Cabdicasiis Samaale oo markii ugu horaysay ka hadlay safarka uu ku wehelinayo Guddoomiye Muuse Biixi

 

Wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa markii kowaad ka hadlays safar uu ku wehelinayo Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi kaas oo sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu xisbiga Kulmiye baahiyey ujeeddadiisu tahay sidii xisbul-xaakimku wax ugu dari lahaa gurmad abaaraha ee ka socda gobollada bariga. Weftigan ayaa weli dhex mushaaxaya gobolka Togdheer iyagoo xalay ku dhaxay magaalo-xadeedka Balli-dhiig deegaannada Koonfurta Bari ee Burco.

Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in ay socod ku kala bixiyeen magaalooyin iyo tuulooyin badan oo abaaruhu sameeyeen. Wuxu mahadnaq u jeediyey dadkii ka qayb-galay gurmadka abaaraha gaar ahaan Guddida Abaaraha.

Hase ahaatee Cabdicasiis Samaale wuxu ka gaabsaday in uu sheego goorta la soo af-jaray khilaafkii qadhaadhaa ee saddexda sannadood jiitamayey ee dhex maray isga iyo Muuse Biixi iyo sidoo kale xurguftii kululayd ee dhex martay isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo markii laga wareejiyey xilkii Wasaaradda Maaliyadda bishii February 2015 isla markaana uu diiday in uu qabto xilka Wasiirka Waxbarashada.

Qoraalka uu barqadan maanta Samaale ku baahiyey bartiisa Facebook wuxu u dhigan yahay sidan:

Asalamu Calaykum
Waxa aanu maalimihi u danbeeyay ku guda jirnay socdal xog-ogaal qaadasho ah oo aanu ku maraynay gobolada bariga Somaliland ee ay dhibaatada abaaruhu saameeyeen.
Magaalooyin iyo tuulooyin aad u fara badan oo runti ay abaaruhu aad u saameeyen ayaanu marnay gargaar iyo taakulayn fara baddana u baahan, Intii ka qayb qaadatay taakulaynta walaalaheen ee gudo iyo dibadba joogta ilaahay haka jazaa’i siiyo Sidoo kale Gudida abaaraha oo runti hawl aad u wayn haya iyagana ilaahay haka abaal mariyo.

 

samaale-facebook-post

BANDHIGE NEWS

Bandhige@gmail.com