kuugu qaadoo
Misna oofin waayee
Isma ogiye goormaan
Tolow aqalka soo galay?” Hadraawi,
4. Baraq-nugayl; Geesnimo kasta iyo calool adayg walba oo lagu majeerto qofka wax jeceli waa mid aad u baraq-nugul.
” Haddaan kuu jeedin laayoon,
Jabka kuu sheegan laa,
Awood baan jirin xaggaygoo,
Afkii baa juuqda gabay.”
” Sidee bilis xishootaa,
Runta ugu badheedhaa?!”
5.U-cudurdaaris; Muddo maskaxdii weynaysada u qaadatay wanaagga qofka ay jeceshahay, waxa ay is diidsiisaa gefafka ka dhaca qofkii ay jeckayd. Sidaa darteed ayay ugu cudurdaartaa oo eedda uga weecisaa. Tusaalaha ugu quruxda badani xaggayga waa kan;

” Ma yaqaanno suuraha,
Beentiyo sasabadee,
Ma anigaan wakhtiga sugin,
Mise waayahaa sida?
Kaan sugayay yaa u baxay?
Ballantii ma sii dayn,
Seef wacadkii kuma jarin,
Ma illaawin samihii,
Saaka aanu dhigannee,
Gaadiid socdaan jirin.” Yamyam.

6. Wadne-gariir badan; Wadne-xanuunku wuxu ka mid yahay astaamaha ugu waaweyn ee qofka wax jecel, dhowrka goor ee uu ugu garaaca badan yahay wadnuhuna waxa weeyaan, marka aad hortaagan tahay qofka aad dartii u boholyowday iyo marka aad soo xasuusato, wakhtiyada jiifka loo diyaar garoobana xasuustaasi waa laga maarmaan oo way timaaddaa. Meerisyadan bal ila dhowr;
“Gadhka iyo halbowlaha,
Gashayoo wadnaha bidix,
Adaa guri ku yeeshoo,
Habeenkii ku gaardiya!”

Culimada ku talax-tagtay arrimaha qalbigu waxa ay ku muransan yihiin qalbigu wuxuu ku yaal, salka wadnaha oo in yar ayuu bidix xigaa, iyo mayee badhtanka ayuu ku yaal… Sida heestan ku cad siduu u saaxan karaa, qof wadnihiisa lagu gaardiyayaa. Hadda weli ba gaardigu waa in cagaha dhulka xoog loola dhaco, bal sawir maskaxeed igu la samee intaas! Qof wadnihiisa dhexdiisa uu gaardis ka socdo.
Bal heestan kalgacal ah ee sida gaar ah u soo tabinaya waayaha boholyowga ee ladhka Kalgacal dabada ka riixo. Sal-arroorka arrintaasina waxa weeyaan in Aadmigu Qalbiga wax ka jeclaado, muddo aad u kooban oo aan culuumta qalbiga wax ka dhegaganayay, wax na ka akhriyay, waxa iiga soo baxay arriman;
In aan Qalbigu ku shaqayn maan-galnimo ama suuro-galnimo
iyo in Qalbigu aanu ka talin wixii nafta u dan ah ee uu qofka ku hago rabitaankiisa iyo kalgacalkiisa.
Waxa aan hogo-tus u soo qaadanayaa, murti maanseeddan;
Aniga dawadaydii la ii diidyoo,
Mid ii daran dooro la yidi!
Haddii aan halkaa wax iska weydiinno waa taas awoodda qalbigu qofka ku jujuubaysa waxa u daran, wali ba isagoo og!
7. Heestannna waxa ku luuqeeya (AHN) Axmed Yaasiin “Digfeer) waxa aanay ka hadlaysaa; Nin wax jeclaaday, bal si aan midh-qiyaaska u saarno Kalgacalkiisa aan eegno. Qofka si rasmi ah wax u jecel, wuxu raali-ka noqdaa wax aanay suuro-gal ahayn in uu raali ka noqdo qof miyir-qabaa. Bal soo qaado;
“Anigoo gadhkaagiyo
Gondahaaga haystaad,
Godka ii qodaysaa,”

Sideed qof adigoo nool xabaashaada qodaya, gadhka iyo gondaha u haysan kartaa, iyada oo aanay jirin wax awood ah oo uu kuu adeegsanayaa oo aan ahayn awoodda qalbigaaga ruuxan jantay. Wali ba aad u sii jeclaan kartaa? Waa meelaha dadka qaar ka yidhaahdaan “Jeceylku qofka nacas ayuu ka dhigaa.”
8. Hurdo la’aan; waxa ay ka mid tahay, wax yaabaha awoodda qofka mucaashaqa ah wiiqa, isla markaa dulqaadka ku yareeya oo markuu hurdada bogan waayo, qasab dabeecaddiisu way is-bedeshaa. Baydadkan ayaa sharxaya sida ay u kala tagaan qofka wax jecel iyo Hurdadu; “

“Ma gamee hurdada baas,
Anigooo go’aygiyo
La dagaala gogashaa,
Waagu soo guduutaa.”
9. Soor-gadnimada; cunto-xumadu waxa ay ka mid tahay astaamaha jeceylka, taas na in aan isla-garannay ayaan ku male-weynahay. Meeryadanna ila dhugta;
“Caku! garashadee,
Goortaan is aragnaan,
Nafta geed ku xidhayoon,
Oomatadii ka gooyee.”
10. Calaacalka,tawaawaca, hibasha, kohashadu iyo Hinaasuhu; waa astaamaha mucaashaqa runta ah. Bal aan saddex tusaale oo keliya soo qaayo’e ila eega;
” Hadday weli Alliyo,
Uur-ku-baalle tahay,
Hadday aawadeed,
Adhaxdiyo wadnaha
Waxa iin ku taal,
Ka il sugan lahayd,
Indhaheeda tolow,
Ilmo lagu samraa,
Ma ka iman lahayd.” Hadraawi.
“Gafayoo tallaabada,
hadba gees u dhacayoo,
sidii aar gantaal qaba,
Gawsaha is dhaafsaday,
Godobtii aad dhigataa,
waa mid gooni kuu taal,
Ama gees laguu dhigi,
Gacaladaydaay intaad i goyso,
Gami maayo wiil kale,
Haddaad garabka saartee,
Ha guddoomin geeridayda,
inan yahay nabsi lama guntado’e,”
“Haddii aan dhaawacaaga
U dhiman waayo,
Dhab maaha,
Waxaan la dhuubnahay!”

FG: Ereyada aanan hubin ama garanayn cidda leh waxa aan uga tagay sidoodii.
LA SOCO…