Dad iyo duur ba wax aanad filayn ayaa kaaga soo baxa (WQ: Khadar Faarax Siciid)

 

Maahmaahdan sare waydiimo badan ayaa laga falkin karaa, ayna ka mid yihiin kuwan hoose.

 

Dadka iyo Duurku [kayntu] maxay wadaagaan?

Maxay tahay sababtaan loo saadaalin karin hurin dad ah wax lagla kulmi karo?

Keynta filaanwaayada lagala kulmi karaa maxamy yihiin?

 

Maahmaadu waa maahmaah khusaysa Maamulidda dadka iyo waxa lagaga talageli karo in xayn [koox] dad ah la maamulo. Abwaankii curiyayna waxa uu adeegsaday tusaalayn toolmoon oo garaadada dadka ee kala heerarka duwani ay si fudud u fahmi karaan.

Kayn hawrtay oo geed gaab ka iyo geedka sareba is dul fuuleen inay habar dugaag tiro badan  hoy u tahay ayaa hubaal ah. Jaadadka kala duwan ee dugaaga, sida kuwooda caws daaqda ah, kuwa hilib daaqda ah, iyo kuwa laba gardaaqda ah ba waxaa la rumaysan yahay inay dhexdeeda mirtaan. Sidaa si la mid ah hurin dad ah waxa kasoo dhex fufi kara dadyow dabeecadohoodu kala durugsanyihiin. Waxa ku jiri kara macangag hor iyo daba diid ah oo aan arrin keen iyo aqbal keen midna ahayn, cid-ma-gale cidla joognimada jecel oo wehelkiisu wehel la’aanta yahay, karti yare taabgaabnimadu ku mataansantahay oo tamartiisa oo dhami aanay bilaale caddaynayn ikk.

 

Kaknaanta maamulidda dadku waa mid ay u marag fureen badiba hogaamiyayaashii qalbi lahadlka ahaa ee  hoyday [dhintay] iyo kuwooda hadda nooliba. Sababta ugu waynee kaknaantaa keentayna waxa weeye kala dabeecada duwanaantooda, oo adkaynaysa isla jaanqaadsiintooda iyo in lagu hagaajiyo yoolalka astaysan ee hogaamiyoodu u hor kacayo.

Humaaggaa maahmaahdu sida dadban u sheegtay ayaan anna sii yara iftiimiyay, oo waxaan idhi,

 

Dool, ruux socdaal ahi

 

Dooxo baadku qariyoon

 

Indhawayd ba cidi degin

 

haddu dubur ka soo xulo,

 

doomaarta hawrtiyo

 

Doqowgiyo jadeerkiyo

 

Hareeriga is dedayee

 

Laamihiisu daaftiyo

 

Dusha jillabka fuuleen

 

Orgobada wax diirtee

 

Hilib daaqayaasha ah

 

Hadhsanaaya derrimaha

 

Sow inuu digtoonaan

 

Dareen feejignaaneed

 

Duhur goor ilays jiro

 

Dalandool ku jidhaa

 

Dumaddiisa uma sama?

 

 

Dad ninkii u madaxa na

 

Dabbaal iyo maraaniyo

 

Damiir laawe sogobiyo

 

Dammiin hoos u jeediyo

 

Bakhayl damac yaqaaniyo

 

Cilladoole duwanoo

 

Dawayntiisu adag tahay,

 

Docor aan waxabab gudin

 

Hadal aan ku deeqsiin

 

Dadka aan amaangelin

 

Shaqadiisa daba mara

 

Ka diqooda waanda

 

Duudsiya samaantoo

 

La dawaafa ceebaha,

 

Daf inay yihiinoo

 

Dadka uu egmanayee

 

U diraayo hawlaha

 

Ku dhex daadsanyiin,

 

Waa inuu dareemoo

 

Duunka uu ku haystaa.

 

Qore: Khadar Faarax Siciid

Email: Dalmartogdheer@gmail.com

Fc: Khadar faarax siciid.