Dadka leh riyooyinka dhabta ah, ma aha kuwo quusta (WT: Dr Jama Sahal)

Haddii waxa aad doonin in aad gaartid uu yahay wax sax ah, aana aad rumaysantahay, ku dhaqaaq oo samee.

Riyadaada raac, iskana illoow waxa dadka kale ku dhihi karayaan markii aad guuldarrooyin yaryar ah aad la kulmaysid, waxa aysan ogayn in guuldarro kasta beerto mir guul lagu gaari karayo.

Henry Ford oo u dhashay dalka Mareykanka ahaana nin aan waxbarasho lahayn, saboolna ahaa ayaa ku riyooday samaynta gaadiid aan faras jiida u baahnayn, kadib waxii uu qalab heli karay ayaa uu ku shaqo galay isaga oo aan sugin fursad iskaga timaadda,haddana dunida dhan ayaa riyadiisii ku raaxaysta. Waxa uu ahaa qofkii ugu badnaa ee isku dayay kashaqaysiin qalabyo ah , sababta oo ah kama cabsanayn ciddii riyadiisa wax ka sheegta.

Thomas Edison waxa uu ku riyooday layr koronto ku shaqeeya, markaas ayaa uuna ku dhaqaaqay riyadiisii, waloow kumanaan kun oo jeer uu ku guuldarraystay waa uu ku adkaystay riyadiisii illaa uu mid muuqata oo qabsoontay uu ka dhigay.

Dadka leh riyooyinka dhabta ah, ma aha kuwo quusta.

Madaxweyne Abraham Lincoln waxa uu ku riyooday dadka madoow ee Mareykanka oo madax-bannaani hela, ficil ayaa uu ku daray riyadiisii, wax yar ayaana uu u jirsaday in isaga oo nool uu arko riyadiisii oo rumowday.

Labadii wiil ee walaalaha aha ee ilma Wright waxa ay ku riyoodeen qalab hawada dhex duuli karaya dayuuradaha. Hadda cid walba waxa ay arki kartaa in riyadoodu mid qumman ahayd.

Marconi waxa uu ku riyooday qaab loo adeegsan karayo awoodda ku jirta hawada. In uusan riyo qalloocan ku riyoon waxaa caddayn u ah raadiyaha iyo walxaha kale ee farriinta aan xariiriyaha lahayn gudbiya. Intaas waxaa sii dheer in riyadii Marconi in ay adduunka daafahiisa dadka kala jooga ka dhigtay kuwo deris ah oo is-cod maqli karaya. Riyadaasi waxa ay awood u siisay madaxwaynaha Maraykanka in uu halmar la hadli karayo dadka Maraykanka oo dhan. Balse intaas waxaa ka daran in Marconi saaxiibadiis ay xirxireen oo waliba geeyeen xarunta dhimirka baaritaanna lagu sameeyey markii uu u sheegay in uu ogaaday hab farriin hawada loogu diri karayo iyada oo aan la adeegsan fiilooyin iyo xargo kale midkoodna.

Adduunka hadda waa la qabsanayaa fikradaha cusub, balse ma muuqanayso abaalmarinta riyoodaha cusub ee aragtida cusub keenaya.

Waxa ugu wayn ee adduunkaan qabsoomay oo dhan, waxaa jirtay xilli fikrad kali ah ay wada ahaayeen.

Baxarsaafkuba (geedaha alwaaxda laga sameeyo) mar buu mirta yar ku dhex jiray, digaagaduna ukunta ku dhex jirtay, kadibna waa ay gilgisheen oo qolofta ka soo baxeen si ay u noqdaan waxa ay doonayaan. Riyooyinku waa mirta dhabtu ka beeranto.

Toosa, kor u kaca oo awooddiina la soo baxa riyoodayaaloow. Xiddigiinnii ayaa hadda soo baxay.

Adduunka fursado ayaa ka buuxa kuwaas oo dadkii hore aysan ogaanin.

Doonis aad u xoog badan ayaa ah halka riyooduhu ka duulo. Riyooyinku kuma yimaadaan in aadan ahayn mid dadka ka duwan, ama aad tahay caajisloow ama aad tahay mid aan himmad lahayn.

Adduunku inta badan maanta ma liido ama uma qaadan waayo riyoodaha.

Haddii aad sidaas u malaynaysid, socdaal ku tag Gobolka Tennessee oo Mareykanka ka tirsan oo arag sida madaxweyne riyoode ah uu u maamulay una adeegsaday awooddii qulqulka biyaha ee halkaas ka jirtay.

Sanado kahor riyo caynkaas ahi waxa ay u ekeyd waalli.

