Maadaama oo mawsimkii xajka lagu jiro, aan idinla wadaago dhowr dersi oo la xidhiidha: Axkaamta Cumrada, Xajka iyo booqashada Masjidka Nebiga SCW.
Axkaamta Cumrada
Cumrada macnaheedu waa booqasho la soo booqdo guriga Alle (Kacbada), si loo guto cibaado leh sifooyin iyo axkaam gaar ah.
Cumradu sida xajka oo kale waa waajib, waana in qofka awoodaa uu cumrigiisa hal mar gutaa.
Cumradu waxa ay leedahay tiirar aanay la’aantood ansaxaynin, waxa kale oo ay leedahay waajibaad aan la dhaafi karin, waxa kale oo jira arrimo xaaraan ka ah oo ka reeban qofku inta uu cumrada ku dhex jiro ee uu ixraaman yahay.
Tiirarka cumrada:
1- XARMASHADA – Waa in qofku niyeysto inuu cibaadada cumrada bilaabay oo xidhay, qaabka uu u xidhanayaa waa inuu niyadda ka guntaa, in uu ku dhawaaqo oo uu yidhaahdo “labbayka cumra” iyana waa sunne, sidoo kale waxa waajib ah inuu miiqaatka ka soo xidho, Miiqaatku waa meesha laga soo xarmado ee laga xidho xajka ama cumrada.
2- Dawaafka kacbada, iyadoo laga bilaabayo dhagaxa madow, todoba jeerna lagu dhammeystirayo, saddexda hore waa la guclaynayaa hadday suuro gal noqoto, afarta danbena waa la tallaabsanayaa.
3- Socodka labada buurood dhexdooda, Safa iyo Marwa, iyadoo laga bilaabayo Safa laguna dhammeynayo Marwa, labada calaamadood ee cagaarka ah dhexdoodana waa la guclaynayaa.
Saddexdaas qodob waa tiirar aan la dhaafi karin oo cumradu la’aantood ansixi mayso.
Waajibaadka cumrada
Waajib waxa looga jeedaa arrimo ay tahay inaad sameyso, haddii aad sameyn waydo cumradaadu way ansaxaysaa waxase kugu waajibaya dhiig aad ku kabayso oo ah inaad neef bixiso oo xaramka lagu qalo.
1- Waajibka koowaad waa in cumrada laga soo xidho miiqaatka, xidhashada lafteedu waa tiir ama rukni, laakiin halkan waxa loo jeedaa in meesha laga xidhanayaa ay noqoto meelaha sharcigu u xaddiday in laga soo xidho ee miiqaatyada la yidhaado, hadduu qofku ka sokeeyana uu ka soo xidho meesha uu deggan yahay oo ka baxsan xayndaabka xaramka.
2- Inuu ninku iska bixiyo dhammaan maryaha tolan ee uu xidhan yahay, sida surwaallada, shaadhadhka, garamada, koofiyadda iwm, isagoo xidhanaya laba go oo aan tollayn, shardigani ninka ayuu gaar u yahay, gabadhu waxay xidhan kartaa maro kasta oo asturan.
3- Xiirashada timaha marka sacyiga la dhammeeyo ama gaabintooda.
Waxyaalaha xaaraanta ah ka cumraystaha:
1- Goynta timaha inta cibaadadu dhammaanayso ee uu ixraaman yahay, meeshay doonaan ha ku yaallaane.
2- Guridda ciddiyaha.
3- Xidhashada maryaha tolan, sida surwaalada, shaadhadhka iwm.
4- Daboolidda madaxa, sida in cummaamad la saaro ama koofiyad la gashado, amaba go’a ixraamka lagu dedo, shardigan iyo ka ka horreeyaaba waxay u gaar yihiin ragga.
5- Marsashada udugga noocuu doono ha ahaado, dharka iyo jidhkaba, sida cadarka, kiriimka, uunsiga, ku maydhashada saabuunta ama shaanbooga udugga leh iwm..
6- Kulanka lammaanaha ee furaashka, iyo weliba mubaasharada oo ah dhunkashada, taataabashada iyo waxkasta oo qofka dareenkiisa kicin kara.
7- Guurinta ama guursashada iyo weliba doonista guurka (u fadhiisasho).
Dhammaan arimahani waxa ay ka reebban yihiin qofka ku jira cibaadada cumrada amaba xajka, waa inta uu cibaadada ku dhex jiro ee aanu ka xalaaloobin.