Daa’uuska Afrika- safarkaygii dheeraa! Q3aad (WQ: Cabdiqaadir Askar)

sam_2493

KAKINGA: Waa hoyga ardayda jaamacadda KIU

Waa mar kale iyo hoygii ardayda ee aan ku degay, Kakinga.

Habeenkii koowaad, wuxu galbaday aniga oo aan laba indhood isku keenin. Waxa aan la kadeednaa ‘qaniinyadda’ daran ee kaneecada I dul goob-yaalaysay, ee duullaanka igu soo qaaday. Waanan dareemi karayey farriinta ay ii soo tebinaysay, ee ahayd: “ U adkayso qaniinyadayda, amma maadhe meel kale raadso!”

Aniga oo weli indhihii mar maranaya, daal badanna I hayey, ayaa waxa aan ku war-helay waaggii oo soo guduutay. Daaqada qolkayga waxa dul-roorayey biyo badan, oo ka dhashay roob shuux ah oo fiidkii bilaambay.

Waxa aan sariirtii isku dhejiyaba, mar qudha ayuu baan dareemay garriir iyo luxan hor leh. Albaabkii qolkayga ayaan si deg-deg ah u furay, mise dhawaqu wuxuu ka yeedhayaa dhammaan qololka igu xiga, oo ilaa dabaqa hoose xidhiidhsan. Waa dannanka muusikada iyo heeso “Sawaaxili” u badan oo mar qudha isla wada oogsaday.

Yugaadha, ma aha wax lala yaabo haddii aad maqasho heesaha “Hip hop”ka ee codka weyn, oo ardayda iyo dadka kaleba ku ‘waalan’ yihiin. Heesaha way isku sasaaban, isku seexiyaan, kunna toosaan! Danna iyo muraad kama laha in aad jeceshahay heesahooda iyo inkale. Shidanaaba shidan!

kiu-bash-1

Ardaydii KIU oo si xamaasad leh ula heesaya  fannaan reer Yugaadha ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waa bulsho fanneed, noloshoodu lagu muuneeyey heesaha iyo cayaaraha. Goob kasta oo aad booqato, si hoose ayey dadku madaxa u luxayaan, oo ay adduun kale ula haystaan. Haddii aad ka ‘jiidhidna’, kuugu jawaabayaan: “Banange!”. Ereygan oo ah kuwa ugu horaysa ee aad ka baranayso luuqada Luganda. Waa erey la adeegsado marka aad wax la yaabtid, oo la macne ah “Alaa wacnaydaa!”

“Waa maalmo duniduye, iska reeb xusuus mudan,” ayuu si cilaaq leh iigu xasaradaystay mid ka mid ah ardayda reer Hargeysa, ee meesha wax ka baran jiray.

Taswiirta la galo, waa fan lagu mararowo goobaha waxbarashada ee dalka Yugaadha. Waana ganacsi kooban oo faa’iido badan ay ka soo hooyaan. Taas uun baanay ardayda Soomaalidu la qabsatay, oo ay kugu dhiirinayaan, in aad sawir la gashid ama iska qaadid, si ay sooyaalkaaga uga mid noqoto.

Yugaadha, marka laga reeb in yar oo faro-ku-tiris reer magaal ah, cuntada ay cunaan waa ta dalkooda laga soo saaro. Laba xilli, cashada iyo qaddada, ayuun baa aalaba wax la cunaa. Quraacadu waa koob shaah caano badan, muus, beed milix leh iyo roodhi. Waanad ka tagi kartaaye, ogsoonow.

Dalku waa dhul-xidhan, oo aan lahayn bad. Sidaas darteed, lagama yaqaan cunto-badeedka sida kalluunka. Wallow mar marka qaar laga helo kalluun yar-yar harta weyn ee Victooriya, kaas oo ah mid aad u qaali ah, laguna iibiyo hudheelada waaweyn oo qudha.

water

Mid ka mid ah xidhmooyinka biyaha ee laga cabo Yugaadha.

Biyaha la cabaa ma aha kuwa qasabada laga helo. Taas oo ah talladda ugu horaysa ee lagu siinayo. Badalkeeda waxa aad si joogto ah u cabaysaa biyaha qasacdaysan iyo kuwa baco yar yar lagu xidho. Waa kuwo aad mar walba sidanayso, oo iib ah!

Badanka biyaha qasabaduhu waxa ay ku xidhiidhsan yihiin, Harta Victooriya, oo nadaafadeeda laga dayriyo. Waxa jira sheekooyin caan baxay oo odhanaya harta waxa dhawr jeer laga helay maydadka dad hore. Kuwaas oo loo malaynayo in ay yihiin dadkii lagu xasuuqay Ruwaanda, sannadkii 1994. Sida igu maqaalo ahna, waa dadkii Tutsiga ahaa oo lagu aasay har-weynta!

La soco qaybaha dambe haddii Alle idmo.

Halkan hoose ka akhri maqaaladii hore ee uu qoray Cabdiqaadir Askar:
Cabdiqaadir Dayib Askar waa barre jaamacadeed oo takhsuskiisu  yahay Xidhiidhka Caalamiga Iyo Diblumaasiyadda.  Kala xidhiidh e-mailkiisaabdikadiraskar@gmail.com amma booqo degelkiisawww.siraskar.wordpress.com