Xisbiga Waddani wuxu xalay casho-sharaf u sameeyey dhallinyaro ka soo jeedda Koonfurta Hargeysa

 

Kulan casho sharaf ah oo ay soo qabanqaabiyeen Xoghayaha Dhalinyarada xisbiga Waddani Cabdifataax Siciid Axmed iyo Gudoomiye Xigeenka Xisbiga Waddani ee gobolka Maroodijeex Mawliid Muuse Dacar ayaa xalay isku arkay dhalinyarada aqoonyahanka ah ee Horseed Group iyo Siyaasiyiinta xisbiga waddani ee kasoo jeeda Koonfurta, Bariga iyo Badhtamaha magaalada Hargeysa. Sidaa waxa lagu sheegay qoraal uu warbaahinta la wadaagay Khaalid Foodhaadhi.

Kulankan oo ka dhacay Hotel Ambassador ayaa waxa uu ahaa mid ay isku xog-waraysanayeen dhalinyarada iyo siyaasiyiintu ayaa waxa si wayn loogu lafa guray sidii dalka uu uga dhici lahaa isbaddal dhinaca maamulka ah – kaasi oo ay hoggaamin doonaan dhalinyarada iyo siyaasiyiintuba.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay, qaar kamid ah madaxda dhalinyarada aqoonyahanka ah ee Horseed Group gaar ahaan guddoomiyaha Horseed Group Mudane Cabdiraxmaan Suudi iyo masuuliyiintii kulankaasi soo abaabulay.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay siyaasiyiintii kulankaasi kasoo qayb-galay oo ay kamid ahaayeen; Prof Ismaaciil Hurre Buubaa, Prof. Keyse Cali Geeddi, Dr. Xuseen Xoog, Prof. Rashiid Aadan , Cismaan Aadan, Xasan Cabdi Qarshe iyo Caaqil Cabdirashiid Jaambiir oo isna kamid ah madaxda dhaqaka ee Hargeysa.

Dhinaca kale, Kulankani intii uu socday ayaa waxa halkaasi su’aalo kala duwan lagu waydiiyay siyaasiyiintii iyo cuqaashii kulankaasi kasoo qayb-gashay iyagoona ka jawaabay dhammaan su’aalihii la waydiiyay.

waddani-koonfur1

waddani-koonfur9

waddani-koonfur8

waddani-koonfur7

waddani-koonfur6

waddani-koonfur5

waddani-koonfur4

waddani-koonfur3

waddani-koonfur2