Maalin ka hor, inta aan la qaban aftida Ingiriisku doonayo in uu ka baxo Midowga Yurub iyo in ay kasii mid ahaadaan, ayaa in ka badan hoggaamiyayaasha kun ganacsato ayaa ka digay in haddii laga baxo Midowga Yurub ay u imanayso hubaal la’aan shaqooyinga iyo ganacsiga.
Warqad furan oo ay ku qoreen wargayska Times, ayaa agaasimayaasha shirkadaha oo shaqaaleeya in ka badan laba milyan oo qof ayaa sheegay in haddii Midowga Yurub laga mid ahaado ay jirto fursado badan oo maalgashi iyo koror dhaqaale.
Dadka u ololaynaya in Ingiriisku ay ka baxdo Midowga Yurub ayaa sheegay in ganacsatada ay kala qaybsan tahay.
Fikradaha dadka laga soo ururiyay, ayaa sheegaya in natiijada la filayo ee codaynta Khamiista bari ah ay aad isugu dhawdahay.
Ingiriiska ayaa waxay maalinta beri ah u dareeri doona codbixin ay kaga sii mid ahaanayaan Midowga Yurub ama ay ka baxayaan.