Guddida ka hortagga Covid-19 ayaa sheegay inay dacwad ka gudbiyeen shakhsiyaad dhawr ah oo bulshada dhexdeeda ku faafiyay warar been abuur ah oo ku saabsan xaaladaha cudurka Coronavirus

Guddida ka hortagga Covid-19 ayaa sheegay inay dacwad ka gudbiyeen shakhsiyaad dhawr ah oo bulshada dhexdeeda ku faafiyay warar been abuur ah oo ku saabsan xaaladaha cudurka Coronavirus

“Waxa aanu Dacwad ka gudbinay shakhsiyaad dhawr ah oo Bulshada dhexdeeda ku faafiyay Warar been abuur ah (Fake news) oo ku saabsan xaaladaha Cudurka Coronavirus kaas oo aynu dhamaanteen si wadajir ah maanta ula dagaalamayno.

Waxa aanu caddaynaynaa:
1. Inaanu jirin Bukaan la xaqiijiyay in Cudurkani haleelay ama Muwaadin Karantiin ku jira oo baxsaday ama xogtiisa la waayay.
2. In Muuqaalka baraha Bulshada wareegaya ee loo turjumay inuu yahay Bukaan uu haleelay Cudurku oo Gaadiidka dadweynaha laga dejinayaa, uu yahay mid xaqiiqada ka fog isla markaana Muuqaalkaasi baraha Bulshada lagu arkay dabayaaqadii sannadkii hore oo ka horraysay intii xaaladda cudurkani soo gaadhay dalkeena iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Xilligan adag Warka been abuurka ah ee ku saabsan cudurkani wuxuu khatar gelin karaa Nolosha shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu abuuri karaa Jahawareer Bulsho kaas oo liddi ku ah Wacyigelinta iyo dedaalada ka hortagga ee Guddidu ku hawlantahay, sidaas darteed waxa aanu xil iska saari doonaa inaanu ka ilaalino in Bulshada lagu dhex faafiyo warar noocaas, sidoo kalena waxa aanu Booliiska iyo Hay’adaha garsoorka la kaashan doonaa sidii talaabo sharci ah looga qaadi lahaa ciddii ku kacda falal noocaas ah.

Waxaan uga Mahadcelinaynaa Booliiska, Xeer ilaalinta, Culimada, Ururada Bulshada, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada sida wanaagsan ee ay noola shaqaynayaan Guddi ahaan, Waxaanan rajaynaynaa inaan dedaaladeena kor usii qaadno inaga oo isku duuban.”