Amiirkii Muslimiinta Cumar ayaa u magacaabay Siciid Ibnu Caamir Badhasaabka magaalada Xims, Suuriya.
Muddo yar markii ay ka soo wareegtay markii xilkaa loo magacaabay ayaa wafti ka socda magaalada Xims u yimaadeen Amiirkii Muslimiinta. Cumar waxa uu waftigii ka codsaday in ay u soo qoraan liiska masaakiinta deegaankooda si uu xoolaha muslimiinta wax uga siiyo.
Waxa ay soo gudbiyeen liiska magacyada masaakiinta, waxaana ku jiray magaca Siciid Ibnu Caamir. Cumar waxa uu weydiiyey, โ Waa kuma Siciidkani?โ waxay ugu jawaabeen, โ Waa Badhasaabkaaga Gobolka!โ Waxayna u sheegeen in Siciid xoolihiisa oo dhan ku bixiyo masaakiinta reer Xims.
Cumar waxa uu weydiiyey, โ Ceeb kale miyaad ka tirsanaysaan badhasaabka?โ waxay ugu jawaabeen, โ Haa, saddex ceebood ayuu leeyahay: Nooma soo baxo illaa ay barqada gaadho; ma aragno habeenkii; usbuuciina hal maalin ayuu gebi ahaan naga maqnaadaa.โ
Cumar markii uu weydiiyey Siciid in uu iska difaaco eedahaas loo soo jeediyey waxa uu ku jawaabay, โ Amiirkii Muslimiintow eedahaas la ii soo jeediyey oo dhami waa sax: Uma soo baxo illaa ay gaadho wakhtiga barqada waayo waxa aan u adeegaa qoyskayga maxaa yeelay ma haysto gabadh jaariyad ah, xaaskayguna way xanuusanaysaa; maalintii danaha muslimiinta ayaan ka shaqeeyaa, habeenkiina cibaadada Illaahay ayaan u gaar yeelaa; Khamiiskayga ayaan usbuucii hal maalin maydhaa oo aan sugaa inta uu ka qalalayo maadaama aanan haysan mid labaad oo aan gashado.
Cumar wuu ooyeyโฆ kadib lacag ayuu siiyey Siciidโฆ goobtii kamuu dhaqaaqin Siciid illaa uu xoolihii la siiyey u qaybiyey fuqarada muslimiinta.