Ma lagu niyad jabiyey? Ma guuldarro ayaa aad la kulantay? Ma qalbi jab ayaa kugu dhacay? Dhiirogalin ka dhigo, khibradaha caynkaan ahi waa waxyaalaha kululaynaya birta aad ka samaysantahay, khibradahaasi waa kuwa noqda hanti aan wax goyn kara aysan jirinin.

Waxaa kale oo aad xasuusnaataa, cid kasta oo guul gaartay, dhibaato ayaa ay ku bilaabeen, halgammo qarracan ah ayaa ay mareen kahor intii aysan gaarin halkii ay u socdeen. Guusha noloshooduba waxa ay timid markii dhibaatooyinku ku hoobteen, waa markaas marka ay ka soo if baxday qayb kale oo ayaga ah oo aysan aqoonin.

John Bunyan oo qoray gabayadii Ingiriiska kuwii ugu fiicnaa, waxa uu qoray kadib markii la xiray oo waliba xabsigga lagu dhex garaacay.

O. Henry waxa uu ogaaday caqli badnaanta ka buuxda kadib markii dhibaato wayn uu la kulmay ee haddana la xiray. Haddii uu adeegsaday maskaxdiisa, waxa uu doonay in uu noqdo qoraa wayn halkii uu ka ahaan lahaa dambiile xarig ku jira.

In aan la saadaalin karin oo ay wajiyo badantahay nolosha ayaa lagu yaqaan. Waxaa ka sii yaab badan Caqliga Aan Dhammaadka Lahayn ee aan leennahay kaas oo aadanaha mariya dhibaatooyin badan kadib inta aysan daaha ka qaadin maskaxdooda iyo awooddooda ay ku abuuri karayaan aragtiyo cusub ayaga oo adeegsan sawirashada maskaxdooda.

Edison, saynisyahankii iyo hindisaagii adduunka ugu waynaa waxa uu ahaa nacas ka shaqeeya telegraph (taar ), marar aad u badan ayaa uu guuldarro la kulmay kahor intii uusan ogaanin caqli badnaanta dhex fadhida.

Charles Dickens, jacaylkiisii ugu horreeyey ayaa dhibaato ka gaartay kana dhigtay in uu noqdo mid kamid ah qoraayaashaa adduunka ugu sarreeya.

Niyad jab dhanka jacaylka ka timaadda inta badan ragga waxa ay ku dhiirisaa balwad, dumarkana in ay naftooda halleeyaan sababta oo ah dadka intooda badani ma fahmaan sida dareemadaas oo kale loo adeegsado oo loogu abuurto riyooyin waxtar ah.

Helen Keller waxyar kadib markii ay dhalatay ayaa ay dhago iyo indho beeshay, ayada oo sidaas ahayd ayaa ay magaceeda baalal dahab ah uga qortay taariikhda adduunka. Nolosheeda dhan waxa ay caddayn u ahayd in aan in aan cidina guuldarraysan illaa qofkaasi asagu ogolaado in uu guuldarraystay.

Robert Burns waxa uu ahaa inan reer miyi ah oo aan waxbarasho lahayn, saboolnimo ayaa lagu imtixaanay, waxa uuna koray asaga oo khamri-yacab ah. Adduunku nolol wanaagsan ayaa uu siiyey kadib markii uu yeeshay riyooyin qurxan oo suugaan ah sidaas darteedna qodaxdii ayaa uu iska rujiyey oo ku beertay ubax.

Booker T. Washington addoonimo ayaa uu ku dhashay, midab-takoor iyo faquuqid ayaa curyaamisay. Maaddaama uu ahaa mid dulqaad badan oo uu u maskax furnaa xilli kasta iyo arrin kasta iyo in uu ahaa riyoode (qof riyooyin leh) jinsiyad dhan ayaa uu wanaag uga tagay.

Beethoven waa uu dhego la’aa (Waa ninka sameeyey shanqaraha qalabyada muusikada ee ugu badan), Milton waa indho la’aa (gabyaa sare), balse magacyadoodu waligood waa ku oolayaan sooyaalka aadanaha ayada oo ay keentay in ay riyooyin lahaayeen oo ay u beddeleen kuwa dhab ah.

Inta aynaan u gudbin cutubka soo socda, shumac cusub maskaxdaada ka dhex daar, ka dhex daar iftiinka rajo, rumaysnaan, geesinimo iyo dulqaad. Haddii aad intaan maskaxda ku haysatid oo aad heshid aqoonta tallaabooyinkii aynu soo sheegnay waxa kale oo dhan waa ay kuu imanayaan.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Think And Grow Rich

Napoleon Hill

Tarjumiddii Dr Jama Sahal