Tan iyo markii ay sida degdega ah u burburtay xukuumadda Afganistaan ee xoolo iyo xooga badan ba ay geliyeen reer Galbeedka iyo soo laabashada ururka Daliban, waxa muuqda arrimo ugub ku ah hab dhaqanka ururkan iyo guud ahaan bulshada iyo siyaasiyiinteedaba.
Farriimaha iijaabiga ah ee Daalibaan ilaa hada:
FARRIIMAHA KU SOCDA GUDAHA AFGANISTAAN:
- Cafis ay u fidisay dhammaan dadki ka soo horjeeday iyo baaqi ay u dirtay shaqaalaha dawladda in ay shaqadooda qabsadaan, wax dhib ahna aan loo geynsanayn.
- Sii daynta shakhsiyaad caddaw u ahaa oo ay gacanta ku dhigeen, tan oo ah mid aad uga gedisan dabeecadda looga bartay ururada guulaysta, gaar ahaan dalkan oo lagu yaqaanay in nin walbaaba uu birta ka aslo marka uu caddawgiisa ka guulaysto.
- Wada hadalki uu ururku la furay madaxweynihi hore Xaamid Karzaay, Cabdalla Cabdalla iyo siyaasiyiin badan oo qaarna ka tirsan yihiin xukuumaddi Asharf Qani iyo kuwii ka horeeyey.
- Iyada oo ku dhawaaqday in ay dhisi doonaan xukuumad wadaag ah oo ay ku jiraan wajiyo aan ahayn Daalibaan.
- Waxa kale oo ay sheegeen in ay u ogol yihiin dumarka xuquuqdooda, iyada oo hadaladooda qaarna laga dhadhansanayey in laga yaabo in ay kaalin ka qaataan xukuumadda la dhisi doono.
FARRIMAHA KU SOCDA DIBEDDA:
Ururka Daalibaan waxa uu caddeeyey:
- In ay rabaan xidhiidh fiican oo ay la yeelanayaan caalamka intiisa kale, laakin ay tahay in uu xidhiidhkaasi ku dhisnaado is ixtiraam iyo in laga dheeraado faro gelin. Maanta (31/08/2021) oo ay la wareegeen Garoonka Kabul ayuu Anas Xaqqani, oo ka tirsan madaxda ururkani, mar kale ku celiyey qodobkan.
- In ay dammaanad qaadayaan in aan dalkooda loo adeegsan doonin in lagaga duulo dal kale.
- Waxa ay xidhiidh la sameeyeen awoodo badan oo mandiqadda ah, sida Ruushka, China, Iran, iyaga oo si dhowna xidhiidh iyo wada hadalna ula wada dalka Turkey-ga oo ay ka rabaan in uu gacanta ku hayo ama gacan ka geysto maamulidda madaarka Kabul.
Farrimahan iyo qaar kale oo badan oo soo baxayey maalmihii la soo dhaafay waxa ay rajo geliyeen dad badan oo la socday arrimaha dalkan, waxa muuqatay in ururkani uu wax ka bartay waayihii iyo duruufihii uu soo maray ku dhawaad 20-ki sanno ee ay dagaalka kula jireen ciidamada huwanta ahaa ee Afganistaan ku soo duulay sannadki 2001. Waxa dad badani iyaga oo dhaqanadan iyo farriimahan ka duulaya ay saadaalinayaan in laga yaabo in hanaanka maamul ee Daalibaanta maanta uu ka gedisnaado kii 1996-ki markii ay awoodda kala wareegeen ururadi ku hirdamayey maamulka Afganistan.
Laakin, inkasta oo farrimahan iyo hab dhaqankanba muddan yihiin in la tixgeliyo, hadana waxa muddan in fiiro gaar ah loo yeesha xaqiiqadda ururkan iyo rukumadda uu ku taagan yahay, il gaar ah oo kalena loo yeesho soo jireenka taarikheed ee shacabka dalka Afganistaan. Dib u milicsiga labadan qodob ayaa wax badan ka tari kara odoroska halka wax ku danbayn doonaan iyo muuqaalka laga yaabo in ay yeelato xukuumadda laga dhur sugayaa.
Waa taariikh dheer dib u milicsiga qodobadaasi laakiin bal aan wax yar uun ka taabto caqabadahaย horyaala ururkan, kuwaas oo kala ah:
Ururka Gudihiisa: waxa aan ogsoonahay ururkani in uu ka shidaal qaato culimo waaweynย ee dalkan, oo mus danbeed u ahaa halgankii dheeraa ee uu la galay huwanta reer Galbeedka. Culimadda ayaa mar walba ka ciyaari jiray, hadana ka ciyaaraya, kaalim mug iyo miisaan weyn lehna ku leh geedi socodka dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ee Afganistaan. Culaysku waxa uu ka imanayaa:
- Waxa uu noqon doono mawqifka culimadani ka qaadan doonaan hanaanka hogaanka ururku rabo in uu dalka ku maamulo. Waxa is weydiin muddan ma ogolaan doonaan waxa hada socda iyo sida ay u socdaan? Ma goโaamin doonaan in laga tanaasulo goโaanki ahaa in ay dhisayaan Imaarad islaami ah? Maxay yihiin shuruudaha ay ku xidhi doonaan siyaasiyiinta ururkoda ka baxsan ee ay xukuumadda ku soo dari doonaan? Dhammaan suโaalahan ayaa goโaankooda kama danbaysta ah ay culimdani iska leeyihiin. Laga yabee in aad is weydiiso, oo farrimahan ba ma la diri lahaa haddii aan ogolaansho laga haysan culimadan? Waxa ay ila tahay in hada marxaladda lagu jiraa tahay kala guur iyo xeeldaysi, ayna leedahay xeerkeeda iyo xeerinteeda. Laakinta marka ay runta tagto uu soo bixi doono sawirka dhabta ah.
