Tog-Wajaale: Ciidamada Ethiopia oo saaka xidhay xuduuda Somaliland la leedahay Ethiopia

Ciidamada Ethiopia ayaa saaka subaxnimadii xidhay xuduuda Somaliland la leedahay Ethiopia ee Tog-Wajaale.

Wararka ka imanaya magaalo xuduudeedka Tog-Wajaale ayaa sheegaya in aanay jirin isku socodka labada dhinac ee magaalada marka laga reebo quutal daruuriga oo ay ka mid yihiin raashinka, qaadka.

Waxaa la arkayay shacabka labada dhinac ku kala nool oo usoo daawasho tagay sida loo xidhayo xuduudka oo ay ugu dambaysay in la xidho Muddo dheer.

Tallaabadan ayaa imanaysa sidii looga hortaggi lahaa xanuunka aadka ugu faafay dunnida ee Covid-19.

Majiro war kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo ku saabsan xidhitaanka xuduudka ee magaalo ganacsiyeedka Tog-Wajaale.

Bandhige@gmail.com