โQofkastaa ma waxa uu Tuug yahay cayduna qabataa inta uu dawlada ku jiro ama uu xilka-hayo ,balse ma waxa uu daahir noqonayaa marka uu kasoo baxo ee uu xisbiyada mucaaradka ah midka mida uu ku biiro ,armay xisaabtu dadwaynow inaga qaldan tahay.
Waxa aad moodaa in ay inta badan caado iyo dhaqan inoo noqotay in aynu markasta la xisaabtano kuna qaylino hadba madaxda markaasi xilka dawladnimada haysa,kuwaasi oo aynu waxbadan ku sheegno in ay yihiin kuwo xatooyo ba’an ku haya xoolahii umada.
Maxuma in dadka ay ku baraarugsanadaan lana xisaab tamaan dadka xilka u haya,sheegaana kii qaldan iyo kiin hantidooda boobaaya,hadana iyada oo ay sidaasi tahay ayanu hadana kala xigsanaa madaxda qaarna waynu soo dhawaynaa kuwa kalana waynu dayrinaa oo waxa aynu ku sheegnaa Tuug.
Waxyabaha aadka u layaabka ah waxaa ka mida,hadii maanta dawlada jirta aynu u aqoonsano in ay dhamaantood dadka ku jiraa ay yihiin kuwo khaa’inimo kula kacay dadkii iyo dalkii loo doortay, isla markana dhamaanba cunay una aaba-yeelin ,maalkii iyo dhaqalahii uu dalku lahaa,waxa iswaydiinle tuugnimada aynu u aqoonsanahay intee inleeg ayay jiraysaa.
Waxaa iyana maalin kale imanaysa in nimanka laftoodii marka ay xilka ka daadagaan,ay dad waynaha lasoo saftaan kadibna ay farta ku fiiqaan kuwii markaasi dawladnimada kala wareegay, iyaga oo ku sheegaaya tuuk dadka iyo dalkaba dhacday waxna aan u qabanin.
Arintaasi markii aan u dhaba galay waxa ay ila noqotay mid aad u layaab badan,manaa waalan mise cadan ayaa laga heesayaa ayaa nin laga hayaa,dadku miyanay baraarug sanayn,hadiiba ninkii ay shalay tuuga u yaqaneen uu maantana dhinaca kale kasoo wareego,kadibna isaga laftiisu inta uu kusoo garab istaago uu farta kugula fiiqo ninkaad tuuga u haysatay.
Maxay ayay ku kala duwan yihiin labadan nin,hadiiba kani aad ku hubto in uu tuug yahay oo uu maalkii umada dhacay,maxay ayay tahay sababta tuuknimadii ka reebaysaa marka uu xilkii ka dhaadhaco ama laga eryo,taasi saw macnaheedu noqon maayo dadwaynaha ayaaban marka hore tuuga aqoon.
Waxyabaha aadka loola yaabo waxaa ka mida Tusaale ahaan, maanta Somaliland waxa la hadal hayaa in ay dhawaan doorasho ka dhacdo, waxaa ka jira Xisbiyo Ilahay uun ogyahay xaalkooda oo wadankii ku beeray kuna kobciyay qabiilkii iyo qabyaladii,dadkiina ku kala qoqobay.
Hadana iyada oo ay sidaasi tahay,ayaa waxa aad maqlaysaa niman wakhtigan xaadirka ah ka mid ah xukuumada, xisbiyada kasoo horjeedaana ay u yaqaanan ragaasi kuwo tuug ah oo maalkii umada dhamaantii xaday,ayaa hadana marka ay dawlada kasoo baxaan ama laga soo eryo ,waxa ay soo galayaan Mucaaradka kadibna waxa ay isu badalaytaan Ehelu’karam aan waligii maal umadi leedahay aan dhicin,waa maxay sababta shalayna uu tuuga u ahaa hadana uu u noqday ninka waliga ah.
Waxa aan in badan xasuustaa ninka lagu magacaabo Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan,waxa uu Somaliland ahaa ninkii loogu hadal haynta badnaa,Mucaarad iyo muuxaafidba waxa uu ahaa nin aan afka laga dhigin,ilaa heer la gaadhsiin jiray in uu yahay nin ku takrifala hantida umada iyo maamulka dawlada,gaar ahaan awoodo aanu lahayn.
Dadkii Xirsi eedaynta aadka u badan usoo jeedin jiray waxaa ka mid ahaa xisbiyada Mucaaradka ah gaar ahaan Waddani, kuwaasi oo mararka qaar ku sheegi jiray waxaan afka lasoo marin karin lagana xishoodo.
Haddaba maanta Xirsi waxa uu ka mid yahay madaxda Xisbiga Waddani, walibana waxaaba loo dhiibay xil cusub oo aan xisbiga hore looga aqoon, kaasi oo i xasuusiyay xilkii cusbaa ee Xirsi uu Madaxwayne Siilaanyo u magacaabay 2010-kii markii uu xilka qabsaday, kaasi oo ahaanaย Chief Of Cabinet, balse ay dadku fahmi waayeen xilkan cusub waxa looga jeedo.
Xirsi Cali Xaaji Xasan Xisbiyada Mucaaridku shalay waxa ay u yaqaneen Tuug, maantana waxa ay u dhibeen xil aan horeba xisbiyada waddanka loogu aqoon, iyama ayay run sheegayaan, maxaan ku rumaystaa Xisbiyada Somaliland dhammaantood, hadday tahay muxaafid iyo hadday tahay mucaarid.
Ma diidani in qofkasta oo xaq u leeyahay in uu xisbiga uu doono uu galikaro, mana lihi yaan lasoo dhawayn cidkasta oo xisbi kale kasoo digarogata, balse waxaa ii muuqata in aanay jirin ahdaaf iyo wax cad oo lagu kala doorto madaxda Somaliland.
Hadaba sidee ayaynu ula xisaabtanaa madaxdeena aynu kaga cabanayno shaqa xumada iyo hadti boobka,ma waxa aynu la xisaabtanaa oo aynu caynaa kan markasta xilka haya,mise waxa aynu ka daba tagnaa oo aynu qalin iyo buug daba qaadana kan inta uu dawladii kasoo baxay xoolihii umadana soo boobay hadana shaadhkale isoo gashaday.
Qofkastaa ma waxa uu xun yahay inta uu dawlada ku jiro,ma waxa uu daahir noqonayaa marka uu kasoo baxo ee uu aniga isoo raaco, haddiiba markuu xukunka hayay aan ku eedaynayay in uu Tuug aha waa maxay sababta uu maanta ku noqonaayo nin aan waligii wax xadin.
Ma inaga ayaa qaldan mise madaxdeena ayaa qaldan, Tuugu ma hadba ka xilka hayaa,oo markaasi wadanka imisa Tuug ayaa jooga oo xilkii ka tagay ama laga eryay, dhaleecaynteenu ma mid wakhti go’an ku salaysanbaa, maxaa talo ah, sidee ayaynu madaxda u qiimaynaa, qaabkee ayaynu u kala garanaa kan wanaagsan iyo kan kale.
Arintan yan loo qaadanin sida inoo caadada ah in aan xisbi qudh ah weeraraayo ama aan waxkaga sheegaayo, waxa hubaala in dhammaan xisbiyadu ay arrintan ka siman yihiin, siyasiyiintiina ay noqdeen kuwo hadba u dulaama halkay ay isleeyhiin kursi ayaad ka helaysaa.
Wabilaahi tawfiiq.
Twitter @khadar_aar
WQ/Khadar Ibrahim Aar