- Hadaladda iyo farrimaha dabacsan ee hogaanka ururku bixinaya waxa uu wajihi doonaa caqabado kaga yimaada dhanka dagaal yahaynkooda, oo sannado iyo sannado badan daal, diihaal, gaajo iyo dhib dheerba u soo maray wax ay u arkaan diin iyo caqiido aan la bedali Karin, taas oo ay maanka iyo maskaxdaba ku hayaan nooc dawladeed, oo aan marnaba la muuqaal ahayn ta la fili karo. Waxa ay ka aaminsan yihin dumarka, heesaha, la dhaqanka gaaladda iyo aqbalaada wax la wadaaga rag ay gaalo ama gaalo raac u haysteen, ayaa ah arrimo adag oo u baahan sidii ay u liqi lahaayeen. Waa haddii Daalibaanta aan arkaynaa ay qaado jid qunyar socodnimo iyo is daad-raacis ah.
- Bulshaddii uu ururkani sannadaha badan isna ku disayey nooca dawladeed e ay doonayaan, oo cabsan isku dhaf diin, qawmiyadnimo iyo gobolaysi ayaa u baahan qancin iyo sidii ay u raaci lahayeen tareenka cusub ee laga yaabo in ururkani uu gadh wadeenka ka noqdo. Mar kale waa haddu farrrimaha iyo ficiladda ururku dhab ahaan dhanka is beddel iyo hab dhaqan cusub qaado e.
Ururka dibeddiisa: duruufta iyo waaqaca cusub ee ururka Daalibaan uu maanta dhaxlayaa waa ka gedisan yihiiy kii 1996-ki marki ay cagta mariyen hogaamiye kooxeedyaddi Afganistan, Kabul-na qabsadeen. Dhan kale aduunka iyo waayaha ku xeerana isna kii hore ma aha, shacabka reer Afganistan laftooduna kuwi hore ma aha. Intan oo shay oo is barkan ayaa maarayn uga baahan Daalibaan.
Haddi ay is bedelka ay sheeganayso ku socoto, kana gudubto caqabadaha gudaheeda ah ama qaar ka mid ah, waa caymataa. Inkasta oo ay jiraan awoodo badan oo sokeeye iyo shisheeyaba leh oo aan rabin in Daalibaan kuย guulaysan hogaaminta dalkan. Laakin haddi ay halkoodii hore ku laabtaan lafteeda dhibta iyo culaysku waa uga sii badnaan doonaa:
- Waxa muuqata dhiiranaan dhanka shacabka ah oo ay dareenkoda ku cabirayaan. Caddaynta ugu weyn ayaa ahaa mudahaardadi looga biyo diidana dejinta calank markii ururkani galay madaxtooyada Kabul iyo dabaal degi ay dadku u sameeyeen sannad guuradi marki ay Afganistaan xornimada qaadatay.
- Internet-ka iyo isticmaalka baraha bulshada ayaa noqon doona hub aan la dhayalsan Karin haddiba ururku isku dayo cabudhin. Haddi 1996 ay ad u koobnayeen dadka la socon kara waxa guddahaha dalkan ka socda, hada waxa iman doonto in wax kasta o socda malaayin qof oo dafaha aduunka ahi ay la socon doonaan. Taas oo culays ku noqon doonto Daalibaan dhiirina gelin doonta in cidka kor loogu qaado.
- Dalwaddihii jabay oo Maraykan ugu tun weyn yahay faraha kama dhigi doono ee hada iyo wixii ka danbeeya waxa uu dagaal gelin doonaa hayโado iyo ururo magacyo iyo ujeedooyin badan ah, oo buunbuuniya wax walba oo dalkan ka dhaca, eed iyo iina u raadiya ururka Daalibaan iyo hab maamulkooda.
Daalibaan waxa hor yaal imtixaan adag, arrimo badan oo ay u baahan yihiin in ay goโaan ka qaataan waa labo daran mid dooro. Dalwaddo badan oo gobolkaas ah iyaguna wadnaha ayey farta ku hayaan, qaar kale ayaa waxa socda jaanis u arka, shacabka iyo bulshada reer Afganistaan baa waajahaysa mar kale mustaqbal mugdi iyo cabsiba badan.
Aan ka dhur sugno waxa ka soo baxa hogaanka ururka oo sheikh iyo shariifkoodiiba maanta fadhiyo QANDAHAAR!!!
Xigasho: Barta Jaamac ee Facebookย