Madaxweyne Hollande: Islaamku waa dhibaato ka jirta Faransiiska

 

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa la kulmaya dhaliilo uga imanaya dunida Islaamka kadib markii buug uu qoray oo toddobaadkan soo baxay uu ku sheegay in Islaamku yahay dhibaato ka jirta dalka Faransiiska oo aan la dafiri karin.

“Islaamku waa dhibaato Faransiiska ka jirta oo aan la dafiri karin. Diinta Islaamku sideeda dhibaato uma aha waxayse dhibaato noqonaysaa marka la doono in ay ku dhaqmaan dadka Faransiisku” ayuu yidhi Madaxweyne Hollande.

Madaxweynaha Faransiisku waxa kale oo uu sheegay in ay dalka Faransiiska ku badan yihiin dadka soo-galaytiga ama “muhaajiriinta” loo yaqaan taas oo aanay ahayn in ay Faransiiska yimaadaan ama joogaan.

Madaxwaynaha Faransiiska ayaa ah madaxweyne taageerada ay dadka Faransiisku u hayaan hoos u sii shiiqayso maalinba ta ka dambaysa. Weedhahan waxa loo qaatay in uu ku soo jiidanayo codbixiyeyaasha Faransiiska oo qaraxyadii dalkaas ka dhacay iyo qulqulkii qaxootiga Suuriya kadib ay ku soo badanayaan dadka neceb muhaajiriinta iyo guud ahaan Islaamka.

Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicholas Sarkozy oo la filanyo in doorashadan soo socota ay foodda is daraan Madaxweyne Hollande ayaa isaguna dhiniciisa ku ololeeya in uu gacan adag kaga hortagi qulqulka soo-galaytiga.

Dadka muslimiinta ee Faransiiska ku nool in kastoo ay tiradoodu badan tahay haddana ma laha awood abaabulan oo saamayn ku yeelan karta xisbiyada Faransiiska iyo madacdooda.

Il-wareed: Aljazeera

BANDHIGE NEWS

Bandhige@gmail.com