Roodhidii Dhiigga lagu dhuuqay! (WQ: Mahdi Sheekh)

Markii aan lix jir ahaa,waxaan ku garaadsaday dagaal , SNMtii iyo Faqashtii ayuu u dhexeeyey, Tuulada aan ku dhashay ee ( Geed-balaadh) waxay ahayd Xudunta dagaaladii ugu qadhaadhaa ee Dhufayska la iskula dhaadhacay markii kaarihii iyo qorigii waxba la iskaga qaadi waayay,) gu’yaal badan ka dib aniga oo koray oo kaalin galay,waxaan arkayaa in Bulshadeenna weli loo sii hogaaminayo dagaal ka sii liita,kii xiligaasi aynu burbur iyo bililiqaysi ka dhaxalnay,waa dagaal kuwii shalay xaq u dirirka ahaa dhexdooda ka aloosmaya xiliyada qaar, hadii ay maalintaasi dhiman lahaayeen waxay dhiman lahaayeen geeri sharaf leh, oo waxay difaacayeen dalkoodii iyo diintoodii, manta se maxay ku dhimanayaan? yaraantii waxa kale oon xasuustaa in waayeelku odhan jireen raggu waa dagaal oogayaal,holaca dagaalada iyagaa huriya,raranka dabkaasina dumarka ayaa ku gubta, nasiib darro maalintaasi maan fahmin odhaahyadan manta se hadii wax la iga weydiiyo waxaan codsan lahaa in dunida lagu maamulo ( caqliga ragga iyo qalbiga dumarka).

Mar kale Ayaan akhristay mid ka mid ah dagaal oogayaashii ugu dhiigya cabka badnaa dunida oo leh raggu dagaalka waxay ugu farxaan sida hooyadu ugu faraxdo ilme caloosheeda lagu abuuray.

Laga soo bilaabo yaraanteenaasi ilaa hadda waxaynu aragnaa in dumarkuna nolosha umulaan,ragguna geerida dhalaan, ma rabin mana rabo inaan noolaado maalmo kale oo dhiig iyo dhiilo leh,dagaalka ugu qadhaadh ee aynu isku ogayn waxa uu ahaa dib u dhiska garaadka iyo wacyiga umadda, mase ahayn qori,miyaanay dagaal inagu filayn intii aynu ka soo daalnay ee aynu soo aragnay,dagaal waan ka soo daalnay,adna waad ka soo daashay,waxaynu isla garanay inaad adna jaamacadaadii ku noqoto,shaqaaluhuna shaqadiisii ku noqdo,farsama yaqaankuna warshadiisii,xaasluhuna xaaskiisii dib isu waraystaan noloshana dib u bilaabaan.

Dagaalka iyo oogistiisaba waan necbahay akhlaaq ahaan iyo Mab,da ahaan,waxaan iyadna ka sii necbahay kuwa hadda jooga ee biilkii caruurtooda rasaasta iyo qumaca siista,waxaan iyadna ka sii necbahay inaan labadooda dhinacna aanay si fiican u fahmi Karin waxa ay iyagu ula dagaalamayaan iyo waxa loola dagaalamayo, dagaalku waa astaanta ugu dambaysa ee muujisa in la guul daraystay, oo hubka iyo ajal bixidda laga dhigtay wada hadal iyo ergo.

Hadii aynu ka fakirno dadnimada qofka kale,si degdeg ah ayaad dagaal uga meeraysan kartaa,hadii aad ka fakirto qofka aad qoriga u sidataa inuu yahay aabo caruur leh inuu soo noqdo duhurkii ama casarkii riyadoodu tahay si balan qaadkoodii uu u fuliyo ahaa {aabbo buskud ama nacnac noo keen}.

Hadii aad ka fakiri lahayd inuu leeyahay xaas habeenka uu duurka kaga maqanyahay sariirta iyo hurdada keli ku ah,marba dhinac isku rogaysa, werwe iyo walbahaarna joogto u yahay ilaa uu u soo nabad noqonayo.

Hadii aan ka fakirno inuu leeyahay hooyo fiyaaradda ku sii sagootiday, guusha keliya ee ay filanaysaana tahay in ilmaheedu u soo nabad noqdo si ay u hesho fursad nololeed oo mar kale ay laabta ilmaheeda ugu geliso,waxa aan intaasi ahaynna guul darro u taqaan.

Hadii aad ka fakirto in laga yaababa inuu ka soo tegay geenyo qurxoon oo uu dhawaan u geed fadhiistay,oo galab kasta tagta goobaha lagu iibiyo taashkii ay arooskeeda u xidhan lahayd,habeen kasta qaban qaabada arooskeeda ididiiladeeda ku dhisata.

Hadiiba aad ka fakiri lahayd mid kale oo waxbarashadiisii iyo jaamacadiisiiba ku seegay sidii uu hanan lahaa Himilo uu isagu u arko inay tahay mid sharaf leh inanan aan u aragno himilada ugu liidata dunida.

Hadii aad ka fakirto dagaal marka aad gelayso in cadawgeennu yahay dad inaga oo kale ah, inaynu iyaga

tirtirno ama inaga ay ina tirtiraanna uu yahay dhamaadka labadeenna.

Hadii aad ogaan lahayd Guusha dagaal inaanay tacsi ugu filnayn kii wax laga dilay iyo kii wax dilay

toona,guushaadu hooyana u soo noolayn mayso ilme ay dihatay 9 bilood oo maydkeedii hadda horyaal.

Guushu aabo u noqon mayso agoon weli sugaya hadyadii uu aabihii u dirsaday,marka uu soo noqon

waayana raadinaya foolka kii aabihii dilay.

Guushaadu nin u noqon mayso hooyo carmal aad ka dhigtay,meydkii ninkeedana duudda iyo dooxaha

bahalaha kaga timaadeen.

Mahdi Sheekh

Caasimadda Somaliland

Mahdimuxsin@yahoo.com.